Xusuustayda wanaaggii fanka ee magool iyo mooge..By rashiid sulub caalin

 

Rashiid-sulub

Waa mid ka mid ah qoraallada aan sida joogtada ah ugu soo bandhigo dhacdooyinka iyo arrimaha kala duwan ee danta guud khuseeya, kana reebban yooyootanka isbeddellada siyaasadda gudaha oo inta badan bulshada Soomaalidu isku mashquuliyaan.

Hase ahaatee, waxaan maanta qallinka u qaatay qormo qiimo iyo dareen gaar ah ii leh oo damiirkaygu igu qasbay inaan ku muujiyo jacaylkii iyo ixtiraamkii aan shaqsi ahaan u hayey Allaah naxariistii janno ha ka waraabiyee labadii fannaan ee Maxamed Mooge Liibaan iyo Xaliimo Khaliif Cumar (Magool)

Haddaba, qormadan waxa aan ku soo bandhigi doonaa aqoontii aan u lahaa labadaas fannaan, xiisaha dareenkayga u qabay, doorkii ay ku lahaayeen fanka Soomaaliyeed, raadka aan weligii duugoobayn ee heesahooda tirada badan ilaa maanta ku leeyihiin dhegaha bulshada Soomaalida, faaqidaad kooban oo aan ku saabsan taariikh-faneedkoodii iyo weliba waxyaabaha igu kellifay inaan muujiyo waqtigan xiisaha iyo xushmaddii aan u hayey xidigihii fannaaniinta ee Mooge iyo Magool.

Magool-iyo-Mooge

Marka hore waxaan Alle uga baryeyaa inuu u dambi dhaafo Xaliimo khaliif Cumar Barre (Magool) oo uu Rabbi ugu deeqo jannadiisa. Mar labaad waxaan akhristayaasha sharafta badan xusuusinayaa inay qormadan ku dhex jiraan shookooyin ama dhacdooyin mala’awaal ah oo iga soo maray fannaaniintii heesahooda aadka loo jeclaa ee Maxamed Mooge Liibaan iyo Xaliimo Cumar Khaliif labadoodaba Ilaahay ha u naxariisto. Sidoo kale, waxaynu ogsoonahay in kooxaha suugaanta qaybaheeda kala duwan ku hawlan yihiin in dadka Soomaalidu ku raaxaystaan, murti iyo macnana ka dheefaan waxyaabaha bahda fanku suugaanta ku tabiyaan, haddana markay gaboobaan amma xannuusadaan aan loo daryeelin sidii loo baahnaa, kuwaas oo intooda badan silic iyo darxumo u dhintaan, taasina waa arrin murugo leh oo aan sii socoshadeedu habboonayn.

Sababta saddexaad ee aan maqaalkan u qoray waxa weeye; iyadoo aanay labadan fannaan ku badnayn ama yar tahay muuqaallo laga duubay taariikhdooda fanka siiba Maxamed Mooge Liibaan oo Allaah ha u naxariistee oo ahaa macallinkaygii dugsiga hoose ee Sheekh Bashiir, Hargeysa, waxana fiican in qof kastoo jecel yahay wax loo qabto inta uu nool yahay iyo marka uu dhintaba.

Sidaa darteed, anigoo taas ka duulaya ayaa waxaan isku qasbay inaan allifo sheekooyin iyo dhacdooyin mala’awaal ah si dadka Soomaalida ee aan wax badan ka aqoon fannaaniintaas wax uga ogaadaan noloshoodii iyo xidhiidhkii fiicnaa ee ka dhexeeyey labadooda, waxaanan dedaal badan ku bixiyey sidii aan u sawiran lahaa noloshoodii fanka, fakarkoodii iyo dhaqankoodii suubbanaa.

