Maraakiibta kalluumaysiga somaliyeed

Qore: Dr. Abucar Said Abubaker,
Sarkaal ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda SHIFCO
Preston West, Vic.
Melbourne, Australia
E-mail: rerhamar@hotmail.com
Tel. 94710327

December 12, 2004

Sanadkii 1981dii dalka Somalia gudihiisa waxaa ka hirgalay dhawr mashaariic horumarin oo ah kaddib markii Somalia iyo Talyaaniga ay yeesheen iskaashi dhaqaale uu ka dhaxeeya labada dal.  Mashaariicdaas waxaa ka mid ahaa mashruuca kalluumaysiga ee badweynta oo ah nooca kalluumeysi oo loo adeegsado maraakiib waaweyn Iyadoo fekrada mashruuca uu iska lahaa nin talyaani ah oo aad u danaynayay hilgalinta mashruuca isaga ah haddana danta laga lahaa waxay ahayd in waddanka Somalia loo sameeyo ilo dhaqaale si uga gudbo dhibaatada ka haysatey dhinaca ganacsiga dibedda( lacag qalaad yaraan awgeed), iyo in baxrida somalida loo abuuro fursado shaqo ah ayadoo xoogga la saarayay ka faa’idaysiga khayraadka lixaadka leh ee badda somaliyeed. Run ahaan,  dalka Somalia wuxuu leeyahay bad iyo xeeb oo dherarkeedu gaaraaya (in ka badan) ilaa 3000 km.

Haddaba, qaybtii hore ee mashruuca waxay bilaabatey isla sanadkii 1981dii, waxaana lagu hawl galiyey saddex maraakiib kalluumaysi oo kala ah M/n CUSMAAN GEEDI RAAGE, M/n FAARAX OMAAR, iyo M/n 21 OKTOOBAR halkii la filaayey laba maraakiib kalluumaysi ah iyo hal markab weyn oo loo adeegsado xagga iibgeynta kalluunka iyo xag sahaysiinta maraakiibta intaba.  Mashruuca oo loo yaqiini “Somitfish”, waxaa maamulkiisa u xilsaarnaa guddi isku dhaf ah (Somali-alyaani) oo hoos imaan jirey Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda. Hase ahaatee, maamul xumo daraadii, mashruuca wuxuu noqday mid laga deyriyey, maxaa yeeley, kharaase maaliyadeed oo lixaad leh ayuu u keenay wasaaradda; sidaa daraaded, waxaa lagama maarmaan noqday in mashruuca ‘Somitfish” la hakiyo ; saddex maraakiibna waxaa lagu xirey dekedda Muqdisho ilaa amar dambe. Intaa waxaa dheer, in raggii talyaaniga ahaa oo ka shaqeynayey mashruuca amar lagu bixiyey in laga eriyo dalka Somalia  kaddib markii ay ku cadaatey in ay lunsadeen lacagtii mashruuca.

