Aqriso Taariikhda iyo Waayaha Nolaleedka Farxiya fiska, Fanka iyo Bilawgii

Fanaanada Farxiya Axmed Farxiya Fiska oo sanadahan danbe ka soo shaacbaxday dhamaan gayiga Somaliyeed iyo meel waliba oo ay Dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin waa Xidigta sanadkii 2010 loo doortay in ay aheyd Fanaanadii loogu jeclaa.

Sidaa Darteed Dhaayaha.com Xubinta Taariikda Fanka Soomaalida waxa uu Ku soo bandhigayaa Taariikhda Rasmiga ah ee Fanaanadaasi Fanaanada Farxiya fiska waxay ku dhalatay magaalada Wabxo ee ka tirsan degmada Ceelbuur gobolka galgaduud, waxay iyadoo yar ay soo gashay dalka Talyaaniga dibadeedna ay markii danbe uga soo wareegtay dalka Ingiriiska oo ay haatan ku nooshahay.

Fanaanada Farxiya axmed cadaawe fiska waxay ku dhalatay magaalada Wabxo oo qiyaas ahaan 60km ujirta degmada Ceelbuur gobolka galgaduud, waxay iyadoo yar ay soo gashay dalkaan Talyaaniga kadibna ay markii danbe uga soo wareegtay dalka Ingiriiska . iyadoo xiligaana ku nool Ingiriiska, garahaan magaalada landon..

dadka sida weyn uyaqaana fiska waxay sheegaan in ay tahay qof dabeecad wanaagsan intabadana iska farxsan,iyadoo taasina ay soo dedejisay in ay farxiya kasbato taageerayaal badan oo ay kuleedahay bulshada somaliyeed dhaxdeeda.

Farxiyo fiska fanka waxay kusoo biirtay sanadahan danbe waxayna la soo shaacbaxday cod macaan bahweynta Fanka Somaliyeed xiiseysa ay u wada riyaaqeen dhagaysiga heeseheeda aan mid ba mida kale aan ka dhicin ay ku luuqeyso.Fanaanadu waxa ay mar qura ka soo dhex baxday shaashadahada caalamka isla markaana soo jiidatay indhaha iyo dhagaha bulasha weynta soomaaliyeed .

Fanka ayaa ah fahmad Eebe Aadmiga qaar uu u hibeeyo, codka baxsan ee fanaanada Farxiyo fiska ee qof waliba marka uu maqlo uu durbo u qirayo in ay ay tahay Fanaanada qarnigan cusub la soo shaacbaxday cod dib ku xasuusinaya Fanaaniintii hoboladii Waabari ee barisamaadkii ku soo caan bixi jiray.

Farxiyo fiska waxa u dheer heesaha ay ku luuqeyso waliba ay Miraha iyo Laxan kaba ay sameyso heesaheeda qaar iyadoo miaraha iyo laxan kaba u sameysay heesaheeda heesa ka mid ah,

Farxiya Fiska oo ilaah ku maneystay luuq aad u macaan ayaa heesteedi ugu horeysay oo ay qaaday oo ay ku soo caan baxday ay aheyd, heesta Sad iyo calaf inkastoo hees kale ay uga sii horeysay, balse heesta sida weyn ay ugu soo caanbaxday ay aheyd heesta Sad iyo calaf oo uu la qaado fanaanka Diini Cagoos, heestaas oo Ereyada iyo laxanka ba uu la haa isna Abwaan ka Siciid Sheekh Abuukar Ilka Jiir.

Sanadkii tagay ee 2010 kii inta badan bulasha weynta soomaliyeed meelkasta ay ka joogan caalamka into badan heesaha fanaaniinta Somaliyeed ee Maqal iyo Muuqal ba leh ay noqotay Xidigtii Sanadkaas codkeeda halaasiga laga daba dhacay.

fanaandan da, da yar ee codka halaasiga leh ee Farxiyo Fiska ayaa loo aqoonsaday in ay noqotay gabadhii loogu jeclaa Fankeeda sanadkii tagay 2010 islamarkaana si weyn loola dhacay hees cusub oo ay kudaah furtay sandka cusub ee 2011ka, heestaan cusub ayaa la magac baxday Damac Jaceyl ,iyadoona siweyn ay ugu daba dhaceen somalidu ,islamarkaasina markii aad eegtid meelaha lagu kulmo sida facbook ay siweyn ugu mashquul sanyihiin dhegaysiga heestan cusub ee farxiya fiska ay soo saartay 2011ka…

inta badan heesaha fiska waxaa usameeya Abwaan ka heesa heeda loogu jecel yahay oo ay ku soo caan baxday u sameeyay Miraha iyo laxan kaba waa Abwaanka Somaliyeed Siciid Sh Abuubakar Ilko Jiir oo walibana isku hoolay in uu soo saaro Fanaaniin aan hore loo aqoon kuna saaciday heesa cusub laxan cusub.