Inkastoo aanan kaga hadli karin hal maqaal amma wax ka badan mahadhooyinka iyo sooyaalkii taariikheed ee boqoraddii codka Soomaalida marxuumad Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) Allaah ha u naxariistee, haddana si kooban haddii aynnu u tibaaxno taariikh-nololeedkeedii; Magool waxay ku dhalatay Gobolka Galgaduud, degmadiisa Dhuusa-mareeb sannadkii 1948kii.Waxa dhalay caalim weyn oo aad looga yaqaannay gobollada dhexe ee Soomaaliya, lana odhan jiray ‘Sheekh Cumar Shareeco,’ qadka qaarna u yaqaaneen ‘Qaliif Cumar.’ Qoyska ay ka soo jeedday fannaanaddu wuxuu ahaa qoys aad looga xushmeeyo gobollada dhexe iyo koonfurta waddanka Soomaaliya.

Magool iyadoo yar ayey u guurtay magaalada Muqdisho, waxayna ku soo kortay guriga abtigeed Maxamed Xaaji, kadibna waxay u sii guurtay magaalada Hargeysa oo ay fanka ka gashay. Wax yar dabadeed waxay dib ugu noqotay Xamar, halkaas oo fankeedu aad ugu sii hana qaaday.

Waxay guursatay sarkaal markaa kabtan ahaa, markii dambena jannan noqday oo la yidhaa Jeneral Galaal. Waxa kaloo guursatay nin kale oo Suudaani ahaa, wax carruur ahna ma ay lahayn. Waxay ku geeriyootay magaalada Amistardam ee caasimadda dalka Holland taariikhda markay ahayd 19 March 2004, waxaanay u dhimatay xannuunka Kansarka.

Heestii ugu horreysay ee ay qaaddo waxay ahayd hees lagu magacaabo Banaadiri. Intaa kadib si is daba joog ah ayaa loogu dhiibay heesaha, ilaa heer ay gaadho inay u tartamaan abwaaniinta heesaha curin jiray.

Waxa lagu xasuustaa heesaha Xaliimo Khaliif oo nooc walba leh iyo kuwii ay ka qaadday shirkii ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Muqdisho sannadkii 1974kii oo iyada iyo fannaaniin ay ka mid ahaayeen Maxamed Suleymaan Tubeec, Salaad Maxamed Shardi (Salaad-darbi) iyo Seynab Cige iyo kuwa kaleba aad ugu guubaabiyeen madaxdii Afrikaanka in aanay waddamadooda gumeysiga kala tashan oo iyagu maskaxdooda ka maamulaan.

Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) Allaah ha u naxaariistee heesaha ay qaadday waxay u badan yihiin jecayl badi bulshada Soomaalidu aad uga helaan ilaa maanta, kuwaasoo badanaa ay laba-laba ula wadaagi jirtay fannaaniinta kale ee ragga, siiba kuwoodii ugu caansanaa. Fannaaniintii ay xilligaas sida fiican ula heestay waxa ka mid ahaa:

• Labada Ilma Mooge Liibaan Allaah ha u naxariistee

• Maxamed Suleymaan Tubeec

• Maxamed Nuur Giriig

• Maxamed Axmed Kuluc

• Maxamed Jaamac Joof

• Maxamed Yuusuf Cabdi

• Maxamed Warsame Qaasaali

• Axmed Cali Cigaal

• Axmed Nuur Jaangow

• Cabdi Salaad Aadan (Beer-dillaacshe)

• Cabdi Nuur Allaale

• Cabdalla Yuusuf (Hannuuniye)

• Cabdi Tahliil Warsame

• Cusmaan Cabdikariim (Gacanlaw)

• Xasan Aadan Samatar

• Xasan Diiriye Faarax iyo qaar kale.

Sidoo kale, abwaannada sida weyn heesaha ugu dhiibay Xaliimo khaliif Cumar Barre (Magool) waxa ka mid ahaa:

• Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jabiye)

• Maxamed Cali Kaariye

• Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

• Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey)

• Cabdulqaadir Cali Cigaal (Cirro).

