Taariikhdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre

Jaalle-SiyaadMax’d Siyaad Barre awoowgi Barre Cabdulle Yuusuf waxaa lagu dilay dagaalladii sokeeye isagoo madi ah.Wuxuu markaas ifka uga tagay 7 nin oo kala ahaa:
1-Xasan Barre Cabdulle oo lagu dilay dagaalkii ba’naa ee Qaranro-Balo oo dhex maray dh/dhaqaaqii Daraawiish iyo xoogaggii ka soo horjeeday,wuxuuna ahaa Darwiish.
2-Muuse Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalladii Daraawiish,isagoo Darwiish ah.
3-Xirsi Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalkii Talyaanigu ku qabsaday Itoobiya 1936 isagoo ah askari Talyaani.
4-Siyaad Barre Cabdulle waxaa lagu dilay Mirrig abbaartii 1926 wuxuuna ka mid ahaa kacdoonkii Fallaago oo ka horyimid gumeystaha Talyaaniga.

5-Faarax-Madow Barre Cabdulle waxaa lagu dilay degaanka Wardheer isagoo socoto ah,waxaana loo dilay dakane qabiil.
6-Max’uud Barre Cabdulle wuxuu ku dhintay dhulka GEDO tii allaana u timid.
7-Jaamac Barre Cabdulle tii allaa u timid,wuxuuna dhintay abbaartii 1938dii isagaana ugu dambeeyay ilma Barre.
M S Barre wuxuu ku dhashay sida loo badan yahay aagga Laas Gacal oo ka mida degaanka loo yaqaan Ceel Gaab oo maanta ka tirsan degmada Shilaabo ee Kiilka Shanaad ee Itoobiya. Wuxuuna dhashay abbaartii 1915/1916.

Anigaan erayadaan qoraya, waxaan ku dhashay qiyaastii meel u jirta Shilaabo 10 KM, haddana waxaa ii diiiwaan gashay inaan ku dhashay degmada Dhuusamareeb, waayo waxaa laga baqayey in aan dugsiga la ii oggolaan anoo aan Jumhuuriyadda ku dhalan awgeed…isla sidaas si u eg baa laga yaabaa in J/lle M S Barre loo diiwaan gashay inuu ku dhashay Gedo.

Arrintaan godobteeda waxaa leh gumeystihii dagallada S/liyeed kala qoqobay oo geyeensiiyay beelihii reer guuraaga ahaa khalal nololeed.
Si kastaba ha ahaatee, hooyadi Shaqlan Warfaa Maxammad waxaa aabbihii ka dumaalay adeerki Xasan Barre ,iyadoo laba gabdhood oo hal hameyn Abris ku dilay waa dambe dhulka Gedo u leh.

Waxaa kale oo hooyadi aabbihi u dihatay laba gabdhood oo kale ah, Faadumo Siyaad Barre oo u dad dhashay Cali Dhoorre Muuse iyo Xaliimo Siyaad Barre oo dad dhashay Cali-Nuur Aadan Sanyare iyo Aw Cali Cumar.Waxaa kaloo la dhashay laba gabdhood oo kale ah,Fadumo Siyaad Barre oo dad dhashay Faarax Max’d Ciise-Gurey iyo Xaliimo Siyaad Barre oo dad dhashay Jaamac Xirsi.

Gabdhaha la dhashay M Siyaad lababa waa isku magac.
Markii la jabiyey dh/dhaqaaqii gunnima diidka ahaa ee Daraawiisheed oo jifada M S Barre ee reer Kooshin Ugaas Diini badi ku tirantay iyadoo Daraawiish la safnayd iyo waliba in kaloo tira badan oo tokiisa Mareexaan ah,kuna dhinteen Daraawiish rag reer Barre ah ayaa qoyskii Siyaad Barre iyo qoysas kaleba u qaxeen dhulka Gedo oo markaas carro nabadeeda, waagaasna dhabarkaa lagu siday Max’d.

Hooyadina waxay dhimatay isagoo wali cunug aan weynaan ah.
Aabbihi ayaa dib ugu soo noqday dhulkay hore uga guureen,wuxuuna soo gaaray qeybo ku harsanaa oo reer Barre Cabdulle ah. Wuxuu la kulmay kacdoonkii Fallaago oo uu hoggaaminayey Naa’ib Cumar Samatar, wuuna ku biiray kacdoonkaas.

