Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya Qabyta 3aad

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-1Cali Mahdi: “Waxaa la igu eedeeyey in aan lacag ka qaatay Haraadiga Qashinka oo lagu daadiyey badda caalamiga ah oo aan anigu ansixiyay. Waa bad caalami ah. Mana ilaalin karno xitaa 50 km oo xeeb ah, ma haysano maraakiib, ma haysano wax aan ku ilaalino. Sidaas daraadeed waxaan aaminsanahay in dhaammaan arrimahaasi ay yihiin waxba kama jiraan, waa arrin la dhoodhoobay.”…
“Soomaalidu meel dheer ayey wax ka uriyaan oo waxay leeyahay san si wacan wax u uriya, waana arki lahaayeen haddii waxa noocaas oo kale ah (Haraadiga Sunta) la dhex gelin wadooyinka Soomaaliya.” Cali Mahdi…
Giampiero Sebri : “Ururada (sunta duuga) weli si firfircoon ayey u hawl galaan. Haddii aysan weli si toos ah sunta u duugin, waxay u hawl-galaan sidii iyagoo ah la taliyaal.”
Maxamuud Cali Axmed oo ah oday deggan degaanka Warsheekh: waxaan isku arkay xanuuno uu ka mid yahay CUNCUN iyo neefta oo ciriiri igu noqota…
“Nootaayada Dr. Nuur Cali Gacal ayaa Xaqiijisay in Saxiixa ku qoran Warqadda uu yahay Saxiixa Cali Mahdi.”

Aqalka Baarlamaanka ee looga Taliyo Dalka Talyaaniga ayaa Baaritaan Dheer ku sameeyey Sunta Halista ah ee lagu duugey dalka Soomaaliya iyo xiriirka ka dhexeeya dilkii weriye Alpi & sawir-qaadaheedii oo Muqdisho lagu diley 20 March 1994. Intii baaritaankaasi socdey ayaa guddi arrintaas loo xilsaaray waxay 7-dii September 2005 waraysi dheer la yeesheen Cali Mahdi Maxamed. Waxaana taas garab socdey xog farabadan oo ay soo Ururiyeen Hay’adaha Sirdoonka Talyaaniga ee “SISDE” (madaniga) iyo SISMI (militariga).
senatkaCali Mahdi waxaa ugu horayn wax laga weydiiyey dagaalkii Muqdisho, Gen. Maxamed Faarax Caydiid, Ciidamadii UNOSOM, in safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Pakistan Cabdi Xaaji Axmed Liibaan uu u ololaynayey in Dunida Muslimka uu tuso in dagaalka Caydiid kula jirey UNOSOM uu ahaa dagaal Jihaad ah, Bililiqadii ka dhacday Muqdisho iyo Jabhadahii Soomaaliya sida USC, SNF iyo SSDF, Ururkii Al-Itixaad-Al-Islaam, Kala qaybsanaantii Waqooyiga-iyo-Koonfurta Muqdisho iyo arrimo la xiriira maamulkiisii.

Markii la weydiiyey “Aan ka hadallo Giancarlo Marocchino“. Waxa uu Cali Mahdi durbadiiba sheegay in xaaska Marocchino ay tahay gabar uu dhalay qof qaraabo la ah isaga (Cali Mahdi). Markaas ayaa la weydiiyey: waa maxay xiriirka aad la lahayd Mr. Marocchino? Ma xiriir Gacasi, Siyaasad, Akhbaar, Saaxiibtinimo, Qaraabanimo, ama faa’iido wadaag? Waxa uu Mahdi ku jawaabey “Xiriir Saaxiibtinimo maadaama uu ku noolaa aagga.” Markii la weydiiyey cidda uu ninkaasi u shaqayn jirey, Cali Mahdi waxa uu ku jawaabey “Inta aan ka ogahay waxa uu ahaa gaadiid-le wax-rara (trasportatore = carrier).”

Giancarlo Marocchino waa nin dhalashadiisu tahay Talyaani oo intii u dhaxaysay 1992 ilaa 1996 ku noolaa Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho isagoo difaac ka haystey Cali Mahdi. Mr. Marocchino waxa uu lahaa gawaari waaweyn iyo aaladdaha lagu qodo godadka, taas oo loo malaynayo in uu ku qoday godad lagu duugo Sunta Halista ah. Mr. Marocchino waxaa la sheegay in uu gacan ka geystey dhismihii dekedda Ceel Macaan oo ku taal xeebta u dhaw Muqdisho – Xilligii dekedaas la dhisayey oo looga shakisan yahay in haaalkaas (Aagga u dhexeeya Warsheekh ilaa Mareeg) lagu duugey Haraadiga Qashinka Sunta Halista ah.

