Dhibaatooyinkii Sunta Lagu Duugey Soomaaliya Intii u Dhaxaysey 1992 ilaa 1998 Qaybta 4aad

Qoraal ay faafisay jariidadda  Famiglia Cristiana caddadkeedii 47aad ee soo baxay November 29, 1998, ayey ku sheegtay in ay jireen isku day la doonayey in haraadiga sunta Nuclear-ka lagu aaso Gobolka Jubbada Hoose. “Laba sano ka hor (1996), shirkaddo ajaanib ah ayaa nagala soo xiriiray Nairobi,” sidaas waxaa yiri

Maxamed-Siciid-Xirsi-MoorganGen. (Maxamed Siciid) Xirsi Moorgan, oo markaas xakumey Kismaayo, isagoo intaas ku daray “Waxay doonayeen qayb dhul ah oo ay ku duugaan haraadiga sunta haalista iyo sunta loo yaqaan radioactive.” Moorgan waxa uu sheegay in uu ka diidey arrintaas.

Agoosto 5, 1987 ayaa la abaabuley qorshe laga soo unkay magaalooyinka Milan iyo Roma, Italy oo la doonayey in haraadiga sunta halista ah lagu aaso Dhulka Lama-Degaanka Saxaraha Afrika. Waxaana la dhaqan geliyey mashruuc loogu magac daray “Urano“.

Laakiin markii ay burburtay xukuumaddii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa bilowday qorshe jaaha lagu saarayo in sunta loo soo weeciyo Soomaaliya.

Waxaana mashruucii “Urano” loo leexiyey Soomaaliya, sida ku cad saxiix ka dhacay Nairobi June 24, 1992. Mashruucaas “Urano” qorshihiisu waxa uu ahaa duugista Sunta Halista ah in lagu duugo Soomaaliya.

Bilihii Agoosto iyo September ee sannadkaas 1987 ayaa nin lagu magacaabo Mustafa Tolba oo xoghayn u ahaa hay’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Deegaanka ee loo yaqaan UNEP waxa uu furtay afka labadiisa daan isagoo ka digayay “in shirkado Talyaani ah ay sun halis ah ku aasayaan Soomaaliya. isagoo sheegay in uusaan magacaabi karayn shirkadahaas isagoo u baqayey in uu halis geliyo nolosha dad badan.”

Waxaa xilligaas loo malaynayey markii qaylo dhaan badani soo yeertay in arrintaas sun duugista la joojiyey. Laakiin taasi ma dhicin sida uu shaaca ka qaaday Stefan Weber, oo ka tirsan Greenpeace qaybteeda Swiss-ka oo sheegay “in aan hawshaasi (sun aasiddu) aysan joogsan. Waxaa xaqiiqo ahaan la arkay saddex markab oo ay ka buuxdo haraadiga sunta oo gaarey Badda Gacanka Cadmeed.” September 8, 1992 waxaa Fax “sir ahaan ah” loo soo diray Nairobi xarunta hay’adda UNEP, kaas oo ay ku qoran tahay akhbaar muujineysa digniin in Hargeysa ay ku soo fool leeyihiin 81,000 oo litir oo ah sunta cayayaanka oo dhacday.

Dhanka kale, hay’adda UNEP waxay bilowday warbixin ay ku salayneysey xogta ay ka hesho degaanka, gaar ahaan lataliyaheeda Mahdi Geeddi Qayad, oo ahaan jirey macallin Kimisteriga ee Jaamacadda Muqdisho. Hawlagalkaas warbixintu waxa uu socdey intii u dhaxaysey May 10 ilaa June 8, 1997. Warbixintii ugu dambeysey (oo ay UNEP diidey in ay warbixintaasi jirto, laakiin jariidadda Famiglia Cristiana heshay nuqul) waxa ay muujineysey cadayno iyo waraysiyo. Laba dhacdo oo waaweyn waxay ahaayeen: Dhimasho qof kalluumayste ahaa oo ku sumoobay wax ka soo daatay shey laga helay xeebta magaalada Baraawe iyo jiritaanka (sawirro iyo video) foosto weyn oo dhererkeedu yahay lix mitir oo taal xeebta inta u dhexaysa Ige iyo Mareeg oo 350 km waqooyi ka xigta Muqdisho.

Waxa kale oo jariiddu sheegtay in ay soo ururisay caddaymo muujinaya in 10-kii sano ee tegey sun halis ah lagu aasay Soomaaliya. Laga soo bilaabo Koonfurta, sida magaalada Jamaame(aagga Kismaayo) iyo agagaarka magaalada Merka iyo meel u dhow webi Shabeelle iyo meesha lagu magacaabo kontonka (50) oo u dhaxaysa Merka iyo caasimada Muqdisho.

