Burcad badeed Soomaali oo la xukumayo

Scott iyo Jean AdamGuddi garsoor oo Maraykan ah ayaa ku taliyay in saddex ruux oo Soomaali ah oo loo haysta fal burcadeednimo lagu xukumo cumri xarig.

Xeer beegtiga Dalka Maraykanka ayaa go’aankan ka soo saaray raggan oo lagu soo dacweeyay in Badweynta Hindiya ay ku dileen Afar qof oo Maraykan ah, oo saarnaa dooni yar oo ay lahaayeen.

Dacwad oogayaasha Maraykanka waxay doonayeen in saddexdan nin lagu rido xukun dil ah.

Labada ruux ee ay burcad badeeddu dileen, Scott iyo Jean Adam, ayaa waxay fulinayeen riya ay muddo dheer qabeen oo ahayd inay dunida ku soo wareegaan.

Laakin fulinta riyadaas ayaan suuragelin kaddib markii 19 burcad badeed oo Soomaali ah ay soo weerareen oo ay qafaasheen doontooda.

Waxaa la socday laba ruux oo kale oo ay saaxibba ahaayeen.

Ciidammada badda ee Maraykanka ayaa markii dambe weerar ku qaaday doonida la qafaashay. Halkaas waxaa ku dhintay afarta ruux ee la qafaashay iyo afar burcad badeedda ka tirsanayd.

dadka Maraykanka ee la dilay ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee lagu dilo weerar burcad badeeddu lagu qaaday.

11 ka mid ah dadkii lala soo qabtay kooxdan ayaa horey cumri xarig loogu xukumay.

Saddexda haatan dacwaddooda la dhagaystay, oo kala ah, Axmed Muse Salad, Abuukar Cusman Bayle iyo Shani Nuuraani Sheekh Abraar, ayaa si rasmi ah xukun loogu ridi doonaa bilaha soo socda.

Leave a Reply