Waxaa jira warbixinno muujinaya in Giancarlo Marocchino uu Muqdisho gurigiisa ka dhigtay ilaa sannadkii 1984 xilligaas oo uu ka soo cararay Talyaaniga eedayn la xiriirta is-daba marin Cashuurta awgeed. Waxana uu guursaday haweeney Soomaaliyeed oo ka soo jeeda aagga Waqooyiga Muqdisho. Waana ninka warbixinno badan ay farta ku fiiqeen in uu ka mid yahay dadka Sunta ku Duuga Soomaaliya. Sida aan hoos ku arki doonana waxa uu ninkaasi lug ku lahaa jidka Boosaaso/Garoowe – oo warbixinnadu sheegeen in Sun lagu duugey.

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-1
Cali Mahdi oo Alpi ku waraysaneyso Muqdisho 1994.

“Sannadihii 1980-naadkii, xisbigii Hantiwadaagga ee Talyaaniga oo uu hoggaaminayey Bettino Craxi waxa uu u muuqdey mid dawladda Talyaaniga ka dhigay mid dhammaanteed ah musuqmaasuq lacageed – dalkii ay hore u gumaysan jireen ee Soomaaliya ayaa door-weyn ka ciyaaray fulinta musuqmaasuqaas. Lacag xad-dhaaf ah oo gaareysa Trillions Liire ayaa loo diray dalka saboolka ah ee Soomaaliya iyadoo loogu magac daray “mucaawino”, waxaana lacagtaas si dadban dib loogu celiyey jeebka madaxda sare ee dawladda Talyaaniga iyo jaalkooda. (Qaar musuqmaasuqa ah waxa uu soo shaac baxay sannadkii 1989 kaddib markii Gen. Maxamd Faarax Caydiid – intii uusan ku soo shaac bixin qabqablaha dagaal – uu ra’iisul wasaarihii Talyaaniga Craxi ku dacweeyey in uusan siin 50 million lire oo uu hore ugu ballan qaaday oo ahayd laaluush). Khiyaamadii ugu waynayd ee mashruucii deeqda Soomaaliya waxa ay ka dhacday Waqooyi-Bari, aagga Boosaaso. Mid ka mid ah mashaariicdaas waxa uu ahaa dhismihii dariiqa Boosaaso ku xiriiriya jidka laamiga ah ee Soomaaliya inteeda kale. Dadka mashruuca jidkaas faa’iidada ugu weyn ka helay, oo sida musuqmaasuqa lacagta xad dhaafka ku helay, waxa uu ahaa nin aad ugu firfircoonaa ganacsiga la xiriira gawaarida qaadda xamuulka, ninkaasi waa Giancarlo Marocchino.” Sidaas waxaa qoraal dheer ku qoray Michael Maren warbixtiisii Muqdisho 1994.

Barnaamij laga sii daayey Telefishanka Dawladda Talyaaniga ee RAI oo ka warbixinayey telefoon loo soo diray weriyaashi lagu diley Muqdisho ka hor intii aan la dilin, ayaa soo bandhigay sawirro muuninaya in goobtii dilku ka dhacay daqiiqado yar ka dib uu yimid Giancarlo Marocchino, sida lagu muujiyey sawiro TV-ga (Eeg sawirka hoose). Waxaana warbixinta lagu xusay ninkaas Talyaaniga ah oo joogey Waqooyiga Muqdisho. Waxaana markaas la sheegay in dadkii dilka qorsheeyey ay isugu jireen muwaadiniin Soomaali iyo muwaadiniin Talyaani ah, maadaama ay dhici karto in weriyuhu ay heshay xog ku saabsan Sunta Halista ah oo la doonayey in aan la ogaan, sidaasna loo khaarijiriyey weriyaasha.

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-2
Muqdisho, meeshii lagu diley weriyaasha 1994, YAA DHEX TAAGAN GOOBTA?
Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-3
Gaarigii Toyotada ahaa ee lagu diley weriyaasha waxaa diyaarad lagu geeyey Talyaaniga

Waalidka weriyaha la diley ayaa iyaguna ka shakisan Marocchino sida uu sheegay weriye Mr. Maren oo yiri “Wixii ugu dambeeyey oo Giorgio Alpi (aabihii gabadha la diley) uu igu yiri markii aan gurigiisa ka sii baxayey waxay ahayd in uu ka shakisan yahay Giancarlo Marocchino in uu si uun uga dambeeyo dhimashadii gabadhiisa.” Mr. Maren waxa uu intaas ku daray waxaan marar badan ku celciliyey Video-gii laga duubay goobtii dilku ka dhacay, waxaana sawirada Video-gu muujinayaan Giancarlo Marocchino oo ka mid ah dadkii ugu horeeyey ee yimid goobta dilku ka dhacay. Taas lama yaabin, ayuu yiri weriyuhu, laakiin Giancarlo inta uu kaamaarada eegay ayuu dhahay “Waxay joogeen meel ay ahayd in aysan iman.”

