Taariikhda nololeedkii Ustaad: Cali-Muddiir, Macallinkii Dhallinyarada AUN

Cali-Muddiir

Cali Sh Axmed “Cali-Muddiir” wuxuu ku dhashay degmada Ceel Buur xilli aanan anigu garaneyn wuxuuna Macallin noqday 1958 ka dib markii uu ka soo baxay Iskuulka Dishibiliinka Islaamka. Mar dambena wuxuu ka qalinjebiyay Kulliyadda Waxbarashada Lafoole ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed JUS.Cali Shiikh Axmed, oo loo yiqiin Cali-Muddiir oo sida magaciisa ka muuqata Macallin Iskuul ka ahaa Soomaaliya muddo aad u dheer ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.  Allah ha u Naxariisto.

Waa macallin saameyn weyn reebay oo wax ka soo dhigay degaanno badan oo ay ka mid yihiin Mahaddaay, Jowhar iyo Muqdisho oo dhammaantood ka tirsanaa Gobolka Banaadir.

Wuxuu wax soo baray arday fara badan oo iyaga laftoodu qeyb ka noqday maamulka dalka iyo faafinta aqoonta. Ardayda Cali-Muddiir waxaa ka mid ah Dr. Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Garyaqaan Xildhibaan Xoosh.

Xildhibaan Xoosh wuxuu ii sheegay in Cali Muddiir isaga u ahaa Macallin sannadka labaad ilaa sannadka 7aad oo wax u dhigayay. Wuxuu ku tilmaamay Macallin ku wanaagsan waxbaridda iyo barbaarinta wuxuuna sheegay in uu ardayda ula dhaqmi jiray sida in uu waalid u yahay oo kale.

Wuxuu ahaa nin aad wax u akhriya oo Maskax furan. Hadda ka hor ayay ii sheegeen dad uu Macallin u ahaa Kacaanka ka hor in uu ka hadli jiray muhiimadda hantidwaagga iyada oo aan fikirkaasi dalka aad u ool.

Kacaanku marka uu dhashay in yar ka dib wuxuu ka mid noqday Macallimiintii loo wareejiyay xagga siyaasadda oo ka shaqeeyay Xafiiska Siyaasadda ee Golaha Sare oo markii dambena noqday Howladeennadii Sare ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa Wakiilka Xisbiga ee Akademiyada Cilmiga iyo Fanka.

Cali Muddiir wuxuu ahaa nin isku kalsoon, nadiif ah, lebbis qurxoon, daacad ah, u nool si aan kharash iyo baahi badnayn, si adagna uga soo horjeeda lunsashada hantida Qaranka iyo ku takrifalkeeda.

Saalax Shiikh Maxamuud oo hadda ku nool Washington oo mar ay guri wada degganaayeen ayaa ii sheegay in Cali Muddiir ay Dowladdu siisay Baabuur ah Toyota Corolla oo cusub. Aniga lafteydu Cali waan ku arkay gaarigaas oo ka mid ah noocyadii markaa ugu casrisanaa baabuurta magaalada. Wuxuu Saalax ii sheegay in Cali-Muddiir uu baabuurkaas u celiyay Dowladda muddo yar ka dib isaga oo ku tilmaamay in aanuu baabuur baahi u qabin marka laga reebo in subixii xafiiska la geeyo, galabtina gurigiisa la keeno. Wuxuu ku taliyay in baabuurka la siiyo qof shaqaale ah oo isaga uga baahi badan.

Saaxiibka Dhallinyarada

 Cali Muddiir at Salah's Graduation
Cali-Muddiir (Bidix), Qalinjebinta Maxamed-Saalax ee JUS

Wuxuu ahaa mufakar, cilmi baare aad wax u akhriya, qoraa iyo doodaa.

Wuxuu saaxiib la ahaa dhallinyarada dugsiyada, kuwa Jaamacadaha iyo kuwa shaqeeya oo ay doodo iyo aqoon is weydaarsi aan kala go’ lahayn ay ku dhex mari jireen goobaha waxbarashada, xarumaha Dowladda, Hoteello, makhaayado iyo guryo intaba.

Waxaan ka mid ahaa dhallinyaro wax badan ka bartay Cali-Muddiir. Wuxuuna si  gaar ah gacan iiga siiyay ku biiritaankeyga dunida saxaafadda oo nolosheyda ku yeelatay saameyn aad u weyn.