Dad badan ayaa waxay ka heleen heesaha iyo codka macaan ee wada socda ee Farxiyo la soo baxday, qaar kale waxayba leeyihiin lama arag lamana maqal Farxiyo oo kale 23 kii sano ee dalka burburka ka jiray, Waxay kasbatay taageerayaal fara badan oo qaarkood cawa iyo maalin dhegaha ku haaya codka iyo heesaha kala daran ee Farxiyo Caanka ku tahay.iyadoona aad taasi kadareemaysid marka aad eegto shaashadaha ay somalidu ubadan yihiin sida facbook oo aad arkaysid mashquulka iyo dhegaysiga heesaheeda.

fiska

Masrixii ugu horeyay oo ay hees ka qaaday Farxiya Fiska waxaa ku casuumay fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise oo ku dhiiri galisay hees ay la heyd Fanaanada Maryan Mursal oo ay Fiska jecleyd in ay qaado, sidaana ay markii ugu horeysay masrax soo isaagto ay ka qaaday heestaasi.

Farxiya Fiska oo ilaah ku maneystay luuq aad u macaan ayaa heesteedi ugu horeysay oo ay qaaday oo ay ku soo caan baxday ay aheyd, heesta Sad iyo calaf inkastoo hees kale ay uga sii horeysay, balse heesta sida weyn ay ugu soo caanbaxday ay aheyd heesta Sad iyo calaf oo ay la qaado fanaanka Diini Cagoos, heestaas oo Ereyada iyo laxanka ba uu la haa isna Abwaan ka sanadka Siciid Sheekh Abuukar Ilka Jiir.

Durba markeey fanaanada Farxiya Fiska ay soo caan baxday, waxaa ay ku shaacbaxday guud ahaan meel walba oo ay Somali ay ku nooshahay, Fanaanada waxaa durbaba ay nasiib wanaag u heshay in ay heesa kale oo cusub ay qaado iyo kuwa hore loo qaadaba.

Fanaanada Farhiya Fiska fanaanad oo kalli ah maaha ee waa Abwaanad da’yar laxamada sameysa, waxay hore u sameysay heesa gaaraya ilaa lix hees oo ay miraha heesahaasi ay iyadu ay qortay iyo kuwa ay hada soo wadaba waa sida ay sheegtay Fanaanaduye.

Farxiya Fiska koleey looga faaloon maayo dhamaan inta fanka Somalida xiiseysa oo waa fanaanad la wada garanoyo, faalo iyo amaan waxaa uga filan codkeeda baxsan oo dhagihii maqlaa durbaba ay soo jiidayaan luuqda macaan marka ay heesaha ku luuqeyneyso. Sanadkii tagay waxay fanaanadu soo saartay heesa farabadan oo maqal iyo Muuqaal wada ah oo badan kood ay si talantaali ah ay ula qaado fanaaniin kala duwan sida Fu’aad cumar, Cabikhaaliq Maxamed siraad,

Cabdi Holan iyo fanaan kale ba. Fanaanada Farxiya Fiska waxaa loo doortay fanaanadii ugu fiicneyd sanadkii 2010, taas oo ay ku muteysatay luuqdeeda macaan iyo heesaha aan kala dhicin ay soo saartay mudooyin kii ugu danbeeyay.

Kumanaan Somali ah ayaa fanaanada u codeeyay in ay tahay xidigta sanad ka iyadoo fanaaniin farabadan ay kaga guuleysatay codkaasi loo qaaday, waxaana sidoo kale dhanka raga ku guuleystay codeyntaasi fanaanka isna da’da yar Cabdifitaax yare oo noqday fanaankii loogu jeclaa. Farxiya fiska waxaa dhanka kale dadka Somaliyeed ay ku xasuustan sidoo kale kal hore heesteedii wadaniga aheyd maxaa la isku dilayaa, waxaana sidoo kale sidey sheegtay ay soo wadaa hees wadani ah oo ay fanaanadu curisay maraheeda oo ay ku luuqeyn doonto.

Fanaanada Farxiya Fiska wali fankeedu fara kama qodna, oo dadaal dheeri ah waxay ugu jirtaa sidii ay ku sii horumarin la heyd fankeeda casrigaa, waxayna ku hanweyntahay in ay heer sare ka gaarto mustaqbalka dhow iyo mid ka fog ba Fanka Soomaaliyeed.

Leave a Reply