“Jiilaalkii 1993, nin ganacsade Talyaani ah oo ah Giancarlo Marocchino ayaa waxaa Muqdisho ka qabtay ciidamada Maraykanka ee sida gaarka u tababaran ee Rangers-ka, waxayna su’aalo weyiinayeen muddo shan maalmood ah, kaddibna waxay u tarxiileen Talyaaniga. Waxaa la sheegay in Admiral Howe uu  ninkaas (Marocchino) uga shakiyey in uu hub gaarsiinayey Caydiid, waxana loo tixgeliyey cadaw shacab. Laakiin Odayaasha Beesha iyo Cali Mahdi – oo cadaawadi ka dhaxaysay Caydiid – ayaa waxay warqad u direen Howe iyagoo sheegay in ay Marocchino u tixgelinayaan sidii wiilkooda, iyagoo tilmaamay in xaaskiisu ay tahay haween Soomaali ah, waxayna sheegeen in Soomaalida oo keliya ay xaq u leeyihiin in ay tarxiilaan. Ugu dambayntii Marocchino waxaa loo ogolaaday in uu ku soo laabto Soomaaliya.” Sidaas waxaa bogga 140-aad ku qoray Jonathan Stevenson buugiisa Gacan-ka-bixidii Muqdisho. Admiral Howe waxa uu ahaa ergeygii gaarka ahaa ee Soomaaliya wakiilka uga ahaa Xog-hayahii-Guud ee Qaraamada Midoobey Boutros-Qaali  intii u dhaxaysay March 9, 1993 – February 1994 oo uu is casilay.

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-4
Alpi oo Muqdisho ku waraaysaneysey Cali Mahdi

Alpi ka hor intii aan la dilin waxay Muqdisho waraysi kula yeelatay Cali Mahdi, waxayna su’aashii u horeysey ay weydiisey ahayd “MADAXWEYNE ma ii sharraxi kartaa sida ay tahay Xaaladda Waqooyiga Muqdisho.” Cali Mahdi waxa uu ugu jawaabey “Woqooyiga Muqdisho dhammaan waa deggan tahay, mana jiraan wax dhibaatooyin ah.” Waraysigaas waxaa laga sii daayey Telefishanka dalka Talyaaniga ee RAI markii la diley weriyaasha 1994.

Cali Mahdi waxa uu Alpi u sheegay in “Soomaaliya ay qiyaastii 98% waa nabad, waxa keliya oo dhibaato ka jirtaa meesha uu joogo Caydiid ee Muqdisho oo ah 3-km oo keliya oo ay ku urursan yihiin Caydiid iyo Ciidankiisu.” Haddii taasi ay run tahay oo uu joogo 3-km oo keliya sidee ayey ku dhici weydey in ciidamada adduunka ugu xoogga weyn ay nabadayn kari waayeen, ayey weydiisey, waxana uu ugu jawaabey: “Taasi waa arrinta aanaan fahmi karin, ciidamadu waxay ku yimaadeen qorshahooda.” Waxaa markaas TV-ga RAI muujiyey Alpi oo warbixin ka diyaarisay Muqdisho iyo dagaaladii xilligii UNOSOM iyo ayadoo dad kala duwan waraysaneysa.

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-5
Muqdisho: Gaari dameer agmaraya Taangiyo UNOSOM, warbixintii ALPI..

Guddiga Baaritaanka ee Baarlamaanka Talyaaniga ayaa waxay Cali Mahdi weydiiyeen in xiriir shaqo ay dhex martay isaga iyo Muunye Siciid Cumar (Muunye). Waxana uu ugu jawaabey in aan weligood xiriir dhex marin isaga iyo Muunye. Waxaa markaas la weydiiyey “in ay jiraan warar la isla dhex marayey Soomaaliya dhexdeeda, oo ah in dilkii weriyaashii Talyaaniga ay salka ku hayaan qorshahii weriyaashaasi ay ku tageen Boosaaso oo ay booqdeen Markabka “21-ka October” ee kalluumaysiga oo ay qabsadeen maleysiyo SSDF, waxaana weriyaasha markabka ka soo qaadeen sawiro. Waxa kale oo weriyaashu soo ururiyeen xog ku saabsan sidii markabka loo qabsaday iyo sida khaldan ee loo adeegsado Mashruuca Mucaawinada ee dawladda Talyaaniga”, waxaana Cali Mahdi la weydiiyey in uu arrimahaas maqlay.