Haddii aan u soo laabto Maamulka mashruuca Shifco, waxaa xusuus mudan in laga bilaabo sanadkii 1987dii ilaa dhammaadka sanadkii 1990kii hawsha mashruuca si isdaba- joog ah bay u socotey. Marka u horeysa,  waxaa hawshaas bilaabay saddexdii maraakiib oo dib loo hagaajiyey; kuwaasoo muddo ku dhow labo sano ay xoornaayeen dekedda Muqdisho. Muddo gaaban ka dib mashruuca waxaa lagu kordhiyey labo maraakiib kale oo kalluumaysi ah iyo hal markab weyn oo qaboojiye ah. Dhamaan 5 maraakiib kalluumaysi (oo midkiiba tankiisu yahay 330 ton) iyo markabka qaboojiyaha ah (oo tankiisu yahay 3500 ton) qiimaha lagu soo sameeyey wuxuu gaarey ilaa US dollar $137 milyan. Ugu dambeystii, mashruuca Shifco waxaa hawshiisa lagu balaariyey warshadda SMP ee Kisimayo sanadkii 1989kii. Hase yeeshee, dhamaan dadaalkaas wuxu noqday hal bacaad lagu lisey; taasoo ugu wacnayd in la jideystey boobka dakhliga mashruuca. Tusaale, waxaa Maamulka Shifco loo furi jirey L/C (letter of credit) oo qiima hiisu ahaa ilaa afar milyan oo doolarka mareekanka ah oo ku   saabsanaa dhoofin kalluun oo nooc kasta leh kaddiib markii uu xirmo xilli kalluumaysi oo sida caadadu ahayd wuxuu soconaayey ilaa 75 beri; hase ahaatee, lacagta ay ka soo noqon jirtey dhoofintaa kama ay badnayn toban kun doolar iyo liis dheer oo lagu sheegi jirey kharajyadii xilliga. Liiskaas waxaa laga soo diyaarin jirey dalka Talyaaniga oo laga soo gadan jirey dhamaan waxa ay u baahan yihiin maraakiibta ha ahaatee raashiin iyo alaabta kale. Xafiiska Ilaalinta Sarrifka ee Bankiga dhexe wuxuu liiska ku oggolaan jirey warqad ay qortey Wasaaradda Arrimaha Dibedda; taasoo lagu ogeysiinayey in mashruuca tijaabo uu ku jiro. Sidaa daraadeedna, looga baahan yahay bankiga in uu fududeeyo hawshiisa. Waxaa la wada ogaa in kharajyada ku baxa xilliga kalluumaysiga uu ahaa lacag dhan US dollar milyan iyo bar.Sanadkii 1987dii waxaa mashruuca lagu wareejiyey Wasaarada Arrimaha Dibedda (oo waagaa wasiir uu ka ahaa Cabdiraxmaan Jaamac Barre) sida dhamaan mashaariic kale oo dawlada Talyaaniga ay nagu caawin jirtey hirgalintooda waqtigii Wasiirkii koowaad Talyaaniga ee hore Signor Bettino Craxi.

Bettino-CraxiIsla sanadkaas waxaa Munye Said Omar loo magacaabay Maareeyaha Guud ee mashruuca oo magaca loo beddeley “SHIFCO”. Haddaba, muddadii  ay u dhexeysay sanadihii 1987 iyo 1990kii, Munye wuxu kaloo isku hayey xubin guddi isku dhaf ah oo u xilsaarnaa maamulka macaawanadii Talyaaniga(ItalianAid-Fund), iyo Guddoomiyaha Shirkadda (Zootechnic —   Afgoi) ee “Gisoma” oo ay ka mid ahayd isla mashaariicdaas. Dhamaan jagooyinkaas kala duwan ee sarsare uu Munye dalka u hayey muddadii ka horeysay dagaalkii sokeeye, ma ahayn kuwo uu ku muteystey karti iyo khibrad shaqo oo gaar ahaan u lahaa ee waxay iska ahaayeen kuwo ugu wacnaayen duruuf oo marka ay ka jirtey dalka ayadoo raggii laysku haleynayey xagga maamulka xafiis-yada dawlada ay dalka isaga tageen. Duruuftaas ka sokow, wuxuu kale Munye ka faa’idaystey dadaal uu galey walaalkiisa oo mas’uul weyn ka ahaa ciidamada dalka, si uu u xaqiijiyo himiladiisa. Runtii, ilaa sanadkii 1985tii Munye wuxuu shaqaale ka ahaa shirkad Talyaani ah oo qandraas ay ku heshey dhismo dhuumaha mara wasaqda oo loo sameyn jirey caasimada Muqdisho. Shaqadaas wuxu bilaabay sanadkii 1983dii kaddib markii uu ka qalin jabiyey jaamacad ku taalo magaalada Bologna ee dalka Talyaaniga, takhasuskiisuna uu ahaa dhismaha dhuumaha as (Hydraulic engineer).