Markii Siyaad la dilay oo Max’d wali wiil yar yahay ayaa adeerki Jaamac Barre dib ilma Siyaad ugu soo ceshay dhulkii Doh, Ceel Gaab iyo G/gaduud oo ay hore u dagi jireen. Dhulkaan baa Max’d ku qaan gaaray ,wuxuuna ka qortay askarta Talyaaniga Baladweyn 1936dii,wuxuuna ka mid noqday “Corpo Zaptie, Polizia Africana Italiana”.Wuxuuna galay dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya.
Markii la qabsaday Itoobiyana waxaa loo soo beddalay Xaafuun oo maxaabiistii dagaalka ee Xabashida oo ka shaqaynaysay warshaddii Milaxa ee Xaafuun hor jooge ka noqday.Xanuun lagu sheegay Riyaax baa ku dhacay ka dibna waxaa loo soo gudbiyey Xamar.
Markii uu geeriyooday adeerradii kii ugu dambeeyay waa Jaamac Barree,yahayna wali inan da’ yar baa dani ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto dhulkii miyiga oo uu oday u noqdo agoontii iyo xaasaskii badnaa ee reer Barre Cabdulle. Wuxuu markaas ka dumaalay adeerki Jaamac, Faadumo Aw Muuse fiqi oo hore u dhashay Cabdi-Dhuux Jaamac Barre iyo Ashkiro Jaamac Barre.
Abbaaraha laba sano ayuu u xoojinayey agoomihii reerkooda,asagoo markaas dhawr iyo labaatan jir ah buuna ka noqday mas’uul reer ballaaran,waxayna noqotay bilawgii xilqaadnimadiisa, ka dib wuxuu dib ugu noqday askartii. Intii uu ka soo maqnaa agoomihii ayaa waxaa la dhacay duunyadoodii.
Maxamed Siyaad wuxuu u yeeray nin adeer labaad u ahaa oo wadaad ahaa, Odayna u noqday xaasaskii iyo agoomihii reer Barre,lana oran jiray Aw Nuur Cali-qaal Yuusuf. Wuxuuna M Siyaad u dhiibay lacag uu rabay inuu wax uga caynsho agoomihii la dhacay. Aw-Nuur oo lacagtaas ka soo qaaday Baladweyn baa lagu dilay safarkaas aano qabiil awgeed,waana laga furtay wixii uu siday.
Markii dib Ingriisku u qabsaday Soomaaliyana dagaalkii labaad ee dunida waxaa M Siyaad loogu diray Kenya waxbarasho. Markii uu soo dhammeystay tababarkii “African rifles at Kabetti,Kenya” wuxuu ka mid noqday Laanta Gaarka ah ee Booliska Isticmaarka Ingriiska “The Special Branch of the British Colonial Police” oo xilkii kale wareegtay “Corpo Zaptie”. Halkaan wuxuu ku gaaray darajadii ugu sarreysay.
Markii 1949kii Soomaaliya loo oggolaaday Talyaanigu inuu gaarsiiyo Xornimada,waxaa M S Barre lagu abaalmariyey labo sano oo waxbarasho ah,wuxuuna galay kuliyadda “Carabinieri Police College in Italy”.Ka dib markii u ka soo noqday Talyaaniga wuxuu Muqdishow ku qaatay waxbarasho dheeraad ah oo ku saabsan siyaasadda iyo maamulka . Waayo ka dib,wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee u dallaca sarkaal buuxa,waxaana laga dhigay taliyaha Booliska ee gobolka Banaadir.
1958dii baa la dhisay Booliska Soomaaliya, Siyaadna wuxuu gaaray Sarreeye Guuto “Brigadier General of Police”. Markii Apr. 1960kii la unkay Xoogga dalka Soomaaliyeed/XDS, wuxuu Siyaad noqday ku-xigeenka Taliyaha XDS. 1965tii markii uu dhintay taliyhii XDS S. G Daa’uud, Wuxuu Siyaad oo ah Sarreeye Gaas noqday Taliyaha X D S ”Commander in Chief of Somali army”.
KACAANKII OKTOOBAR
Intii u dhexeysay 1960 iyo 1969kii waxaa dalka ka talinayey dawlad rayid ah oo qaab doorasho talada ku heli jirtay, hase yeeshee waxaa jiray xisbiyo aad iyo aad u tira badan oo ku dhisnaa hab qabiil. Arrintaas waxay dalka geyeysiisay qulub siyaasadeed iyo dabac hannaankii hoggaaminta dalka.Waxay arrintu murugtay markii Okt. 1969kii lagu toogtay Madaxweynihii dalka Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake magaalada Laascaano.