Cali Mahdi waxa uu ku jawaabey: in uu maqlay in Muunye uu bixiyey lacag dhan $600,000 (lix boqol oo kun oo doolar) si loogu siidaayo Markabka.

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-6
Amaana Hotel, Muqdisho, oo uu muujiyey TV-ga RAI (Woqooyiga Muqdisho)

Waxaa markaas la weydiiyey sida ay ku ogaadeen in “Afar kiilomitir la soo daba galay weriyaasha la diley ilaa ay ka soo gaareen Amana (Hotel).” Waxa uu Cali Mahdi ku jawaabey maalintaas anigu waxaan joogey Nairobi, waxaan wacay Muqdisho, waxaana la hadlay Caddow. Waxaan weydiiyey sida wax u dhaceeen. Waxay ii sheegeen in laba qof lagu diley Amana (Hotel) hortiisa. Waxaan weydiiyey in ay halkaas degganaayeen iyo in kale. Waxay markaas ii sheegeen in aysan deganayn hoteelkaas balse ay ka yimaadeen Saxafi (hotel) oo ku yaal Koonfurta Muqdosho, waxaana soo daba galay gaari Land Rover ah oo midab kiisu yahay buluug.

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-7
Hotel Saxafi oo ka muuqda warbixintii Alpi ee Muqdisho 1994 (Koonfurta Muqdisho)

Cali Mahdi waxaa kale oo la weydiiyey waxa uu ka oranayo warbixintii ay sirdoonka Talyaaniga ee SISMI qoreen 21-kii Maarso 1994 oo ahaa: “Xaaska Cali Mahdi, Nuurta, markii ay la kulmeen waxay sheegtay aragtideeda ku aaday dilkii labada weriye in uu ahaa mid ay ka dambeeyeen Kooxaha Islaamiga ah ee xag-jira si ay u sameeyaan carqalad ku aadan reer Galbeedka.” Waxay Nuurto intaas ku dartay “in (weriyaasha) la daba joogey ilaa markii ay 17-kii (Maarso 1994) ka soo laabteen Boosaaso. Dadka dilka geysteyna ay ka yimaadeen Waqooyiga Muqdisho iyo in dad badan oo Soomaali ah ay lacag  ka qaataan Xag-jirayaasha iyo Somaliland, si loo carqaladeeyo nabadda Muqdisho.”

Cali Mahdi waxa uu hadalkaas kaga jawaabey in 1994 ay Nuurto ahayd xaaskiisii, lakiin hadalladda ay ku hadashay ay ahaayeen waxba-kama-jiranaan oo ay yihiin mala-awaal. Waxaa markaas la weydiiyey “maxaa sababay in xaaskaagii ay sidaas tiraahdo”. Cali Mahdi waxa uu yiri: “Ma garanayo, anigu waxaan ahayd Cali, iyaduna waa Nuurta.” “Si kastaba ha ahaatee hadalkaasi run ma ahan, ma aha run,” ayuu hadalka ku adkeeyey.

Cali Mahdi waxaa la tusay ama loo akhriyey warbixin ay qortay hay’adda sirdoonka ee SISDE, 3-dii September 1997, qoraalkaas waxaa ka mid ahaa: “March 1993 in ay jireen ururro dembiilayaal caalami ah oo ka hawl gala dhulal caalami ah, kuwaas oo daabula waxyaalo sharci darro ah. Ururradaas oo xiriir la leh wasiirkii arrimaha dibbadda ee madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi oo magaciisu yahay Xaaji Maxamed Xaashi Cigaal.” Arrintaas Cali Mahdi waa ku gacan sayray.

Waxaa markaas la weydiiyey in uu ogyahay in Muunye la kulmay King Kong (Boqor). Waxa uu Cali Mahdi ku jawaabey “Haa, waa ogahay”. Waxaa markaas la weydiiyey in uu ka war hayo in Alpi ay Boosaaso waraysi kula yeelatay Boqorka. Waxa uu Cali Mahdi ku jawaabey “kama war hayo taas”. Waxaa markaas la weydiiyey: waxaad ka warhaysaa in hub lagu qaaday maraakiibta SHIFCO ee Muunye, kamana war haysid arrintan waraysiga miyaa? Waxa uu yiri “Maya.”

