Taariiq nololeedka Fanaanka Abdi Holland

abdi-holland

Fannaanka Magaciisa oo Seddexan waxaa la Dhahaa Abdirizak Yusuf Hersi… Cabdirisaaq Yuusuf Xirsi kuna Caan baxay Neenaasta ah Abdi Holland

Fanaankan waxa uu ku Dhashay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Xaafada Madiina ee Wadajir Sanadii 11June 1987. Fannaankan Waxa uu ku soo Barbaaray Magaalada Laascaanood ilaa iyo xad Mudo kooban waxa uu Fanaanku ku noolaa

Magaalada Dhuusa mareeb ka gadaal markii ay dhacday Dowladii Soomaaliya waxa uu fanaankan usoo boqoolay Dalka Kenya in muda ah waxa uu ku noolaa Magaalada Nairobi .

Fannaanka Waxaa usuura gashay inuu soo aado Carigan Yurub si nolosha qalifsan ee dalka ka ji

ka wanaagsan u helo Waxa uu soo Gaaray Dalka Holland Sanadkii 1994 waxbarashadiisa waxa uu ku soo qaatay Fanaankan isla dalkan Holland isagoo ilaa High School ku dhameeyey isla Dalkan, Mudo aad badan Fanaanku waxa uu ku sugnaa Dalkan Holland. Sanadkii 2001 dii waxa uu Fanaankan usoo kicitimay Dalka Ingiriiska isagoo ka Bilaabay Barashada IT:Injineerin Computerka Jaamacada London Univercity ee Dalkan Ingiriiska Waxuu Fananku aad u ahaa mid ku Dadaalaya Waxbarashada jecelna inuu hormar gaadho wuxuu Dagay Dalkan Ingiriiska isagoo ilaaya haatan Dagan Ingiriiska.

Fannaanka iyo Fankiisa Abdi Holland waxa uu Fankiisa ku bilaabay Dalka Ingiriiska Sanadii 2004tii isagoo Fanaanku aad ugu soo baxay tijaabadii codkiisa Hadaba Fanaanku sida Caadada u ah fanaaniinta yar yar marka ay Soo galayaan fanka waxay dib usoo qaadaan Heesaha Fanaaniinta waaweyn waxa uu Fanaankan Codka baxsani ee Abdi Holland dib usoo Cusbooneysiiyey Heeso kooban Heestiisii ugu horeysan uu soo cusbooneysiiyo fanaankan waxa ay Ahyd (RAALIYA) waxaa iska lahaa Abwaanka Weyn Boqorka Codka Maxamed Suleemaan Tubeec ereyada heesta waxaa ka mid ah..

Raasamaadka Guurkiyo Raaliya Ninkii helaa Ragganimo ku faanee … Al-Fannaan Abdi Holland Heestan aadbuu ukeenay qaadisteeda hababka uu ugu luuqeynayo waa mid heer sare ahyd Waxaaa xasuus mudan Fanaankan inuu Guusha u hayo Score ku qaaday ,,,Majiro Fanaan Cusub oo dib usoo qaaday heesaha Boqorka codka Maxamed Suleeman Tubeec balse Fanaankan Karti iyo Awood u gaar ah uu leyahay ayuu Fanaanku soo qaaday Heesaha Tubeec iyadoo sababaha aanan loosoo qaadin heesaha tubeec tahay in ay fanaaniinta cusubi iska dhaaadhacshaan makeeni kartit codka Boqorka codka ee Tubeec fankaaguna ma hirgalayo balse Raganimo iyo Codka baxsan uu Fanaankan lasoo galay fanka ayaa u sahashay inuu keeno codka boqorka codka ee tubeeec.

“Abdi Holland” Waa fanaan cod kar ah si sahal ahna usoo jiiray xuduuda adag ee u taala Fanka waxa uu fanaankan soo qaaday heeso aad ubadan oon halkaan lagu soo koobi Karin balse Heesahiisa kuwa aadka loogu jecelyahay ahna Heesta uu fanaanku ku soo baxay ama uu shaac baxay ayaa ahyd Heesta “AROOS” waxaa si talan taali ah ugula luuqeyneysa Boqorada codka Farxiya Axmed Farxiya Fiska iyadoo heestan ay noqotay mid dadweynaha Somaliyed aad u dhagaystaan fanaankuna aad ayuu ugu luuqeynayaa heestan iyadoo ruuxii dhagaysaaanayaa aad ukacayo dareenkiisa Macaansiga iyo habka wanagsan uu ugu luuqeynayo Fanaankan Da’ada yare e Abdi Holland .

Kuma hagan fanaanku taa kaliyah waxa uu hadana ka dhex muuqanayay Heestii Calanka oo dib losoo qaaday si heer saro waliba waxaa siwada jir ah ugu wada luuqeynaya Fanaaniinta Cusub 1:Nimco Dareen, 2:Abdikhaliq Sirad 3:Maryan Mursal 4:Abdirahman Gaaz 5:Fartun Omar 6:Mohamed Sarad Heestan ooy Fanaaniinta waaweyn horay uqaadeen ayaa hadana Abdi Hollan la dhihi aadbuu ugu baxsaday Qeybtiisa marka la eego sidii horay loogu qaaday. Maku koobna intaas heesaha uu fanaankan wax ka qaadayo sidoo kale Heesta aay dadku aadka uwada xiiseyaan Sanadkaan ayuu fanaanku mar labaad uga Jiraa qeyb halis ah oo la oran karo fanaanku waa mid wadani ahi waxa uu Ku heesayaa Amaanayaana Calankeena Buluuga ood ka arkayso asagoo babanaya waa Heestii Galmudug,

Hadaba Abdi Holland Heesaha uuu qaaday maahan kuwo aaaan ku soo koobi karo halkan balse waxaan xusayaa fanaankan Heesaha uu talan taaliga ulaqaadayo Fanaaniinta Cusub Ubaxyada Fanka sida Farxiya Fiska & Ikraan Caraale,, waxa uu fanaanku Lasoo qaaday Fanaanada Farhia Fiska Hees aad uleh Dareen Caashaq Qiiro iyo Qushuucba leh heestan oo ah mid ka turjumeysa Jaceyl ayaa la dhahaa “HAMI” heestan ayaa ah sidoo kale mid ay dadku aad uwada dhagaystaan arkeysidna meelaha ay iskugu imaadan Bulshada ama Dhalinyaradu ay ka daarantahay dadkuna aad ula dhaceen ,

Sidoo kale waxa uu Fanaanku lasoo qaaday Hees talan taali ah Fanaanada Sanadka Ikraan Caraale Heestu Waa “LOVE” Fanaanka ayaa u cataabaya Fanaanada ikraan caraale ayaduna oraneyso iga jooog jog . Fanaanka haatan ku raja weyn inuu soo saaro Heeso Cusub kuwa wadani ah iyo Jaceyl waliba ugaar ah asaga Fanaankan Abdirizak Sababa ay ugu baxday Magaca Holland ayaa lagu macneyaa in Fanaanku Muda badan ku sugnaa Dalka Holland ilaa 7Sano sidaa awgeed loo dhahay Abdi Holland Magaciisa Saxda ah wuxuu yahay Abdirizaak Yusuf Hersi.

Leave a Reply