Hobalada Waaberi 1960 gii

Howadaii_Waaabari_1960_gii

Waxa kaloo ka mid ah heesaha waddaniga ee ay ku luuqayso ‘nin lagu seexdoow ha seexan’, ‘Maanta maanta waa maalin weyne maanta,’ ‘Soomaali dhooylaay, Afrikaay hurudooy’ iyo in badan oo aanan qoraalkan yar ku soo koobi karin.

Magool waxay si aad ah u qaaddaa heesaha jaceylka oo si aan caadi ahayn u jecel yihiin dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxay ku luuqaysaa qasiidooyin Nebi ammaan ah oo aad u fara badan, waxana ka mid ah: inta raacday Nebigee rafiiqiise noqotee, Madad madad iyo kuwa kaloo badan.

Dhinaca kale, haddaan soo gudbiyo intii aan ka aqaannay oo ka turjumaysa shaqo-wanaaggeeda, fan-wanaaggeeda iyo sidii loo jeclaa: Waxay ahayd aakhirkii toddobaatannadii maalin Khamiis ah. Maalintaas waxay Magool ku sii buuxsatay saacaddii 7:00AM subaxnimo, si ay ugu sii diyaar-garawdo shaqadeeda, maadaama ay habeenkaas ruwaayad dhigayeen, waanay ku qaylisay saacaddii, dabadeedna degdeg ayey u toostay.

Markii ay toostay ee sidaa indhaha u kala qaadday iyadoo nafteedu doonaysa inay sii hurudo ayey xusuusatay amar maamulaha tiyaatarku soo rogeen oo ahaa qofkii ka habsaama diyaarinta ruwaayadaha ama habeennada ay socoto in ganaax culus la saari doono, oo wixii qofkaasi ruwaayada ka heli lahaa laga jarayo. Sidoo kale, waxay maqashay inan xaafada jaarka ah, oo dhar maydhaysay, oo dhegaysanaysay rikoodh, oo ay u baxaysay hees ay qaaddo Magool oo tidhaahda ‘heestiyo ciyaaraha, mid xannaaninaayoo, hal abuur yaqaannoo, is-huba ayaa u badheedhee, hamadaada beenta wadka kuu horseed, hawraarsan reeboo, haasaweheenii, ka hadhbaan ku leeyahay.’ Inta ay dhoolla-caddaysay ayey xusuusatay, waxaanay halkaas ku xaqiiqsatay oo u rumoobay saddexda qoddob ee aan kor ku xusnay oo ka ugu horreeyaa yahay, inta ay jiraan dad af-Soomaali ku hadla in codkeeda la dhegaysan doono, sidaana waxa u sii saadaaliyey oo u sheegay abwaan abaal badan ku leh Magool – Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jabiye) – oo ku yidhi, ‘inta Soomaali nooshahay waa la dhegaysan doonaa codkaaga.’

Markaa waxay toos u tagtay tiyaatarkii, halkaasoo lagu marinayey jirrabaaddii ugu dambaysay ee lagu tijaabinayey. Si fiican ayey uga soo baxday iyadoon waxba qaldin. Iyadoo la ansixiyey ruwaayaddii aakhirkii.

Kadib waxay tagtay dawaarle u samaynayey dharkii ay ruwaayadda ku dhigi lahayd oo hore uga yaraaday. Markii ay gashay dawaarlaha oo ahaa kii ugu fiicnaa magaalada Xamar, ayaa ninkii dawaarlaha lahaa ixtiraam awgii farta isku jari gaadhay maqaskii uu hayey, dharkiina sidii Magool doonaysay ayuu ugu tolay oo ugu hagaajiyey.

Markii ay dawaarlaha ka soo baxday ee ninkii dawaarlaha lahaana isa soo raaceen. Intii ay jidka ku soo jireen waxa u istaagay dhowr gaadhi oo ku yidhi, ‘Magool aannu ku sii qaadno,’ iyagoo xiisaynayey, waxaanay ugu jawaabtay, ‘iska raalli ahaada, tagsi ayaan sugayaaye.’