Cali-Mahdi-MaxamedAugust 19, 1996 ayaa Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii kumeel-gaarka ahaa ee Soomaaliya, waxa uu soo saaray wareegto uu Ezio Scaglione ugu ogolaanayo in haraadiga sunta halista ah lagu aaso aagga tuulada Ceel-Baraf, aagga Warsheekh oo waqooyi kaga aadan Muqdisho. Halkaas oo sida ay sheegtay jariidadu uu Gen. Moorgan sheegay in sannadkii 1992 “lagu gubey sunta Nuclear-ka xeebta Muqdisho oo laga qoday hogag waaweyn. Waxa kale oo jira meelo laga qoday dhulka hoostiisa oo ku yaal Jawhar iyo jidka u dhexeeya Qardho iyo Boosaaso iyo goobo u dhaxeeya Sanaag iyo Bari.

Halifa Omar Drammeh, oo ka tirsan UNEP oo joogtey Nairobi waxay tiri “Maadaama aan ilaalin kari weyney xeebta Soomaaliya ee dhererkeedu yahay 3300 km waxaan xoogga saaray 1998 in aan la dagaallano sida sharci darrada ah ee maraakiibta iyo shirkadaha shisheeye ay sunta ugu aasayaan badda Soomaaliya.”

Raadka ay reebtay muddada dheer ee sunta lagu duugayey Soomaaliya waxaa ka mid ah in dadka iyo xayawaanka lagu arko cudurro aan la aqoon. Waxaa sannadkii 1994 magaalada Merka lagu arkay dad farabadan oo carrabka uu kaga dhacay cudurka kansarka iyo arrimo la xiriira carruurta dhalaneysa.

Dhanka kale waxaa jirta arrin la xiriirta in Qaramada Midoobey ay baaritan sameeyeen kaddib markii December 5 iyo 7 ee 1995 la maqlay qaraxyo waaqeyn ee Sanaag, Sool iyo Berbera. Maalmihii ku xigey waxaa dad badan la soo dersey in ay ku adkaatay neef qaadashadu, waxaana ku dhacay shuban. Tiro caarruur ah ayaa dhintay.

Janaayo 1997 inta u dhexeysa Mudug iyo Nugaal waxaa qaar dad ah dareemeen xanuun aad u daran kaddib markii ay cabbeen biyo ku jirey qalab ay ka heleen xeebta. In badan waxaa dhiig ka furmay caloosha iyo afka. Inbadan ayaa dhintay qaarna waxaa loo qaaday cisbitaal ku yaal Kismaayo ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn. Arrin taas la mida waxay ka dhacday Gobolka Galgaduud Agoosto 1998.

Intii u dhaxaysay Janaayo iyo Febraayo 1998, waxaa Shabeellada Hoose ku dhintay dersin dad ah oo u dhintay xummad aan la aqoon. June 1998 waxaa xummaddaas oo kale ku dhacday dad joogey aagga Warsheekh tuulooyinka Cadale iyo Ruun Mirgood.

June 22, 1998 qoraal ay faafisay Hay’adda Wararka ee Liibiya ayaa soo koobay warbixin cilmi baaris uu sameeyey Kadhem Amoudi oo ah reer Algeria, cilmibaaristaas oo sheegtay in dhimashada xad-dhaafka ah ee Geela Soomaaliya ay sababtay haraadiga sunta Nuclearka ee lagu duugey Geeska Afrika (Soomaaliya). Sidoo kale June 15, 1998 Warbaahinta Liibiya waxay sheegay in sidaas oo kale ay ka dhacday Baydhabo, arrin saamaysan dad kumanaan gaaraya ee aagga Seyid Helow iyo Buulo Barakow.

October 28, 1998 dhakhtar ka tirsan UNICEF oo magaciisa la yiraahdo Dr. Pirko Heinnonen ayaa sheegay in Bardaale oo galbeedka kaga beegan Baydhabo in uu ka dillaacay xanuun aan la aqoon oo galaaftay dhibanayaan. “Ugu yaraan 120 qof ayaa dhintay laba bilood gudahood,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray “Calaamadaha jiradaasi waa xumad sare, gariir jirka oo dhan, dhiig bax sanka iyo cirridka ah”.

Qoraal ay daabacday Hay’adda Cuntada Adduunka ee loo yaqaan FAO, ayaa sheegtay in xeebaha Soomaaliyeed lagu arkay weelal loo malaynayo in ay ku jiraan Sunta Halista ah. Qoraalka ayaa xusay in Daahir Maxamed Buraale oo la taliye loo xilsaaray arrintaaas uu June 24 ilaa August 10, 2005 tegey xeebaha Goboladda Dhexe iyo Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, waxana qormadu cadaysan in ay arkeen haamo (weel) loo malaynayo in ay ku jireen Sun, oo ay ku soo caariyeen xeebta kuwaas oo yaal meel u dhow xeebta oo ay badgariirkii soo saartay.

Inta aynaan u gudbin daawashada TV-ga Aljazeera (English) iyo TV-ga RAI (Talyaani) oo aan bogga xiga ka daawan karno, waxaan ku hakan doonaa Lifaaq la xiriira Maraakiibtii SHIFCO iyo meesha ay ku dambeeyeen.


