Taariikhda Halgamaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud

 

Cabdullaahi_Ciise

Cabdulaahi Ciise Maxamuud Allaha u naxariistee Waxuu ka Mid Ahaa Geesiyaasha Baal Dahab ah Kaga Qoran Taariikhda Soomaaliya. ( Fadlan Walaal Akhri Taariikhda Wadanigaas Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ragii Xornimada Soomaaliya u soo Halgamey )
Allaha u naxariistee Halgame Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxuu sanadkii 1922,kii ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose dalka Soomaaliya.

Cabdulahi Ciise aabihii waxa uu geeriyooday isagoo yar waxaana soo korisay allaha u naxariistee Hooyadii oo la oran jiray Mareero Diini. Dugsiga Qur’aanka iyo Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho waxaana Sanadkii 1938,kii uu ka qalin jabiyay Dugsiga sare ee Talyaaniga uu maamulayey waqtigaas wuxuuna ka dib noqday maamule Xafiis.

Allaha u naxariistee Cabdulaahi Ciise Maxamuud isagoo dhalinyaro ah ayuu ka mid nodey ragii iyo dumarkii u qalab qaatey sidii dhalinyarada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u qaadan lahaayeen doorkooda kaga aadanaa sidii soomaaliya ay isaga dul qaadi laheyd oo ay uga xoroobi laheyd gumeystayaashii kusoo duuley dalkeena hooyo.

Bishii May sanadkii 1943,kii markii la sameeyey ururkii dhalinyarada soomaaliyeed ay ku midoobeen ee gobonimada u dagaalamayey oo markii dambena la magac baxey S.Y.L ayaa waxuu noqdey mid ay si weyn u soo dhaweeyaan umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaana Cabdulaahi Ciise uu ka mid ahaa dhalinyaradii ugu fir fircoonaa ee halgamayaasha ahaa.

Hadaba waxaa dhacdey intii halganka ay ku jireen dhalinyarada soomaalyeed inuu xanuunsaaday Yaasiin Xaaji Cismaan oo ka mid ahaa ragii madaxda u ahaa dhalinyarada ee aasaasey S.Y.L waxaana markuu dareemay in xanuunkiisu culus yahay, uu ku dardaarmay in Jagadiisa loo dhiibo C/laahi Ciise Maxamuud, oo markaa madax ka ahaa faraca Xisbiga ee Magaalada Baladweyne, iyadoo ay wada shaqayn jireen, waana laga aqbalay taladiisa, Maalmo kadibna Yaasiin wuu Geeriyooday Allaha u Naxariistee.

Cabdulaahi Ciise, meeshii ayuu howshii Xisbiga ka sii waday isagoo u soo wareegey magaalada muqdisho, wuxuuna Xisbiga iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu adeegay si Naftii hurnimo ah, Daacad iyo Soomaalinimo, wuxuuna Guulo ka soo hooyay Siyaasadda iyo Halganka Gudaha iyo Dibadda.

Bishii November sanadkii 1947,kii halgame C/laahi Ciise Maxamuud, waxa uu gudoomiyay fadhigii taariikhiga ahaa ee golaha dhexe ee S.Y.L ku gaareen in mudo 10 sano ah maamulka soomaaliya si ku meel gaar ah loogu diibo guddi ka kooban afartii quwadood ee markaas jiray dunidana ugu xooga weynaa kuwaas oo wafdi ka socdey ay dalka yimaadeen Bishii Janaayo 7 markey aheyd Sanadkii 1948-kii.

C/laahi Ciise allaha u naxariistee Bishii Janaayo 11,keedii sanadkii 1948,kii isaga iyo xubno ku sugnaa Xarunta S.Y.L ee magaalada muqdisho ayaa kooxo daba dhilifyo u ahaa gumeysigii Talyaaniga ay soo weerareen Xafiisyadii Xarunta S.Y.L,halkaas oo uu ka bilowday dagaalkii loogu magac darey “Ha Noolaato” halkaasoo ay ku geeriyoodeen 52 ruux oo Talyaani ah, 15 ruux oo daba dhilafyadii soomaalida ahaa ee Tayaaniga raacsanaa iyo gabadhii soomaaliyeed ee halgamada aheyd alaha u naxaristee Xaawo Cusmaan “Xaawo Taako”.