Iyadoo aaminsanayd in dadka badankiisu ku faakihaystaan heesaheeda, iskuna maaweeliyaan oo keliya, laakiin aanay aanay aaminsanayn in waxan yahay shaqadeedii rasmiga ahayd oo ku shaqaysato, had iyo jeern waydiiyaan heestaa goormaad qaaday? Yaa kula qaaday? Yaa kuu dhiibay… waxana aad ugu adkaa inay hadalladaas u dulqaadato.

Intaa dabadeed waxa soo maray tagsigii, waanay raacday. Tagsiga waxa rikoodhka ugu jirtay cajalad uu dhagaysanayey, waxana waqtigaas ka socotay hees Magool la qaaddo Maxamed Salaad Darbi oo midhaheeda ka mid yihiin ‘hiirtaanyada i haysa iyo hirrigan baas adaa ii horseedee, waxaad ku hamiyeysiyo hanti kuguma ludhune, hadhka labada galin iyo hooskaa wareegee, Hayboow heedhe, ma markaan heshiinnaa horumarkii iyo wanaaggii hilmaantay?’

Markay tagsigii ka degtay ee tiyaatarka hortiisa marayso, ayaa ciyaal dibjiriin ah oo tiyaatarka hor seexan jiray ku soo wada carareen, markaasay ku yidhaahdeen, ‘hooyo Magool ma kuu qaadnaa alaabta?’ iyagoo midba ka kale uga dheeraynayey, maadaama ay ahayd qof aad u gacan furan oo naxariis badan.

Markii ay gurigii tagtay ee tukatay, qadaysay, laba saacadoodna yara seexatay ee ay soo kacday, ayaa nin aan laga ag-waayi jirin abwaannada iyo fannaaniintu ku soo dhowaaday oo dhegta u saaray kuna yidhi, ‘maanta oo dhan waannu ku raadinaynee xaggeed ku maqnayd? Wuxu intaa ku daray odaygii Cabdillaahi Cawar inankiisii uu jeclaa, ayaa Jimcaha arooskiisii la samaynayaa, markaa waxaan doonayaa habeenka Jimcuha soo galayo inaad timaad, iyagaa ku dalbaday ee soo nooma iman karaysid, mise hawl kale ayaad leedahay?’ Waxay ugu jawaabtay oo ku tidhi, ‘lacag fiican ma bixinayaan qorshayaal badan baa jiree?’ Wuxuuna yidhi, ‘maxay u bixin waayeen waaba ninkii magaaalada nus lahaaye.’ Sidaas ayaanay ku ballameen.

Waxay u diyaargarowday ruwaayaddii, iyadoo maskaxda ku haysa in si aada loo xayeysiiyey ruwaayaddan, safafna ugu jiraan ruwaayadihii laga dhigi lahaa tiyaatarka.

Maalintaas waxa maankeeda aad uga guuxayey dhigista ruwaayadaas oo in badan dadweynuhu sugayeen, xayaysiis badanna lagu sii sheegay, isla markaana Magool iyo Maxamed Mooge sugayeen tiyaatarka oo shaqadiisu xaammi ahayd, waxaanay ku faraxsanayd Maxamed Mooge oo ruwaayadda ay wada jilayeen, maadaama ay jeclayd inay la heesto labada Ilma Mooge.

Horeba waxa ka bilaabantay ruwaayaddii, waxaanay wada qaadeen oo heesihii ruwaayaddaas ku jiray ka mid ahaa ‘Maxaa iga galay nin geel badaneey, ma gaajaan ka cabsanayaa!’ Heestaas markii ay qaadayeen iyada iyo Maxamad Mooge waxa markeliya sacab iyo dhawaaq isla oogsaday dadweyne fara badan oo daawanayey, waxaanay codsanayeen inay heestaas ugu celiyan, waanay ugu celiyeen mar labaad. Waxa ay Magool xaqiiqsatay qodobkii labaad arrin abwaan labaad u sheegay oo ahayd, ‘waxaad noqon doontaa haddii Alle yidhaa hablaha waddanka heesa xiddigta loogu jecel yahay.’

