Taariikh nololeedkii General Maxamed Cali Samatar

Sareeya Guud Max’ed Cali Samatar wuxuu ku dhashay magaalada Yoontooy oo u dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose, sanadku markuu ahaa 1931dii, wuxuuna yaqaantiisii ku barbaaray nolol miyi & magaalada u dhaxeysay oo u badneyd magaalooyinka Yoontooy, Goobweyn, Warkoy & Kismaayo.

Aabihiis Sh. Cali Samatar isaga waxa uu geeriyooday isaga oo 6 bilood jira, waa madi waxaana la dhashay gabdhood, hooyadii waxay ku geeriyootay horraantii sanadkii 1980-maadkii magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasay

Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaalla magaalada Yoontooy, wuxuuna waxbarashadiisii dhammeystay isaga oo 17 jir ah, ka dib markii uu dhowr sanadood dhiganayay dugsigaasi waxaa u suuragashay in turjumbaan u noqdo beeraleydii Talyaaniga aheyd & shaqaalihii Soomaalida ahaa ee u shaqeynayay.

1948dii waxa uu magaalada Yoontay kaga biiray ururkii Dhallinyada Soomaaliyeed ee “SYL” ee gobonnimadoonka ahaa, wuxuu kaalin firfircoon ka galay xubnihii ugu firfircoonaa ee dhaqdhaqaaqaas, wuxuuna horsed ka ahaa banaanbaxyadii ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

1949kii wuxuu u soo wareegay magaalada Muqdisho, wuxuuna bishii November sanadkii 1949kii ka mid noqday askartii Xiisaanleey la oran jiray wuxuuna ka mid noqday qeybtii madaafiicda.

Intii uu ciidamada ku jiray ayuu dhammeystay waxbarashadiisii dugsiga hoose dhexe, wuxuuna alifkii ugu horreeyay qaatay 1952dii. Max’ed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa askar uu si gaar ah gumeysigii si gaar ah isha ugu heyn jiray laguna cadaadin jiray xiriirkii uu la lahaa dhaqdhaqaaqii gobannimodoonka ahaa.

2dii bishii August sanadkii 1952dii oo ku began markii uu dagaalka ka dhacay magaalada Kismaayo cutubkii uu ka tirsanaa waxaa loo diray isaga & dad la sheegay in ay xulafo la lahaayeenna waxaa loo taxaabay xabsiga, muddadii ay rabshadaha ka socdeen iyadoo gumeysigii cabsi ka qabay waddaniyiintii ay garabsiinayeen.

Max’ed Cali Samatar waxaa si gaar looga cabsi qabay sirtii & mu’aamaradihii gumeysiga ee uu u gudbin jiray xubnaha ururkii “SYL”. 1952dii tacliintiisii heer sare ayay gaartay, wuxuuna ku guuleystay imtixaam sarkaalnimo wuxuuna ka mid noqday saraakiil loo diray dalka Talyaaniga sanadkii 1954tii.

Doorashooyinkii dowladaha hoose “Municipality” ee dalka ka dhacay 1954tii, Talyaaniga waa ku hungoobay waxaana si lixaad leh ugu guuleystay ururkii SYL, iyadoo waqtigaas codka badankiis ay bixiyeen askartii Soomaalida aheyd.

Isla sanadkaas Max’ed Cali Samatar u tagay kulliyadda “Cessino Di Roma” ee dalka Talyaaniga isla markaana uu waxbarashadii loo diray soo dhammeystay sanadkii 1956dii, markaas oo uu qaatay xiddigtii ugu horreysay. Tababarkan oo loo diray 14 sarkaal oo uu ka mid ahaa Samatar wuxuu noqday ninkii 1aad, wuxuuna kooxdaas u noqday horjooge.

Markii ay ka soo noqdeen, in kasta oo uu qabay tababar mileteri, haddana wuxuu ka mid noqday ciidamadii boliiska, ka dib markii la baabi;iyay ciidamadii uu ka tirsanaa, wuxuuna tababar 6 bilood ah ka galay dugisga sare ee boliiska ee magaalada Muqdisho.

Tababarkaas ka dib, Samatar waxaa lagu qoray qeybtii boliiska ee gobolka Banaadir oo uu waqtigaas taliye ka ahaa Allaha u naxariistee Max’ed Siyaad Barre, xiriir soke-na yeesheen..

Sanadku markuu ahaa 1957dii Max’ed Cali Samatar waxaa loo badalay in uu taliye ka noqdo saldhigyadii boliiska ee magaalooyinka Baraawe, Golweyn, Jannaale, waxaa sanadkii xigay ee 1958dii loo soo badalay xafiiska maamulka boliiska “Personal Office” ee xarunta dhexe isaga oo 2 xiddigle ah.

Aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan sanadkii 1960kii wuxuu ka mid noqday xubnihii salka u dhigay aasaaskii ciidankaas. Bishii Maajo sanadkii 1960kii oo la furay dugsiga Xalane wuxuu isaga oo 3 xiddigle ah ka noqday taliye ku xigeen.

1962dii wuxuu muddi 2 sanadood ah ka shaqeynayay xafiisyada maamulka xaruntiisa dhexe ee xoogga dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu ka shaqeynayay muddo ku dhow 2 sanadood.

Dagaalkii dhexmaray dalalka Soomaaliya & Ethiopia sanadkii 1964tii wuxuu abaanduule ka ahaa ciidamadii qeybta Waqooyi. Dagaalkaas oo Samatar lagu guddoonsiiyay bilad geesi, isaga oo ciidamadii uu hoggaaminayay dhabar jab & dharbaaxo weyn u geystay ciidamada cadowga, waxaana mar kale la guddoonsiiyay bilad maar ah waxaana loo dalacsiiyay darajada G/Dhexe.

Sanadkii 1965tii waxaa loo diray tababar dhinaca ciidamada ah dalkii la oran jiray Midowgii Sofiyeetka ee “USSR” halkaas oo uu tababar muddo 2 sano ah ku soo qaatay Akadeemiyada “Frunzi”.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxaa uu madax ka noqday hoggaankii Cilmi baarista ee ay howshiisuna aheyd horrumarinta teknolojiyadda ciidamada, isaga oo fulinaya barnaamijkii la oran jiray “Spiritual Preparation”.

21kii Oktoobar sanadkii 1969kii G/dhexe Max’ed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii talada dalka kula wareegtay inqilaab aan dhiig ku daadan oo uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee madaxweynihii xukuumaddii Kacaanka aheyd S/Gaas Max’ed Siyaad Barre..

12kii bishii July sanadkii 1970kii waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna u dallacay darajada S/Guuto, sanadkii xigay ee 1971dii waxaa loo magacaabay wasiirkii wasaaradda Gaashaandhigga.

Max’ed Cali Samatar waxaa lagu ammaanaa dadaalka uu ka sameeyay ciidamada dhexdooda, wuxuuna soo saaray askar mujuro Soomaalinnimo, aqoon xirfadeed & moral adag oo bir ah leh, taas oo suurtagal ka dhigtay in askartu ka qeybgalaan horrumarinta dalka.

Sanadkii 1973dii Max’ed Cali Samatar wuxuu u dallacay darajada Sarreeye Gaas, sanadkii xigayna wuxuu noqday guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka u qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.

12kii bishii July sanadkii 1976dii wuxuu u dalacay S/Guud, wuxuuna xubin ka noqday Golihii Dhexe ee xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ahna madaxweyne ku xigeenkii 1aad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya ahna wasiirkii wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Sanadku markii uu ahaa 1977dii S/Guud Max’ed Cali Samatar wuxuu ahaa sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ee hoggaaminayay dagaalkii ciidamada xoogga dalka ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya ay dagaalka la galay ciidamadii dowladdii uu hoggaaminayay Col. Mingistu Heylu Maryame, waxayna ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen guulo waa waayeen.

Wixii ka dambeeyay 5tii bishii February sanadkii 1987dii waxaa loo magacaabay in uu noqdo ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dowladdii Kacaanka aheyd, wuxuuna dalka ka dhisay 4 xukuumadood laga soo bilaabo;- .
5tii bishii February sanadkii 1987dii
21dii bishii December sanadkii 1987dii Ra’iisul wasaare
13kii bishii April 1989kii Ra’iisul wasaare
1dii bishii February 1990kii Ra’iisul wasaare.

Dabayaaqadii sanadkii 1990kii wuxuu xilka ku wareejiyay 1dii bishii September sanadkii 1990kii ra’iisul wasaare Max’ed Xawaadle Madar.

Samatar waa Wasiirkii Gashaadhigga ee ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya soo mara isagoo xilkaas hayey 1971-1987-dii, saraakiisha xoogga dalka waxaa ay xaqiijiniyaan in aad u jeclaayeen hoggaamintiisa.

26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991kii la riday dowladdii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta dalka Soomaaliya wuxuu muddo ku noolaa dalka Talyaaniga wuxuuna ka dib u wareegay dalka magaalada Virginia ee dalka Mareykanka halkaas oo uu ku noolaa kadibna halkaasi ayuu ku geeriyooday August 20, 2016.

Waxaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho

ka aqriso halkaan aasitaanka Generalka

 

Xubnaha-Golaha-Sare-ee-20-Kacaanka

General-Maxamed-Cali-Samatar-iyo-Margerat-Thatcher

 

Leave a Reply