Halkan markii aan marayo, waxaa iyadana xusuus mudan in liiska kharajyada ee aan kor ku soo sheegay ay diyaarin jirtey shirkad Talyaani ah oo heshiis maamul-wadaag ay la gashey Maamulka mashruuca Shifco sanadkii 1987dii kuna ekaa dhamaadka sanadkii 1989kii. Shirkadaas oo magaceedu yahay SEC (Societa’ Esercizio Cantieri) ahna shirkaddii soo dhistey lix maraakiib ee ustuulka soomaliyeed ee kaluumaysiga; waxaana u arrimin jirey nin magaciisu la yiraahdo Dr. Pozzo. Dhammaad sanadkii 1989kii  waxaa shirkadda SEC lagu beddeley shirkad kale oo iyadana talyaani ah oo uu lahaa Dr. Malavasi oo la yiraahdo Malit. Haddaba, markii ay dhismatey shirkadda Shifco-Malit waxaa aad u kordhey wax soosaarka Maamulka Shifco; hase ahaatee, waxba iskama beddelin habkii lagu dhacayey dakhliga la xiriirey iibgaynta kalluunka oo sidaas ayuu Maamulka Shifco ku waabaristey dhammaadka sanadkii 1990kii wax yar ka hor intuusan dagaalka bilaaban.

Nasiib-wanaag, markii dagaalkii sokeeye uu dilaacay bilowga sanad-kii 1991kii, maraakiibta waxay ku maqnaayeen badda; sidaa awgeed, way ka samata baxeen burburkii uu sababay dagaalka. Waagaa Eng. Munye wuxuu ka mid ahaa raggii aad loo raadinaayey oo ku tilmaamnaa inay la shaqeyn jireen nidaamka. Hase ahaatee, waxaa u suura galey in uu ka cararo dalka wax yar ka hor inta uu Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa laga eryin Muqdisho. Dagaalka awgii, kalluun wareejinta (oo la yiraahdo “Trasbordo”) sanadkaas waxaa lagu sameeyey dekedda Zanjibar(Tanzania) oo halkaa la keenay maraakiibta oo dhan ayadoo goobjoog ay ka ahaayeen Dr Malavasi iyo nin la yiraahdo Fiorino Macinelli oo isaga iyo walaalkiisa mas’uul ay ka ahaayeen fa-shilkii ku dhacay “Somitfish”; Eng. Munye-se oo markaas uu ku suga naa dalka Talyaaniga iskuma dayin in goobtaa yimaado cabsi daraa-deed. Midda kale, waxaa markaa ay soo food saartey welwel ku saabsan in lagala wareego xilka. Runtii, waxaa Cali Mahdi uu dhisay doora-shadii Djibouti ka dib, guddi (board of directors) uu xilka kala wareego Munye oo markaa si xun loo arki jirey. Hase ahaatee, waxaa taladaas uu laad ku dhufday Omar Arteh oo markaa uu haayey xilkii Wasiirka Kowaad. Dekedda Zanjibar baxri badan oo Soomaali ah ayaa ka degatey maraakiibta kaluumaysiga ah. Beddelkooda waxaa heshiis lala galey baxri u dhashey dalka Senegal; heshiiskaasoo oo baxriga senegal u  ballan qaadaayey in la siiyo lacag dhan $600/= bishiiba halkii baxriga somaliga uu ka qaadanaayey $252/=. Sidaa daraadeed, qandaraaska [“contract”ka] mar dambe looma cusboonayn baxridaas.