LIFAAQ 1: Maraakiibtii SHIFCO:

Bartamihii sanadahii 1970-naadkii waxaa badda Soomaaliya ka kalluunmaysan jiray shirkaddii SOMALFISH, oo ahayd shirkad ay jaal ku yihiin dawladda Soomaaliya iyo Ruushka (USSR), shirkaddaasi waxay lahayd 10 markab, waxayna sannadkiiba soo saari jirtey kalluun gaaraya ilaa 3,400 ton ilaa laga soo gaarey 1977 oo ah xilligii uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Ruushka – oo markii dambe dalka laga cayriyey Ruushka kaddib markii ay la saftay Itoobiya oo dagaal dhul iyo dad ka dhexeeyo Soomaaliya.

Muddo kaddib, waxaa sannadkii 1983 la asaasay shirkadda SHIFCO (Somali High-Seas Fishing Company) oo ku bilaabatay 5 markab oo deeq uu Talyaanigu siiyey Soomaaliya (Waxaa jira warbixino muujinaya in maraakiibtu ahayd 5 yaryar iyo hal mid oo aad u weyn). Waxay shirkaddaasi kalluunka geyn jirtey Talyaaniga.

Qoraal ay 18-kii November 1998 Qortay hay’ad Cuntada u qaabilsan Midowga Yurub, ayaa sheegay in ay Maraakiibtii SHIFCO oo tiradoodu tahay shan (5) ay ku booqdeen dekeda Cadan ee dalka Yemen, maadaama 1-dii July 1998 maraakiibtaas laga joojiyey yurub in aysan (kalluun) keeni karin – Go’aanka lagu mamnuucay oo ahaa xeerka 97/296/EC.

Shanta Markab ee SHIFCO magacyadoodu waa: 21 Oktoobar, Faarax Oomaar, Cusmaan Geedi Raage, 21 Oktoobar III, 21 Oktoobar IV.

LIFAAQ 2: Markabkii “21 Octobar” oo ku Caariyey Xeebta Garacad

Toxic-wast-Somalia-2
Markabkii “21 Oktobar” oo July 2007 kusoo caariyey xeebta Garacad…

Su’aal:-Gudoomiye Tuulada Garacad waxaa yaal Markabkii 21 Oktobar, wuxuuna ka mid yahay Maraakiibtii Soomaaliya ay lahayd, wuxuuna halkaasi yaalaa muddo hal sano kudhowaad ah, xaaladiisa maxaad ka warhaysaa?Maxamed Macallin Cismaan (All-man) oo ka tirsan bahda SomaliTalk.com oo Gudoomiyaha Degmada Jariiban

Gudoomiyaha-Jariiban-Cabdi-CasiisCabdi Casiis Aw-Yuusuf Maxamedwareysi gaar ah kula yeeshey Hoteel uu ku lahaa degmada Jariiban 24/05/2008-da ayaa wax ka weydiiyey Markabka 21 Octobar oo ku soo caariyey aagga Garacad oo hoos timaadda maamulka degmada Jarriiban.

Jawaab:-Gudoomiyuhu, Cabdi Casiis Aw-Yuusuf, wuxuu ku jawaabey:  “Su’aashaas inaad i weydiiso aad baan u jeclahay, sababtoo ah wixii iigu cajaab badnaa weeye intaan maamulka hayo, markabkaas markii uu soo caariyey bishii 7-aad sanadkii hore (2007) waxaa saarna 43 qof oo shaqaale ah, Markabkuna wuxuu ka mid ahaa Maraakiibtii xaalufisey oo meesha ka Kaluumeysan jirey, waxaana laga heley shabaagihii dadka deegaanka oo hore ay u qaateen, waxaa kale oo jirey ninkii dhaawacay ruux shabaag lahaa oo deegaanka joogey oo markaa dhaawicii Xabadii ay ku dhufteen miskiin la ah, markii dadku meesha ay isugu yimaadeen oo Markabkii la fuuley oo laga aqoodey ninkii Alaabtiisa, gudigii deegaanka ayaa arintii dhex galey oo badbaadiyey kii kale, waxaa kale oo cajiib ah Hubkii ku xirnaa Markabka Badda ayey ku gureen si aan dadku u arag, waxaa 6-bilood kadib la heley Baddii oo ciida qodey in Hub laga soo faago Badda dhexdeeda iyo Shabaagtii loo dhigey Aargoosatada oo isku xiran, shabaagtaas qaarkood waxaa ku duubnaa Qori Dheshiike ah, Dabo miinshaaraha, iyo qoriga AK 47, waxaan kaloo ku guuleysanay 43-da inaan badbaadino, Markabaka ilaa waagaas meesha ayuu yaalaa waa la jiidiwaayey, waxaana ilaalinayey 10 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka. Hadda waxaan ka warqabaa Puntland iyo DFKMG in ay yiraahdeen cidii jiidankarta ha jiidato anagu xoogna uma hayno Xoolana uma hayno, in dad kale jiidandoono iyo in meesha uu ku baabi’idoonana ma garan karo ee laakiin intaas ayaan ka warhayaa.” (Waraysigii oo dhan halkan ka akhri)

LIFAAQ 3: Maraakiibtii SHIFCO:

Si aad wax badan uga ogaatid Maraakiibta SHIFCO akhri qormadii Dr. Abuucar Saciid Abuubakar ee Dec 14, 2004.

###

 

Leave a Reply