Waxa markaas Cali Mahdi la weydiiyey in uu ka war hayo in Dawladda Talyaanigu ay baaritaan samaysay iyo in isaga lagala soo xiriiray Xarunta Dhexe ee Booliska Talyaaniga ee magaaladaUdine. “Waxaan u malaynayaa inaan arrintaas ka maqlay Qareenkayga, Stefano Menicacci,” ayuu yiri Cali Mahdi. Markaas ayaa la weydiiyey “Adiga, Boqor, Muunye iyo Muunye walaalkiis (Saahid Marino) in aad lug ku leedihiin dilkii (weriyaasha). Maxaad arrintaas ka dheheysaa?” Cali Mahdi waxa uu si degdeg ah ugu jawaabey “Taasi waa been!, waxaana ka xumahay in aan iraahdo, sababtoo ah waa Boqor Daarood oo ma joogi karin Muqdisho, daarood waa ka baxeen (Muqdisho). Muunye waxa uu cararay ka hor Siyaad Barre waxana uu jiraa Yemen iyo aaggaas….”

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-8
Qoraallo uu muujiyey TV-ga RAI

Markii si gaar ah waxa looga weydiiyey Muunye, waxa uu Cali Mahdi ku jawaabey: in uusan weligiis arag Muunye, oo uusan la kulmin, sababtoo ah Muunye waxa uu ahaa, ayuu yiri, raggii Siyaad Barre. Waxana uu dalka Soomaaliya ka cararay (ka hor intii aysan dhicin xukuumaddii) Siyaad Barre, waxana uu Munye qaatay maraakiibtii (SHIFCO).

Waxaa markaas la weydiiyey: Miyaadan warqad u qorin Safiirkii Talyaaniga u qaabisanaa Soomaaliya adigoo ku weydiisanaya in Maraakiibta laga soo wareejiyo Muunye. Waxaadna qoraalka ku sheegtay in aad maraakiibtaas u xil saaray in uu maamulo Maxamed Xuseen Mooge.” Cali Mahdi dhaacdadaas waa qiray.

Shirkadda SHIFCO waxay haysatay 5 markab oo ah kuwa ay saaran yihiin qaboojiyaal  lagu qaado kalluunka. Waxaa maraakiibtaas lagu sameeyey Talyaaniga. Dawladda Talyaaniga ayaana ugu deeqday dawladda Soomaaliya. Maraakiibtaas dhererkoodu waa 56 ama 66 mitir, waxaana ka shaqayn jirey ilaa 40 qof oo shaqaale ah. Burburkii Soomaaliya kaddib waxaa maraakiibtaas Qaatay Muunye, waxayna ka  kalluumaysan jireen badda Soomaaliya. Kalluunka ay qabtaan inta la qaboojiyo ayaa loo qaadi jirey dalka Talyaaniga wixii ka horeeyey 1.07.1998, markaas oo laga joojiyay – sida aan Lifaaqa qormada dambe ku arki doono. Wixii ka dambeeyey waxaa la sheegay in ay kalluunka geynayeen dalalka Bariga dhexe sida Joordan, Sacuudi  Araabiya. Sannadkii 1997 waxay SHIFCO u dhoofisey dalka Talyaaniga kalluun miisaankiisu ahaa 5,000 tons. Sida aan qormadii hore kusoo aragnayna waxaa kale oo maraakiibtaas la sheegay in loo adeegsadey in lagu daabulo hub sharci darro ah.

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-9
Inj. Muunye Saciid Cumar

Telefishaanka RAI oo ka warbixinayey maraakiibta SHIFCO ayaa sheegay in xukuumadii hanti wadaagga ahayd ee Talyaaniga ee ra’iisul wasaare Bettino Craxi ay maraakiibtaas ugu deeqday dawladii kacaanka Soomaaliyeed. Craxi waxa uu ra’iisul wasaare ka ahaa Talyaaniga intii u dhaxaysay August 1983 – April 1987.  Craxi  waxa uu Soomaaliya booqday September 1985, isagoo noqday ra’iisul wasaarihii Talyaaniga ee ugu horeeyey ee Booqda Muqdisho.

Jariidadda Washington Post, cadadkeedii January 24, 1993, ayaa qortay qormo ay cinwaan uga dhigtay “Xiriirka Talyaaniga: Sidii ay Rooma u caawintay Burburka Soomaaliya.” Jariidadda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu Talyaanigu u burburiyey Soomaaliya isagoo isticmaalayey habka loo yaqaan Mashaariic aad u baallaran oo hadana aan waxba dalka ku kordhinayn ama sii burburiyay. Waxaana jariidadu tusaale u soo qaadatay in Talyaanigu uu Soomaaliya ka “hirgeliyey” ilaa 114 mashruuc inii u dhaxaysay 1981 ilaa 1990 oo ay ku baxday lacag gaareysa billion dollars. Marka laga reebo mashaariic kooban (sida mashruucii tallaalka ee hay’adaha aan dawliga ahayn), nidaamkii Talyaanigu waxa uu aahaa wax aan caqliga geli karin iyo khasaaro.