Sanadkii 1993dii, Eng.Munye waxaa mar labaad la gudboonaatey inuu cararo oo uu ka cararo dalka Talyaaniga una cararo dalka Yemen kadib markii dalkaas uu ka bilaabamey olole oo loogu magic daray “Mani pulite” ayadoo soo if baxeen fadeexooyin la xiriirey iskaa-shiga dhaqaale uu dalkaas la lahaa dalalka kale sida dalka Somalia. Haddaba, ololaha wuxuu sababay in xabsiga loo taxaabo raggii siyaasiinta ahaa ee lug ku lahaa fadeexooyinkaas sida wasiirkii kowad talyaaniga ee hore Signor Bettino Craxi. Bishii Abriil ee isla sanadkas Eng. Munye wuxu soo galey dalka Yemen kaddib markii in muddo ah uu joogay dalka Masar viso la’aan daraadeed. Tan iyo markaas Eng. Munye iskuma dayin inuu dib ugu laabto dalka Talyaaniga; haddana dilkii loo geeystey Ilaaria iyo sawirlahii uu la socday sanadkii 1994tii magaalada Muqdisho gudaheeda ayaa sii adkeysay dib ugu laabashadaa oo isaga aad u danaynaysay. 


Haddii aan u soo laabto arrimaha la xiriira dhaqdhaqaaqa maraakiibta kalluumaysiga somaliyeed 14 sano ugu dambeeyey, waxaan ugu horeyntii halkan ka sheegaa in ilaa dhammaadkii sanadkii 1992dii maraakiibtaas oo ay adeegsan jireyn dekedda Caden ee dalka Yemen waxaa wakiil ka ahaa nin la yiraahdo Jacfar Badr kaddib markii uu baaba’ey heshiiskii Shifco-Malit. Bishii May ee sanadkii 1993dii, Eng. Munye wuxuu heshiis la galey shirkadda Panapesca oo ah shirkadda ugu weyn dalka Talyaaniga oo ay ka ganacsato kalluunka, waxaana iska leh nin la yiraahdo Panati. Taariikhdaas waxii ka dambeeyey ayaa, si rasmi ah, dalka Yemen ugu bilaabatey hawsha Maamulka Shifco la xiriira dhoofinta kalluunka. Isla taariikhdaas, waxaa Munye uu go’aansaday inuu shaqada ka racdeeyo dhamaan shaqaalihii soomaalida ahaa oo wax ka maamuli jirey hawlaha Shirkadda ha ahaadeen kuwo u qaabilsanaa xisaabaadka iyo ha ahaadeen kabtanadii waayo-arag u lahaa wadida maraakiibta sida kabtan Osman Biit, kabtan Mohamed Mooge, iyo kabtan Ahmed Mao; kuwaasoo lagu beddeley shaqaale talyaani ah iyo kuwo kale oo ay is-xigaan iyaga iyo Munye. Hubaal, in go’aankaas Eng. Munye uu ku damacsanaa inuu ka faa’idaysto dawlad la’aanta ka jirtey waddanka hooyo si bal ay u suurtowdo in uu halkii ka sii wado dhacii loo geysan jirey dakhliga maraakiibta. Hase, ahaatee, waxaa la wada ogsoon yahay in badda somaliyeed sanadkiiba laga soo saaro ilaa 12 kun ton oo kalluun ah, oo noocyo badan leh, loona dhoofiyo dalka talyaaniga. Runtii, saddexdii biloodba mar maraakiibta kalluumaysiga waxay markabka weyn ee qaboojiyaha ah kalluun culeyskiisu dhan lagu qiyaaso 2500-3000 ton ayadoo wareejintaa lagu sameeyo dekedda Aden. Intaa waxaa dheer, kalluun kale oo ah nooca loo yaqaano “Africa fish” oo Maamulka Shifco uu u dhoofiyo dalal-ka khaliijka, gaar ahaan, Sacuudiga. Haddaba, dakhliga Maamulka Shifco waxaa lagu qiyaasaa ilaa US dollar 5-6 milyan oo la helaayo xilli kasta ee kalluumaysi ah; sanadkiina dakhligaa wuxuu gaaraa ilaa US dollar 20-24 milyan ayadoo aan xisaab lagu darin ijaarka laga helo markabka qaboojiyaha.
Gabadhaas oo wariye talyaani u dhashey ay ahayd, waxay dalka Somalia u timid inay dabagasho hal billion oo liraha talyaaniga ah oo uu ka maqnaaday macaawanadii Talyaaniga(Italian Aid-Fund) ugu talo galey dalka Somalia, iyo inay wax ka qorto dhaqdhaqaaqa maraakiibta kalluumaysiga somaliyeed oo tumaayey in loo adeegsado xagga tahriib (kontrabando) hub oo laga mamnuucay dalka Somalia. Haddaba, dilkaa awgii, waxaa dalka Yemen uu yimid guddi uu u horkacaayey garyaqaan u xilsaaranaa qadiyada dilka, wuxuna Eng. Munye oo markaa farta lagu fiiqaayey, iyo nin kale oo isagana u dhashey Somali lana yiraahdo Abdullahi King ka wareystey arrinta dilka. Si kastaba arrinta ha ahaatee, lama soo sheegin wax eedeyn ah loo soo jeediyey labadaa nin, Eng.Munye iyo Abdullahi King, oo la xiriira dilkaa. Hase ahaatee, maxkamad ku taalo dalka Talyaaniga waxay xabsi abadi ku xukuntey nin u dhashey dalka Somalia oo ahaa darawalkii gaarigii ay saarnaayeen nimankii dil-ka geystey.