Xiriirkeenna saxaafaddu wuxuu billowday markii uu ogaaday in aan ku wanaagsanaa garaaciista teebka oo ahaa mishiin wax lagu qoran jiray kombiyuutarka ka hor welina Dowladda Soomaaliya Xafiisyadeeda ay qaar adeegsadaan. Wuxuu i weydiistay in aan u qoro maqaallo uu ku soo daabici jiray wargeyska Xiddigta Oktoobar.

typewriter

Isaga oo qolka si tartiib ah u dhex socda oo aad mooddo in uu dhulka wax ka goobayo gaatamayana ayuu sida macallinka dugsigu uu ardaydiisa ugu yeeriyo quraanka uu Cali-Muddiir ii yeeriyaa maqaalkiisa. Anna sida ardayda dugsigu ay looxa ugu xardhaan inqaasta hadba inta qalinku qaado ayaan teebka ula dhacaa faraha. Marmar marka uu derbiga ku tago cabbaar ayuu istaagaa oo halkaa ka sii wadaa yeerinta inta aanuu soo laaban oo dhinaca kale tagin haddana. Mar mar socodka wuu joojinayaa, kor intuu guriga u eego ayuu kelmad ku celcelinayaa sida Macallin ay aayaddu u goysay. Marka uu helo ayuu haddana yeerinta sii wadaa. Mararka qaar  kursi ayuu i soo ag dhigtaa oo iiga yeeriyaa waraaqo gacanta ku qoran oo uu hore wax ugu diyaariyay. Mar kasta waxaa ag yaalla ama kala furan buug, laba ama ka badan uu marjac ahaan u adeegsanayo taariikhaha, magacyada iyo waxyaabo kale.

Markii aan qoray maqaalkii iigu horreeyay ee uu wargeys daabaco, waxaan marka hore u geeyay Ustaad Cali-Muddiir oo ii saxay, ka dibna aan u wadatagnay oo uu i baray Tifatiraha Bogga Saddexaad ee Wargeyska Xiddigta Oktoobar, Odawaa, goor fiid ah bishii Luulyo 1982. Wuxuu Odowaa tifatirayay cadadkii soo bixi lahaa subaxa xiga. Boggaas waxaa lagu qori jiray macluumaad la xiriira dhaqanka, fanka iyo aqoonta. Markaas ayaa iigu horreysay maqaal aan qoro oo loo soo bandhigo dadweynaha. Maqaalladeydii Xiddigta Oktoobar waxay horseed u noqdeen ku biiriddeydii Radio Muqdisho oo isaguna ii horseeday in aan tago London oo ku biiro BBC.

Berigii ay adkaatay in Jaamacad la helo, tirada Dugsiyada ka soo baxaysa oo aad u badatay darteed, waxaan xusuustaa isaga oo dhallinyaro Jaamacad waayay oo turub iyo dubnad ku cayaara biibitooyinka maagaya si uu rajo u geliyo. Wuxuu ku yiri berigii hore waxaa jiri jiray wax la yiraahdo xereysi – waa in la raaco Shiikh Caalim ah, kutubaha loo qaado, muxaadarooyinkiisa la dhegeysto, mas’alo kasta oo uu ka jawaabayo la fahmo, marka uu firaaqo leeyahay kutubo laga raacdo, lala sheekeysto, su’aalo la weyiidyo si wax looga barto. Orda oo aqoonyhannada waaweyn sida Prof. Tuuryare kutubaha u qaada, la diyaariya muxaadarooyinkooda, kala shaqeeya baaristooda, la qora buugaagta, su’aalo weydiiya si aad wax uga barataan.

Qashqashaadda Siyaasiyiinta

Cali-Muddiir waxay bartamihii iyo aakhirkii siddeetanaadkii is qoomeen Taliskii Siyaasadeed ee dalka ka arriminayay. Wuxuu noqday nin aan la baqin in uu fagaarayaasha qaar uu dhaliil berigaa aan lagu dhicin uu ka soo jeediyo, ama uu si kale weji-gabax ugu rido Madax sare oo goob joog ah.

Maalin uu Guriga Ummadda oo muddo aanuu tegin uu fariistay makhaayad yar oo ku dhex taallay, ayaa nin Madax ah oo meesha soo galay wuxuu ku yiri iyada oo rag kale maqlayo Cali maanta waad soo fogaatay. Cali Muddiir isaga oo ka dabaakhaya kelmadda ah in uu soo fogaaday wuxuu ku jawaabay “gurigaaga ma imaan ee guriga umadda ayaan joogaa.”

Waxaan xusuustaa muxaadaro ku saabsan dhaqaalaha dalka oo galab lagu qabtay isla aqalka Umadda in uu Cali-Muddiir farta taagay oo ninkii casharka jeediyay uu billaabay in uu su’aal ku weydiiyo af- Carabi. Ka dibna ninkii shir guddoominayay oo madax sare ahaa laakiinse aan Carabi fiican aqoon uu ka dhex galay oo ku yiri Cali jooji af-Carabiga oo Soomaali ku hadal. Cali-Muddiir dheg uma dhigin, xataa ma eegin Shir Guddoonka oo hadalkiisii Carabiga ahaa ayuu sii watay isaga oo indhihiisu ay ku sii jeedaan ninkii casharka jeediyay keliya. Markii ninkii Madaxda ahaa codkiisa sare u qaaday oo yara kululaaday, Cali wuu soo eegay wuxuuna ku jawaabay in ninka uu su’aasha weydiinayaa uu yaqaan Carabiga, isla markaana afka Carabigu uu yahay luqad Dastuurka ku qoran oo rasmi u ah Soomaaliya, sidaa darteed aanuu u diidi karin in uu ku hadlo.