Jariidadda oo arrimahaas farta ku fiiqeysey waxay tiri: Qiyaastii $250 million oo doolar ayaa lagu kharash gareeyay jidka isku xira Garowe-Bosaso kaas oo dherer kiisu yahay 450 kilometers, jidkaas oo xoolaha reer baadiyihu ay lug kaga gudbaan. (Qoraa Soomaaliyeed oo markii ugu horeysey booqday Jidka laamiga ee isku xira Boosaaso-Garoowe ayaa aad waxa uu ula yaabay jid laami ah oo dhex-jiifa toggaga oo aan Buundo lahay, gaar ahaan xilliga roobku da’o oo ay khasab tahay in laga istaago ilaa biyuhu togga ka dhammaanayaan. Qoraaga waxaa loo sheegay in ay dhacday maalin roob da’ay in qof dhakhtar degdeg ugu baahan gaari lagu qaaday, laakiin maadaama uu laamigu dhex jiifo togga ay biyo xoog leh marayeen in muddo saddex maalmood ah qofkii xanuunsanaa lagu hayey gaarigii oo taagnaa gebiga kale ee togga oo loo gudbin waayey magaaladii dhakhtarku ku yaal).

Washington Post, waxay qortay: Muqdisho cisbitaal ku yaal waxaa lagu kharash gareeyey $40 million oo lagu dhigay qalab aan farsamadiisa la socodsiin karin, muddo kooban ayuuna cisbitaalkii ku baaba’ay. Xitaa Jaamacadda Muqdisho oo Talyaanigu hirgeliyeen waxaa macallimiinta Talyaaniga ah la siin jirey mushahar macallin kasta oo gaaraya inta u dhaxaysa $16,000 iyo $20,000 bil kasta. Dad madax ah oo ay Jariidaddu waraysatay ayaa sheegay in mashaariicda Wax-Soo-Saar-Wadaagga ee dhex maray Talyaaniga iyo Soomaaliya aan wax tixgelin ah lagu siin jirin raadka ay ku reebayaan mujtaamaca Soomaaliyeed. (Arday dhigan jirey Jaamacaddii Muqdisho ayaa xusuustay: in Jaamacadda la keenay Telefoono casri ah oo lacag aad u qaali ah laga soo bixiyey oo lagu dhejiyey derbiya. Muddo koobanna la waayey meel ay telefoonadii ka bexeen. Sidoo kale waxaa jaamacadda loo keenay Computerro, waxaana computeradii la geeyey suuqa halkii ardaada jaamacaddu ay wax ku baran lahaayeen.. Macallin jamacadda wax ka dhigi jirey ayaa yiri “marka aan jaamacadda Muqdisho laba sano wax ka dhigo waxaan guri weyn ka dhisan doonaa xeebaha loo tamashle tago ee dalka Talyaaniga! – sidaas ayaa lagtii dib loogu celiyey).

Soomaali badan ayaa is weydiinaya, haddii xaalku sidaas ahaa xilligii ay Soomaaliya dawladda ahayd, hadda oo aan dawladi jirin xaggee xaalku joogaa!

Cali Mahdi oo wax laga weydiiyey Sunta Halista ah ee ku duugan Soomaaliya, gaar ahaan wadada u dhaxaysa Boosaaso iyo Garoowe, waxa uu ku jawaabey “Ma doonayo in aan ka hadlo jidka u dhaxeeya Garoowe iyo Boosaaso, sababtoo ah waxaa arrintaas la xiriirtaa xilligii Siyaad Barre. Soomaalidu meel dheer ayey wax ka uriyaan oo waxay leeyahay san si wacan wax u uriya, waana arki lahaayeen haddii waxa noocaas oo kale ah la dhex gelin wadooyinka Soomaaliya. Ma heli kartid xitaa hal qof oo Soomaali ah oo arrintaas ka hadlaya ama wax ka sheegaya.” Waxana uu Cali Mahdi intaas raaciyey “Waxaa la igu eedeeyey in aan lacag ka qaatay Haraadiga Qashinka oo lagu daadiyey badda caalamiga ah oo aan anigu ansixiyay. Waa bad caalami ah. Mana ilaalin karno xitaa 50 km oo xeeb ah, ma haysano maraakiib, ma haysano wax aan ku ilaalino. Sidaas daraadeed waxaan aaminsanahay in dhaammaan arrimahaasi ay yihiin waxba kama jiraan, waa arrin la dhoodhoobay.”