Haddaba Okt.21, 1969 oogtii hore ayaa ciidammadii qalabka siday isku gadaameen barihii doorka ahaa ee dawladdii ,waxayna xabsiga u taxaabeen badi madaxdii sare ee Taliskii dalka.
Labaatan sarkaal oo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ah iyo 5 sarkaal oo booliska ah,ayaa S.G Max’d S Barre ku hagay afgambi aan dhiig ku dadaan (bloodless coup d’tat) ama la yiri waa Tawraddii Caddayd. Waxay golihii sare ee kacaanku oo markaas isku magacaabay SRC (Somali Revolutionary Council) laaleen distoorkii dalka, waxay xireen golihii shacabka ( council of parliamentarians), waxay maanaceen xisbiyadii siyaasadda, maxkamaddii sarana way tireen.Dalkiina waxaa dib loogu magacaabay Jumhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya (Somali Democratic Republic…SDR).
Saraakiishii kacaanka hoggoominaysay waxay taariikhd ku xarriiqeen in Kacaankaan noqdo kii 3aad ee ugu weynaa kacaannadii geyiga Soomaliya ka curtay. waxay muujiyeen firfircooni, waxayna jaangooyeen qorshayaashii siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalka wax looga qaban lahaa. Waxay qaadeen ololayaal waxqabad ah oo dhan kasta oo nolosha dadka Soomaaliyeed taabaneysa.Waxaa mudan in la xuso mashaariicdii iskaa-wax-u-qabso oo xubno badan ee dadka S/liyeed ah oo aan hore u lahayn xirfado w/soo-saar lagu tababaray, arrintaan oo door weyn u lahayd dalka. Sidoo kale waxaa dalka laga hirgaliyey mashaariic badan oo dardartay u fulayeen mar Soomaaliya u ekaatay dal ka ruqaansanaya fadhiidnimmadii dunida seddexaad.
1974 waxaa Jaalle M Siyaad oo markaan ah Guddoomiyihii Golaha Sare ee kacaanka iyo M/weynihii dalku la saxiixday dalkii Midowga Soofiyeetka ee itaalka lahaa heshiis mug weyn . Isla sannadkaas wuxuu Siyaad saxiixay xubin ka ahaanshaha Soomaaliya Jaamacadda Carabta. Haddana isla sannadkaas wuxuu Siyaad noqday Guddoomiyaha Uruka Midowka Afrika.
Dhallintii firfircoonayd ee kacaanka horseedka ka ahayd waxay isdabajoog ugu baaqayeen himmiladay la doonayeen horumarinta dalka iyo barnaamijyadii hanuuninta dadweyna oo tubtay rabeen ku duwaysay bulshada S/liyeed.
1972 ayaa meel fagaaraha ee dad badani isugu soo baxay waxaa khudbad taariikhi ah ka jeediyay J/lle Max’d S Barre, wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in markii ugu horreysay afka Soomaaliga la qoray,laguna qoray xuruufta Laatiinka. Intii uu khudbaddiisa waday ayaa wax dul heehaabay fagaarihii, raxan diyaarado ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo daadinayey dhambaallo tusaaleynaya sida farta cusub loo qoray.Maalintaas waxay bog cusub u furtay guud ahaan taariikhda S/liyeed, waxayna ahaatay astaan mar walba lagu garan doono w/qabadkii kacaankii libineed iyo sharaf ku lammaansanaan doonta magaca J/lle Siyaad.
Si farta cusub loo hirgaliyo ayaa waxaa lagu booriyey shaqaalihii dawladdu inay galaan imtixaanno lagu hubinayo inay barteen farta. Sidoo kale,waxaa dalkoo idil laga joojiyay sannad dugsiyeedkii 1974-1975 laba fasal mooyee,waxaana dhammaan ardaydii dugsiyada dalka loo baaliyey inay dadkooda ka hammuun tiraan wax-qorista iyo wax-akhriska. Abaabul heer qarana oo aad u ballaaran baa la galay.
Waxaa jid walba ku baxay gaadiid sida guutooyin arday ah oo u ambabaxay goob kasta oo beel Soomaaliyeed taal,miyi iyo magaalaba. Waxaa dalkii oo idil ka oogmay kacdoon waxqabad leh, waxaana halheys noqotay BAR ama BARO; oo loola jeeday haddaad taqaan wax qorka Bare noqo, haddaadan aqoonna imminka baro.