Maalin isaga iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa aqoonyahanno badan oo ka qeyb galay shirkii Somali Studies ee 1989 lagu qabtay Muqdisho, isla guriga Ummadda ayaa ayaga oo waddada maraya baabuur loo joojiyay. Waxay moodeen qof iyaga aqoonsaday oo sii qaadi raba. Gaariga aggiisa markay u dhaqaaqeen ayaa niman hubeysan oo gaariga watay ay Cali-Muddiir Baabuurka ku qaateen oo ay xabsiga dhigeen.

Waxaan ku soo booqday Hoggaanka Baarista Nabadsugidda. Taliyaha Hoggaanka Baaritsa oo ahaa nin dhallinyar oo macaammil naga dhexeeyay ayaan Xafiiskiisa ugu tegey si aan kiiska Cali-Muddiir ugala hadlo. Wuxuu la soo baxay waraaq uu ka akhriyay erayo inta aan hadda sheegi karo uu macnahoodu ahaa Ummadda Soomaaliyeed dhammaantood waa Ahlu naar, waxayna ku cadaab tegeyaan Maxamed Siyaad dartiis. Barkood waxay cadaabta ku gelayaan indha la’aanta ay ugu hoggaansan yihiin awaamirtiisa. Barka kalena waxay cadaab ku mudanayaan xantiisa iyo ka been sheegiddiisa. Warkaas oo la yiri Cali wuxuu ka yiri Xarunta XHKS.

Markii Cali Xabsiga laga sii daayay, waxaan goosannay aniga iyo saaxiibbo kale oo badan in aan ka qarinno muxaadarooyinka Madaxda Sare ay arrimaha Siyaasadda uga hadlayaan iyo doodaha.

Dowladdii Soomaaliya markii ay burburtay Cali-Muddiir wuxuu galay dagaal. Wuxuu ahaa dagaal ka duwan midka ay dad badani galeen. Wuxuu qaatay hub awood badan. Wuxuu la soo baxay qalinka iyo jeesada. Wuxuu dib ugu laabtay la dagaallanka Jahliga isaga oo mar kale Macallin u noqday dhallinyaro badan oo aan Iskuul haysan. Howshaas oo uu waday ilaa uu xanuun soo riday.

 

Cali-Muddiir wuxuu waxbarasho u tegey dalalka Ciraaq, Liibiya, Ruushka iyo dalkii loo yiqiin Yugoslavia. Wuxuu qoray buugaag aan ka xusuusto mid uu qoray bartamihii siddeetamaadkii oo ku saabsan qoyska reer Keenaddiid oo taariikh fog ku leh Gobollada Dhexe ee Soomaaliya. Xasaasiyad qabyaaladeed oo berigaas taagnayd awgeed ayaa dad Cali ay beel guud wadaagaan ay qoonsadeen iskuna dayeen in ay ka joojiyaan laakiin wuu ka diiday. Wuxuu tarjumay buugaag dhowr ah iyo maqaallo aad u tiro badan oo ku soo baxay wargeyska Xiddigta Oktoobar oo ahaa wargeyska keliya ee af Soomaali ku soo baxa ee laga akhristo Soomaaliya iyo wargeyska Najmatu Oktoobar oo af-Carabi ku soo bixi jiray.

Madadaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay Cali-Muddiir in lagu xusuusan doono doorkii uu ka qaatay baahinta aqoonta iyo dhismaha Soomaaliya. Howshii wanaagsanayd ee uu dalka u qabtay waa in ay noqotaa mid ay ku tusaale qaataan jiilka hadda joogaa si ay wax wanaagsan dalkooda uga tagaan, ayuu yiri Madaxweynuhu sida ku cad war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Mar aan sannadkii hore Muqdisho ka billaabay isu-raadinta dad uu waxbaray oo aan damcay in aan u sameyno xaflad lagu qirayo waxqabadkiisa, waxaa la igu wargeliyay in uu Cali-Muddiir sariir saaran yahay. Allah ha u naxariisto Cali Shiikh Axmed (Cali-Muddiir). Carruurtiisana iyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allah ha siiyo.

Waxaa la yiraahdaa, Ma dhiman kuwa ku nool qalbiyada dadka ay ka tageen.

Leave a Reply