Akhriso Taariikhda Fanaanada wayn ee Faadumo shiino

Faadumo-shiinoQormadan ayaa ah mid Gaar ah oo aan Jaclahay in aan ku Soo Bandhigo Fanaanada Weyn, Codka Talmoon leh, hab Dhaqameedka Fiican leh waa Fananada weyn ee ( faadumo maxamed xassan ‘fadumo shiino )
waxa ay ku dhalatay gudaha muqdisho waxa ayna ku barbaartay isla muqdisho
Faadumo shiino Fanka waxa ay ku soo biirtay sanadii ( 1994 )
Waxa ayna fankeda ka billowday qorista ( ereyada ) waxa ayna fanaanad buuxda noqotay ( 1997)
Allbun-kedii ugu horeyay waxa ay soo saartay sanadii ( 1998) iyadoona Allbun-kaas loogu magac daray ( fariin jaceyl )
Bulsho badan ayaa la dhacay heesha macaan ay ku luqeysay ( fadumo shiino )
( fadumo maxamed xassan ‘fadumo shiino ) waa abwanad curisay heeso badan iyo Gabayo.
waxana heesaha ay curisay ku luqeyay fananiin magac ku leh bulshada
Hadii aan idiin xusno qaar kamida fananiinta ku luuqeysay heesaha ( faadumo shiino ) waxaa kamida
1: CABDI BAADIL
2: MAXAMED WEROOW
3:MAXAMED DEEQ ‘DALNUURSHE ‘
4:CABDI DAJIYE
5:CALI DHAANTO
6:XASSAN BILLE
7:AL FANAAN HAGAR DIID
8:MUUSE SHIIQ
9: YAXYE FANTASTIC
Sidoo kale waxaa jira fananiin badan oo ay siiday heesa ay curisay fananada caanka ah ee ( faadumo maxamed xassan ‘faadumo shiino )
HEESAHA
Inkastoo ay jiraan HEESO badan ay fananadu ku luqeysay hadana waxaan idin xasuusinaya hesahaaas ay ku luuqeysay ‘faadumo shiino ‘
1:HADILIN DADKAAGA
2:SOOMALI BAAN AHAY
3:SOOMALAAY BARAARUGA ‘
4:CALAAMAD SU,AAL ‘
5:MUQDISHAAY ‘
6:CIYAARAHA
7:DOOQ
8:HADIMO
9:ARXAN
10:CEELBUUR

Iyo

111: GALHAREERE
Waxaa jira heeso kale oo aad u fara badan oo inta lagu soo koobi Karin iyadoona aad hesahaas iyo kuwa kale aad ka heli karto ‘Barta YOUTUBE’
Fananada oo noqotay fananada kaliya ay bulshada si gooni ah u taagero
Ayaa hadana faananadu noqotay fananada kaliye ee kor u qaday ( fankii dhicisoobay ) waxa ayna curisay MIRO aad u farabadan ay bulshada kula dardaarmeyso in ay wax qabsan karaan
FADUMO SHIINO ayaa ah Fanaanad Asluub Wacan leh, dad la dhaqan leh oo bahda Fanka Dhexdooda caan ka ah, waa fanaanad Waji furan leh, niyad wanaagsan leh oo Kaftan badan islmarkaana caadi ah oo ka fog kana madax banaan isla weynidda iyo is qaad-qaadka.
Waana fananad jaceyl DADKEDA IYO DHALKEDA ilgunina ku eegta bulshada soomaliyed
Wana fananad mar walba ku fakarta sidii dalka uu u noqon lahaa mid XASILA oo lugihiisa isku taga

Leave a Reply