 Hantidaas oo sidaa u balaaran oo uu leeyaha qaranka somalida lagu-na qiyaaso boqolaal milyan ee US dollar waxay 14tii sano aan ka soo gudubnay, dhacaysay gacanta Eng. Munye ayadoo aan jirin cid ay la Ogaato; lamana soo sheegin in wax-un hantidaas looga gargaarey kumanaan qaxooti somali oo ku kala nool waddama aan deris la nahay( gaar ahaan kuwa ku nool yihiin dalka Yemen) haddii laga reebo tiro aad u yar oo ay yihiin qaraabadiisa. Midda kale, waxaa sugnaatey in Eng. Munye uu ula macaamalo baxrida somalida si sharci-darro ah oo aan ku habboonayn damiirka isagoo kaashanaayo xoogag shisheeye ah; sharci-darradaas waxa ka mid ah inuu dhoco xuquuq-dooda. Tusaale, baxriga somaliga wuxuu maalintii shaqeeyaa 18 saacadood laga bilaabo qorax soo bax ilaa habeenkii saqda dhexe, bishii-na wuxuu qaataa 300 dollar oo wax kale u dheereyn. Baxriga shisheeyahase siibo kan talyaaniga wuxuu bishii qaataa lacag u dhiganta shan jeer oo la labalaabay kan uu qaadanaayo baxriga somaliga ayadoo u dheer xuquuq kale sida ceymis, tikid dayuuro, hotel, abaalmarin iyo xuquuqda la siiyo markii uu dhamaado “contract”kiisa. Nasiib-darro, dhamaan xuquuqdaas waa laga jarey baxriga somaliga. Haddaba, ceymis la’aan waxa uu sababay in somali badan oo ka tirsanaayeen baxrida shirkadda Shifco muddo ka badan shan iyo toban sano ay u geeridaan dhaawac ka soo gaarey shaqada awgii. Hase ahaatee, baxrida kale oo xiriir qaraabo ay wadaagaan iyaga iyo Eng. Munye oo markii horeyba maraakiibta lagu saarey qaraabo-kiil waxaa loola ma-caamalaa sida kuwa shisheeyaha waana la dhowraa xuquuqdooda.