Hal sano ka dib, markii uu dhammaaday olalihii weynaa, waxaa dadkii Soomaaliyeed ee in yar wax qori jirtay, mar qura intii badnayd isu rogtay dad wax qori kara, akhriyina kara. Horumarkaas degdegga ah ee la yaabka leh wuxuu ahaan doonaa mid raadkiisu qoyanaado inta qaran S/liyeed jiro. Loogama harin qoristii farta intaase, waxaa la diyaariyey eray bixinta culuumta kale geddisan ee dugsiyada lagu dhigto oo si aad ugu habboon loo habeeyay, waxayna arrintaasi hirgashay ilaa manhajyada dugsiyada sare.
Intii ay Soomaali dawlad laheyd iyo ka horba waxaa jiray hammi ku fog dadka Soomaaliyeed oo idil oo ku beegnaa dhulkii Soomaaliyeed ee gumeystuhu kala qoqobay, waxaana ugu darnaa qeybtii Soomaali galbeed ee gumeystaha madow ee Axmaaradu ka talineysay. Dawlidihii Soomaaliyeedna waxay ka mid aheyd arrintaasi ajandooyinka kowaad. Haddaba, Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka S/liyeed ee la abuuray 1976 golihiisii dhexe ee J/lle Siyaad ka ahaa Xogyaha Guud baa ansixiyey in XDS gacan siiyo Jabhadihii xornimo doonka ahaa ee Soomaali Galbeed oo intii muddo ahba loollan adag kula jiray taliskii Axmaarada.
Wuxuu XDS galay dagaallo aad u culus, waxaana caan noqday goobo dagaal sida; Godey iyo Jigjiga oo gaashaan-qaadka S/liyeed ku muujiyey karti dagaaleedkiisa dabiiciga ah iyo tan la bartaba.Waxaa muddo yar ku guuleystay XDS oo xoreeyay badi dalkii S/maali G/galbeed, ka dib markuu Axmaarada ku jabiyey goob walbaba.Dagaalkaas waxaa galay qaranka S/liyeed oo idil dawlad iyo dadba.Waxaa mudan in la xuso Suugaantii dagaalka ee sida talantaaliga ah uga baxaysay Radio Muqdisho taas oo aan ka awood yarayn holaca baaruudda. Suugaantuna sideedaba waayihii kacaankay u kobocday si aan hore loo arag, loogana sheekayn.
Waxaase xagal daaciyey guushii cimriga oo uu haleelay qaranka S/liyeed, J/lle Siyaadna ka ahaa halyeygii dumayey ololahaas Xoogaggii ugu itaal roonaa dunida ee Ruush iyo Maraykan oo mar qura iyagoon hore ugu heshiin walaxna intii uu jiray dagaalkii qaboobaa ee Isbahaysyada NATO iyo WARSOW, si taariikhda yaab ku leh ugu heshiiyay inay Soomaali weyn kala dhantaalaan. Waxaa dawladdii Soomaaliyeed si cad oo handadaad wadata loogu sheegay inay kala baxdo dhulkii Soomaali G/beed ciidammadii xoreeyay.
Si muruga leh buu M/weyne Siyaad u amray in laga soo baxo dhulkii geesiyada S/liyeed xoreeyeen oo diricyadu u qubeen dhiig badan. Waxaa la wariyey inay ahayd, in XDS si la isla oggolyahay uga soo guuro goobihii ay ku sugnaayeen, waxaase taas rogay cadawgii gudaha oo u beddalay in si dalanbaabi ah looga soo baxo.
Waxaa jabay hankii weynaa ee shacabka Soomaaliyeed ee si joogta ah ugu haliilayey haabashada Soomaali weyn….waxaa jabay hankii halyeeyadii qaranka ….waxaa dumay dhaqaalihii dalka oo si hagar la’aana loogu huray baadi-goobka Soomaali weyn. Iyadoo daqarkii weynaa ee gaaray Soomaaliya aan wali la dhayin, tawstii ku habsatay ummadda iyo dawladdana lala liicayo ayaa si lama filaan ah, xubno xoogga dalka ka tirsan u maleegeen afgambi dhicis noqday 1978.
Afgambigaasi wuxuu horseed u noqday fidnadii ka hurtay dalkii mar hugunkiisa laga maqlay hareeraha dunida oo idil, dhammaadkiina ka dhigay Soomaaliya meel aan dawlad lahayn oo dawanka madfaca iyo dananka rasaasta Aakaha un laga maqlo …mullaaxdii kacaanku u diiray Shacabka S/liyeedna ku aasay dambas.