Ruwaayaddaas waxa daawashadeeda ka qaybgalay dadweyne aad u fara badan, halka qaar kale oo badanna waayeen fursad ay ruwaayaddaas ku daawadaan, maadaama dadku buux-dhaafiyeen tiyaatarka.

Dadkii daawanayey ruwaayadda oo ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Ciyaaraha, ayaa dalbaday inay arkaan Magool iyo Maxamed Mooge. Markii ay u yimaaddeen, ayey hambalyeeyeen ruwaayaddan cusub iyo siday ugu nuuxnuuxsadeen, waxaana uu Wasiirkii Warfaafintu ka dalbaday in habeenka ay arbacadu soo galayso ay kala soo qeyb galaan Wafti ka yimid Africa, oo ahaa wasiiro badan oo Arrimaha Dibada ah, oo uu Wasiirka Warfaafintu u fidiyey martiqaad , xaflad lagu soo bandhigayey heesaha Soomaalida, dhaqanka Soomaalida iyo heesihii kacaanka.

Kabacdi isna waxa codsi ka dalbaday Wasiirka Ciyaaraha, oo ku martiqaaday inay kala soo qeyb galaan xidhitaanka tartanka ciyaaraha gobolada, oo lasoo xidhayey. xafladaas oo ay ka soo qeybgalayaan Madaxweynaha iyo martisharaf kale oo qiimo leh.

Magool oo aan lagu arag ballan-xumo, oo ilaalin jirtay shaqadeeda iyo diyaar-garowga, ayaa waxay u balan qaadeen labada fanaanba inay aqbaleen arrintaa, sidii ayey u kala dhaqaaqeen, iyadoo ay dadkii daawadayaasha ahaa ay sii baxayaan, markaasaa nin ka soo baxay ruwaayadda, ayaa qayliyey, anigoo aan garanayn inuu suufi yahay ama inuu Maxamed Mooge iyo Magool uu aad u jeclaa, heesahooda iyo jilidooda, markaasuu mar kaliya inta uu qayliyey ayuu yidhi ‘ilaahayow Magool iyo Maxamed Mooge naxariistaada janno sii, oo u dambi dhaaf.’ Iyadoo ay daawadaashu la yaaban yihiin ninkan qaylinaya, ayey yidhaahdeen ‘aamiin’, markaasaa inan yari cararay, oo uu u yeedhay Maxamed Mooge iyo Magool si ay u maqlaan ducadan cajiibka qabta, markii ay yimaadeen, isagoo ninkii wali sii wada dhawaaqiisii, ayey soo istaageen. Waxa halkaa isla habeenkaa u rumoobay Magool 24 saacadood gudahood qodobkii saddexaad, ee loo sii saadaaliyey, sidaasna Ilaahay ugu rumeeyey. Iyadoo ilmaynaysa ayey magool dhegaysanaysay ninkan u ducaynaya, waxaanay la ilmaysay farxad awgeed iyo ninkan Ilaahay u diray.

ka dibna waxa isa-soo raacay Maxamed Mooge iyo Magool, waxaanay u tageen abwaankii sameeyey ruwaayadda, oo ay la fadhiisteen, si ay u hubiyaan inay riwaayaddu sidii uu doonayey u dhacday, oo ay isla ansixiyaan iyo inay wax ka khaldameen.

Markii ay gaadhay 11:00PM habeenimo, ayaa abwaankii cudurdaartay, oo uu iska hooyday, waxaana isku soo hadhay Maxamed Mooge iyo Magool iyo dhowr qof, oo la fadhiyey.