 Bishii Disembar 1993dii qaar ka mid baxridaas oo saarnaayeen markabka qaboojiyaha, waxay dawcad u gudbiyeen maxkamad ku taalo dalka Irland iyagoo ka faa’idaystey muddo gaaban oo uu markabka ku xirtey deked ka mid dekeddaha dalkaasi iyo iyagoo ku dacwoonayo saacado dheeraad ah oo ay shaqeeyaan. Dacwadaas waxay kalliftey in uu Maamulka Shifco uu bixiyo lacag dhan 200 kun dollar; lacagtaasoo xuquuq ahaan loo siiyey baxridaas oo, ugu dambeytii, ay ka soo deg-teen markabka isuna dhiibeen qaxooti ahaan dalka Ingriiska. Arrintaas waxay dad badan ugu muuqatey in ay ahayd sheeko uu dhistey Eng. Munye si ugu caawiyo qaraabadiisa oo ay u hanqal taagayeen inay ku noolaadaan dalalka Europe. Haddaba, arrinta markabka qaboojiyaha waxay keentey in baxri dulman ay la cararaan markabkii ay saarnaayeen si habkaas ugu dhacsadaan xuquuqdooda. Dhinaca kale, af-duub taa la mid ah waxaa ay ku kacday koox hubeysan oo saldhigeedu yahay gobolka bari (Boosaaso) iyadoo ku andacootey in maraakiibta Shifco ay ka kalluumaystaan baddooda ruqsad la’aan. Waxaa ku xigay afduub kale oo la sheegay in ay ku kaceen koox ka amar qaa taan qabqable dagaal oo ka mid qabqablayaasha dagaalka oo saldhi-giisu yahay Muqdisho. 

Ugu dambeystii, waxaa iyada xusuus mudan heshiis uu Eng. Munyela galey Wasaaradda Kalluunka iyo Khayraadka Badda ee Yemen bishii Agosto sanadkii 1995tii; heshiiskaasoo ku saabsanaa ogolaansho in maraakiibta Shifco ay ka kalluumaystaan badda Yemen kad dib markii ay badatey tirada maraakiibta lagu afduubay badda Somali-da. Haddaba, si loo sharciyeeyo heshiiskaa waxaa loo baahday in la dhiso guddi u xilsaaran maamulka maraakiibta, maxaa yeeley, wasaaradda kuma ay kalsoonayn qof kaliya in uu mas’uul ka noqdo maraakiibtaas ayadoo dawlad la’aan ay ka jirto waddanka Somalia. Sidaa daraadeed, Eng. Munye waxaa khasab ku noqotey inuu buuxiyo qodobkaas oo ka mid ahaa shuruudaha heshiiska. Heshiiska isaga ah wuxuu socday muddo lix bilood ama laba xilli kalluumaysi ah laga bilaabo bishii Agosto 1995tii ilaa bishii Janaayo 1996dii ayadoo laba dhinac isla garteen in la baabi’iyo heshiiska sababtoo ah in dhinaca Yemen ay ka yimaadeen cabasho ku saabsanaa habka kalluumaysiga maraakiibta Shifco. Run ahaan, maraakiibtaas waxay adeegsadaan shabakyo aad u waaweyn; kuwaasoo ay soo galaan kalluun badan oo nooc kasta leh dabadeedna kalluunkaa laga sooco kuwo qiimo badanlaga helayo dalalka Europe ( “aragostada”, “calamaro”, “gambari”,”dentice”, “palamita”) inta kale badda ayaa lagu daadshaa iyagoo naf ku jiriin ileyn kala soocida saacado bay qaadanaysaa kadiib markii la soo jiido shabak-yadaasi. Waxaa iyadana cabasho ka timid shirkaddii Panapesca oo ay qaadan jirtey kalluunka Yemen ayadoo sheegtey in kalluunkaas dhadhankiisu uu ka duwan yahay kan laga keeno badda Somalia; kaasoo aysan jecleysan macaamiishii [klinyentiyaashiisa]. Baabi’ inta heshiiska waxaa uu ku xigey heshiis ay galeen Eng. Munye iyo rag ka socda Gobolka Waqooyi Bari oo uu hogaaminaayo Abdullahi King, iyo weliba baabi’inta guddigii maamulka.

 Qore: Dr. Abucar Said Abubaker,
Sarkaal ka tirsan Shaqalaha Shirkadda SHIFCO
Preston West, Vic.
Melbourne, Australia
E-mail: rerhamar@hotmail.com
Tel. 94710327

Leave a Reply