Baadi goobkii Soomaali weyn ee kacaankii Oktoobar uu horseedka ka ahaa ma wada hungoobin ee waxaa xurnimadii haleelay Jubuuti Juun 27, 1977 . Waana loo marag dawrkii Dawladdii S/liyeed iyo Shacabka S/liyeedba ku lahaayeen guushaas soo hoyatay.
Maalintii ,1991dii kacdoonkii qaran dumiska ahaa ee maangaabka S/liyeed ka taliyey dumiyey taliskii dalka, J/lle Siyaadna ka baxay Xamar, ma jirin dawlad waxtar leh oo la sheego ee waxaa jiray qalfoof dawladeed oo aan ficil nool lahayn….waxay dawladdii iyo madaxdeeduba u ekaayeen kuwo xawli dheer ku orday oo xuurtadii markaan la xiiqsan. waxaana xoogaggii riday qalfoofkaas noqdeen Haarey duulaysa oo waxay aragtaba leefaysa, ilaa dalkii oo idil noqday lama degaaan iyo lafo wada qayaxan.
Aarkii la ganay iskama huleelin ee wuxuu ka soo jeestay GEDO, isagoo wali gaylamaya…dhulkii isagoo gabana uu u qaxay buu haddana u qaxay isagoo guxushaa gaboobay ah.Wuxuu u qumay iska difaacii xoogaggii u haliilayey dhiiggiisa iyo kan dadkiisaba….Markii dambana wuxuu dumay guluf lixaad leh oo uu damacay in uu ku soo ceshado Heemiskii laga tuuray. Arrintaan dambe ma suurtoobin oo waxaa dhagar iyo dhabar-wareen ka yimid xubno ka tirsan cududduu ku tiirsanaa.
J/lle Max’d S Barre, wuxuu dhammaadkii magan u noqday Nayjeeria oo si wacan loogu marti galiyey …ilaa uu ku geeriyooday magaalada Laagoos Jan 2, 1995. Gadaashi Soomaaliya waxay ku sidbatay haadaan dheer oo ba’ iyo hoog leh. Waxayna tabaysaa halyeeyo u kacoo wax uun ka caynsha…malaha waxay tabaysaa hal-abuurkii iyo hawlkarnimadiisii …malaha waxay tabaysaa madiixiisii iyo maxaa wacaydii.
TARANTII MAX’D SIYAAD BARRE:
Max’d Siyaad Barre wuxuu ahaa nin madi ah oo wax raga ayna la dhalan, wuxuuna guursaday dhawr dumar ah oo u dhalay 8 raga iyo 12 gabdhood, waa intii hanaqaadaye. Dumarkuu guursaday iyo intay u dhaleen waa sidatan:
1-Faadumo Aw Muuse Fiqi oo u dhashay; Shamhaad M Siyaad, GS Cali M Siyaad (Shigshigow) iyo GS Shire M Siyaad.
2-Khadiijo Macallin Ismaaciil oo u dhashay; SG Maslax M Siyaad, GS Xasan M Barre (Rubeeti), Dr. Cabdullaahi M Siyaad, Canab M Siyaad iyo Cosob M Siyaad.
3-Falxado Gurrac oo u dhashay Faadumo M Siyaad.
4-Maryan Xasan oo u dhashay Suuban M Siyaad.
5-Dalaayad Xaaji Xaashi Jaamac-Gari oo u dhashay; Guuleed M Siyaad, Diiriye M Siyaad, Ayaanle M Siyaad, Xaawo-Luul M Siyaad, Deeqo M Siyaad, Shamso M Siyaad, Ijaabo M Siyaad, Haweeya M Siyaad, Hodan M Siyaad iyo Ladan M Siyaad.
6-Waxaa jirtay marwo kale oo u dhaxday J/lle Siyaad oo magaceeda lagu sheegay Khadiijo Ibraahim Ciise Cabdi oo waayihii dambe ee uu GEDO ku sugnaa uu guursaday,waxna isuma aysan dhalin.

Max’d Siyaad Barre awoowgi Barre Cabdulle Yuusuf waxaa lagu dilay dagaalladii sokeeye isagoo madi ah.Wuxuu markaas ifka uga tagay 7 nin oo kala ahaa: 1-Xasan Barre Cabdulle oo lagu dilay dagaalkii ba’naa ee Qaranro-Balo oo dhex maray dh/dhaqaaqii Daraawiish iyo xoogaggii ka soo horjeeday,wuxuuna ahaa Darwiish. 2-Muuse Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalladii Daraawiish,isagoo Darwiish ah. 3-Xirsi Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalkii Talyaanigu ku qabsaday Itoobiya 1936 isagoo ah askari Talyaani. 4-Siyaad Barre Cabdulle waxaa lagu dilay Mirrig abbaartii 1926 wuxuuna ka mid ahaa kacdoonkii Fallaago oo ka horyimid gumeystaha Talyaaniga. 5-Faarax-Madow Barre Cabdulle waxaa lagu dilay degaanka Wardheer…

Review Overview

User Rating: No Ratings Yet !

Leave a Reply