Markaasay Magool tidhi ‘Maxamedoow mid yar maad ii samayn, oo maad ii qaadi heestii Jamaame, ee odhan jirtay ‘jidhkaaga udgoonbaa i soo jiidanaayee?’, isagoo iska daallanaa Maxamed ayuu ka cudurdaatay inuu tumo kabanka, markaasay Magool la hadashay fanaanadii Harawo, markaasay waydiisay Cismaan-gaab oo tumi jiray kabanka iyo Axmed Maxamed oo durbaanka tumi jiray, waxaanay ku tidhi ‘ii soo dir hadday agtaada joogaan,’ markaasay u yimaadeen. waxaanu u qaaday heestii, markaasuu ku yidhi Maxamed Mooge mid yar ma kaa codsadaa Magooleey? markaasay tidhi ‘haa’, heestaadii fiicnayd ee Nabi ammaanka ahayd, ee ahayd ‘intii raacday Nabigee rafiiqiisa noqotee’ ii qaad, ayuu ku yidhi Magool. markaasay u qaadday, habeenkaa ninkii joogaybaa joogaye wuxuu ku dhammaaday iyadoo midba midka kale leeyahay mid yar ma kaa codsadaa. Habeenkaasna waxay ula baxeen ‘mid yar ma kaa codsadaa’ markiii mid walba afar heesood heesood laga dalbaday, iyo heeso kale oo ay labadoodu wada qaadaan, heesahaas oo ay ka mid ahaayeen Magool oo ku heestay ‘sida goosan adhiya, oo weerar galay, kala gaabiyey,haraad gawracmay, rugta oo galin cidla’a ah , ayaan ku go’doomay, goos iyo abees gacan wabi ma galay, gododle, waa gadiisiiye gododle’ heestaas oo ay wada qaadi jireen Maxamed Mooge. heesta kale ee uu ka dalbaday waxay ahayd ‘dheegoow danteenii aniga ayaa dhaliilee, ruux dhaawac gaystay, oo dhayayaa ma liitee, ruux taladu dhaaftaynu, dhaaxaynu aragnee’, halkaa markay marayaan, oo ay wali heesihii qaadayaan, oo ay haddana ka dalbatay Magool inuu u qaado heestiisii ahayd ‘dunidaa sidaas ahe, daalac-naasil kuu daayey dumar waxa hadhaye, ii doon ii doon diigyahaw aroortii daakiraa’, markii uu heestaas u qaaday, ayey haddana hees kale ka dalbatay oo ay wada qaadaan, heestaas oo ahayd ‘Maxamed Maxamed, Magooleey’ iyo mid kale oo ay tidhaahdo ‘Marjo way asqawdaa markaan timaha soohday.’ markay mabsuudeen ee ay heeso badana qaadeen, ayaa waagii soo dhowaaday, markaasay damceen inay tagaan xagii xeebtii Liido, Warsame oo tagsiile ahaa oo iska diyaar ahaa, oo la fadhiyey ayaa qaaday, sidaasay ku tageen xeebtii oo ay la kulmeen qorroxdii oo soo baxday, maxaayeelay waxay labada fanaanba ka sinnaayeen wakhtiga waabariga iyo tagista xeebta Liido, waxaanay ku magacaabi jireen goobtii filimada hindida. Markay yimaaddeen xeebta ayey dadkii joogay aad ugu sare kaceen, oo ay marxabaysiiyeen, iyadoo meelkasta, oo ay maraan loo sare kacayey. Markaa iyagoo jooga xeebta, ayuu waydiiyey Maxamed Mooge heestii ‘gabalkii dhacaba waabaa soo guduutee’ miyaad wax ka xusuusan tahay Magool?, xusuusta maskaxdeeda oo aad u wanaagsanayd, ayaa iyadoo aan libiqsan soo tuurtay baydkan heesta uu soo hadalqaaday, waxaanay tidhi heestan oo aan heesaheenii ahayn waxay ahayd ‘godkan aad tilmaantay, aakhiro godkeeda, dadku uma gudboonee, haddii aan gar kugu giijey, cududahaa marbaan xadhiga kaa goyn, gabalkii dhacayaaba, waabaa soo guduutee, bal gadaada ii sheeg,’ waxa kale oo uu ka codsaday bayd ka mid ah heesaheeda oo ahaa ‘tulud bahal meel ku dilay tabteedii ahaadaye, timahaygii gadataye, anay talo ii joogtaa,’ markay ka quraacdeen hudheelkii fiicnaa ee xeebta ku yaallay waabarigii ayey is xusuusiyeen balan maanta jirta qadada, oo uu agaasimaha tiyaarka iyo stage managerka tiyaatarku u sameeyey qado-sharaf dadkii ruwaayadan ka qeb-qaatay matalkeeda, samaynteeda, muusigeeda, isku-dubaridkeeda, oo lagu maamuusayo, looguna mahadnaqayo, markaasay noqotay inay iska kala tagaan, oo ay dhowr saacadood seexdaan, si ay ugu diyaar garoobaan qado-sharaftaas, iyadoo ay Soomaalidu iska jeceshahay qaddo iyo qaad wada socda, fanaaniintuna ay ka sii xag-jiraan.