Kaddib Cali Mahdi waxaa la weydiiyey: Ma garanaysaa ninka lagu magacaabo Luciano Spada. Waxa uu ku jawaabey “Maya”. Ma garanaysaa Nicholas Bizzio.. Maya, ayuu ku jawaabey. Ma garanaysaa Enzo Sacchetto.. Maya.. Ma garanaysaa Guido Garelli.. Maya.. Ma garaneysaa Mashruuca “URANO“… Weligay ma maqal, ayuu kujawaabey Cali Mahdi. Markaas ayaa la weydiiyey: xitaa ma maqal miyaa ciyaarta lagu magacaabo sudoku? Maya ayuu yiri Mahdi. “Laakiin Giancarlo Marocchino waxa uu sheegay in uu la xiriiray dadka aan xusnay, gaar ahaan Garelli. Miyaadan aqoon Garelli? ayaa lagu yiri Cali Mahdi oo ku jawaabey, Anigaa…. maya, ma maqal weligey.

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-10
Ciyaarta sudoku – khaanad kasta waa in lagu buuxiyo 1-9

Miyaan Garelli loo ansixin sun ku duugidda Soomaaliya, ayaa la weydiiyey. “Maya, sidee ayaan taas ugu samayn kaa dalkayga,” ayuu yiri Cali Mahdi. Markaas ayaa Cali Mahdi waxaa la tusay warqad uu ku saxiixan yahay magaciisa oo uu u saxiixay ninka lagu magacaabo Prof. Ezio Scaglione. Warqaddaas oo muujineysa in uu ansixiyey goobo ama meelo ka mid ah Soomaaliya oo lagu aaso Haraadiga Qashinka. Waxaana la weydiiyey in warqaddaas uu isagu qoray August 19, 1996. Taasna Cali Mahdi waa ku gacan sayray.

Cali Mahdi waxa uu sheegay in warqaddaasi tahay been abuur la macmalay, oo xitaa uusan xilligaas ahayn madaxweyne. Markaas ayaa waxaa la xusuusiyey in ay ku saxiixan tahay calaamadda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saxiixiisu ku yaal. Waxaana la weydiiyey in uu garaanayo ninka lagu magacaabo Dr. Nuur Cali Gacal (Gal)?.. Waxaa Cali Mahdi ku jawaabey “Cali Gacal waan garaanayaa”. Haddaba ayaa lagu yiri “Nootaayada Dr. Nuur (Cali Gacal) ayaa Xaqiijisay in Saxiixa ku qoran warqadda uu yahay Saxiixaaga.” Waxa uu markaas Cali Mahdi yiri “Maya, ma aha arrin aan samayn karo.”

Waxaa markaas loo akhriyey wixii ku qornaa warqadda. Warqaddaas oo ku qoray Af-Talyaani oo SomaliTalk.com ku tarjumtey Af-Soomaali waatan:

Warqaddii uu Saxiixay Cali Mahdi oo ku ogolaaday in Sun Lagu Duugo Soomaaliya
Ref: JS/XM/4-189/1996
MOGADISHU: 19/8/1996
Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-11

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
XAFIISKA MADAXWEYNAHA

TIXRAAC: JS/XM/4-189/1996   MUQDISHU: 19/8/1996

MADAXWEYNAHA

MARKAAN ARKAY:  Baahida Loo Qabo Hirgelinta Xarun/Goob lagu Kaydiyo oo lagu Agaasimo Haraadiga Qashinka.

MARKAAN ARKAY:  Xiriirka Is-aaminaadda iyo Wanaaggu ku dheehan yahay ee naga dhexeeya Muwaadinka Talyaaniga ah Professor Ezio Scaglione oo hore loogu sharfay Latalinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

WAREEGTADAN SOO SOCOTA

Aniga, oo ah Cali Mahdi, Madaxweynaha Kumeel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaan Wareegtadan aan Muqdisho ka soo saaray maanta, 19 Agoosto 1996, kaddib markii aan tixgeliyay Xeerarka/Qaanuunka xilligan la joogo ka jira Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

WAXAAN ANSIXINAYAA

In la sameeyo Xarun lagu Kaydiyo oo lagu Agaasimo Haraadiga Qashinka, Xaruntaas oo laga hirgelin doono goobo ku haboon, taas oo noqon doonta xarun la waafajiyo xeerarka ammaanka iyo xeerarka bay’adda/degaanka ee la xiriirta biyaha-dhulka/Juquraafi ahaa, iyadoo loo agaasimayo adeeg si aad ah u dhamaystiran oo loo ansixiyey, oo leh ah meeshii lagu soo dejin lahaa, meeshii la soo marin lahaa marka la soo qaadayo iyo ugu dambayn meesha maadooyinkaas (xamuulkaas) lagaga kaydinayo Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas daraadeed waxaan u ansixiyey Professor Ezio Scaglione in uu Hirgeliyo Mashruucan (kor ku) Xusan.