Bishii Oktoobar 28,keedii Sanadkii 1948,kii C/laahi Ciise Maxamuud allaha u naxariistee wuxuu ka dhoofay dalka si uu uga qaybgalo shir ka dhacay Magaalada Paris oo ay soo qaban qaabiyeen Wasiiradii Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo iyagu horey u sii shirey gaar ahaan 5tii ilaa lixdii bishii may sanadkii 1948,kii shirkaas oo ka dhacey magaalada London waxeyna shirkooda uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya.

Isticmaarkii Ingiriiska ayaa markuu ogaadey in Halgame C/laahi Ciise uu shirka u socdo ayaa wuxuu ugu talagalay in uu ku mudo Talaal sun ah. waxaase booskii C/laahi Ciise galey oo iska dhigay oo naftiisa hurey halgame soomaaliyeed oo ay isku ekaayeen laguna magacaabo mudane Maxamed Yuusuf Aadan “Muuro” C/laahi ahaana loo talaalay in muddo ahna u jiifay sariirta talaalkaas awgiis.

C/laahi Ciise bishii Oktoobar 30,keedii sanadkii 1948 ayuu waxaa uu ka degay Magaalada London waxaana halkaa soo dhaweeyay rag soomaaliyeed oo laga xusi karo Ducaale Maxamed oo ahaa xoghayihii SYL ee Cardiff iyo Ibraahim Maxamed oo ahaa Madaxii S.Y.L. ee Liverpooll.
Bishii Maarso sanadkii 1949-kii C/laahi Ciise Maxamuud waxa uu tagay xarunta Qaramada Midoobey ee New York dalka mareykanka halkaas oo uu ka waday Diblomaasiyaddii uu xoriyadda Soomaaliya ugu raadinayay iyadoo ugu dambeyn qaramada midoobey ay go,aamisey in mudo toban sano ah oo ka bilaabaneysey sanadkii 1950- 1960 talyaaniga uu sii maamulo soomaaliya ka dibna xoriyad la siiyo.

Allaha u naxariistee Halgame C/laahi Ciise Maxamuud wuxuu noqdey Ra’ iisul Wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya ee dawladii daaqiliga aheyd sanadkii 1956-1960-kii. Sanadkii 1960-kii gaar ahaan Bishii April 12,keedii C/laahi Ciise waxa uu abaabulay saxiixayna dekereetadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna darajada Jenaraalka u dalacsiiyay una magacaabay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Allaha u naxariistee Daa’uud Cabdule Xirsi. Markii soomaaliya xornimad ay qaadatey sanadkii 1960,kii C/laahi Ciise Maxamuud waxaa loo magacaabey Wasiirka arrimaha dibadda isagoo xilkaas hayey ilaa 1964,kii. waxaana sidoo kale sanadadii 1964-1967-kii Halgame C/llaahi Ciise uu ahaa wasiirka Caafimaadka. Sanadadii 1967-1969-kii C/laahi Ciise waxa uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha. Sanadadii 1969-1973-kii C/laahi Ciise waxa uu ka mid ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee kooxdii Militariga ahayd ay inqilaabeen lana xir xiray isagoo oo xabsiga ku jiray muddo afar sano ah.
1973-1984-kii Mudane C/laahi Ciise wuxuu ahaa danjiraha Somaaliya u fadhiya dalka Sweden, isla markaana wakiil ka ahaa dhamaan waddamada la isku yirahdo Scandinavia.

Ugu dambeyntii Bishii Maarso 24,keedii Sanadkii 1988-kii ayuu Allaha u naxariistee C/laahi Ciise Maxamud waxa uu ku geeryooday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Halgame C/laahi Ciise maydkiisa Bishii Maarso 29,keedii Sanadkii 1988-kii ayaa dalka la keenay isla maalintaasna waa la aasay, waxaana loo sameeyey aas heer Qaran ah, iyada oo halgamayashii S.Y.L dhamantood ay aaskiisii ka soo qayb galeen intii markaa nooleyd iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo Dowladdii Soomaaliya oo uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxaana mudo saddex maalmood ah hoos loo dhigay calanka Soomaaliya, waxaana dalka oo dhan ka dhacay baroor diiq Qaran.

Leave a Reply