Waxaa saxiixay: Madaxweynaha Kumeel Gaarka ah
Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
Mudane: Cali Mahdi Maxamed

EEG: Warqadda oo Saxiixan | Eeg: Warqadda oo Talyaani iyo English ah

Waxaa kale oo Cali Mahdi wax laga weydiiyey in uu garanayo ninka lagu magacaabo Giorgio Comerio? Waxana uu ku jawaabey ‘Maya, ma garanayo’. Markaas ayaa su’aasha lagu celiyey oo la weydiiyey in uu weligiis maqlay qorshaha ah ayadoo la adeegsanayo weelka loo yaqaan Torpedoes (oo asalkii loogu talo galay gantaalada xambaara) oo ay ka buuxdo Sunta Halista ah in lagu duugey ubucda Badda Soomaaliya? Cali Mahdi markaas inta uu qoslay ayuu yiri: arrimahaas waxaan ka ogaadey Qareenkayga.

Xusuuso qaybtii hore ee qormadan in Ezio Scaglione, oo ah ninka uu Cali Mahdi u ansixiyayey warqadda sare, uu xiriir la leeyahay Mashruucii URANO. Isla markaasna asaasayaashii mashruucaas waxaa ka mid ahaa Giorgio Comerio. Xusuuso hadalkii Giampiero Sebri “Ururada (sunta duuga) weli si firfircoon ayey u hawl galaan. Haddii aysan weli si toos ah sunta u duugin, waxay u hawl-galaan sidii iyagoo ah la taliyaal.” – VIDEO-ga Aljazeera (English) iyo RAI-TV (Italian) ee looga hadlay Sunta ku duugan Soomaaliya waxaad ka daawan kartaa Linki aad ka heli kartid qormada bogga xiga.

Weiyaal ay ka amid yihiin Luciano Scalettari ayaa booqday xeebta Warsheikh kaddib Badgariirkii. Waxayna halkaas kula kulmaan dadka degaanka oo sheegay in cudurro aan hore loo aqoon ay la soo derseen. Waxaana hadaladii dadkii ay waraysteen ka mid ahaa:

Cumar Maxamed Hilowle, oo kalluumayste reer Warsheikh ayaa sheegay in uu xeebta ku arkay saddex haamood oo waaweyn oo labo isku xiran yihiin. Yuusuf Cali Cabdullaahi oo ka mida Iskaashada Kalluumaysiga ee Warsheikh ayaa yiri xilligii badgariirka waxaa xeebta ka soo caariyey foostooyin cabbirkoodu kala duwan yahay oo silsilado isugu xiran yihiin, isagoo sheegay in sidoo kale dadka kalluuumaystada ay u sheegeen in ay markasta arkaan foostooyin, waxana uu sheegan in dadka ay ku dhaceen cuddurro. H. Shiikey Ajad oo ah Kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya Warsheikh ayaa yiri waxaan xanuunada ku arkay ilaa 50 qof oo xitaa qaarkood Xamar loo qaaday waayo anagu daawo uma hayno, dadkaas Warsheikh oo keliya kama imaan ee waxa kale oo dadka xanuunsani ka yimaadaan labada dhinac ee magaalada. Maxamuud Cali Axmed oo ah oday deggan degaanka Warsheikh ayaa sheegay in uu isku arkay xanuuno uu ka mid yahay CUNCUN iyo neefta oo ciriiri ku noqota. Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka shaqeeya qaybta faya Faya-Dhawrka ee Tuulada Mesagaweyn ayaa sheegay in hal bil gudaheed ay daweeyeen 230 qof oo badankodu ahaayeen dadka qaba cudurrada maqaarka ama cuncun. Sidoo kale Gabriele Lonardi oo ah dhakhtar ka tirsan INTERSOS oo booqday xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu halkaas ku arkay dad qaba cuduro aan la aqoon oo lala yaabay.. Waxana uu yiri hadal afSoomaali ahaan u dhigma “WAA WAREEEEY!

Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-12Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-14
Bidix: Cumar Maxamed Hilowle, Yuusuf Cali Cabdullaahi, Maxamuud Cali Axmed
Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-15Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-16Cali-Mahdi-Sunta-Somalia-ogolaaday-17
Bidix: H. Shiikey Ajad, Yuusuf Maxamed Xuseen,
Gabriele Lonardi

Halkaas waxaa ku cad raadka la taaban karo iyo dhibaatada ay Sunta Halista ah ku reebtay Shacabka Soomaaliyeed. Haddaba si aad u sii fahamtid baaxaadda dhibaatadaas akhri qormada xigta oo ku saabsan Goobaha Lagu Tuhmayo iyo Dhibaatooyinkii Sunta Lagu Duugey Dalka Soomaaliya Intii u Dhaxaysey 1992 ilaa 1998..

Source: SomaliTalk.com | Janaayo 24, 2009

Leave a Reply