markay makhaayaddii xeebta Liido ka timid Magool, ee ay kala tageen Maxamed Mooge, ee ay gurigeedii timid, waxa guriga hortiisa ku sugayey nin baabuur wata, oo ay macrifo ahaayeen, ninkaasi oo Barwaani ahaa. Markii uu u soo degay, ee ay isa salaameen, is waraysteenna, ayuu ku yidhi ‘Magooleey xaaaskayga oo aanu isla soo marnay taariikh cajiib ah, taasi oo la xidhiidha jacaylkayagii hore, maantana maansha Alla ayaanu joognaa, markaa berigaa hore ayaan ugu balan qaaday haddaan is guursano, inaan u samayn doono hees jacayl ah, oo Maxamed Mooge qaadayo. Markaa waxaan kaa codsanayaa in heestaas laygu sameeyo xaaskayga aan jecelahay.’ Maadaama ninkaas Barwaaniga ahaa uu ahaa nin lacag leh waxay ugu jawaabtay ‘nin abwaana ayaan kuu balaminayaa, si aad dareenkaaga ugu sheegato, oo uu hees uga sameeyo, waxaanay u raacisay intaa, baabuurkii cusbaa ee aad igu tidhi waan kuu iibinayaa meeyey?’ intaanu u jawaabin ayuu jeeg lacag fiicani ku qoran tahay soo saaray, markaasuu u dhiibay, markaasay ku tidhi ‘intan-baaba baabuur goynaysee,’ waxaanu ugu jawaabay, ‘baabuurku waa gooniye, lacagtana adigaa leh.’ sidaasay ku ballameen.

Markii ay kala tageen, ee ay gurigii soo gashay, ayey aragtay telefoonkii oo dhacaya, markii ay qabatayna waxaa kaga soo booday Agaasimihii Tiyaatarada madaxda ka ahaa, markii ay salaantii kala qaaden ayuu ku yidhi ‘qoladii Hargeysa ayaa ku soo dalbanaysa, waxaanay doonayaan riwaayad caaqiibo leh, oo Maxamed Cumar Huryo sameeyey, inaad metesho.’ Markaasay tidhi ‘xalay ayuun-baan ruwaayad dhigayee sideebay u suurtoobaysaa?, markaasay ku tidhi Hargeysa iyo Muqdisho ha i kala goostaan, hablo badan oo fanaaniin ahi way joogaan Hargeysa ee kuwaa u dhiiba ama hablo cusub, oo dhalinyaro ah fanka soo galiya oo u dhiiba.’ Markaasay isla qosleen oo ay sheeko kale galeen, markii ay is macasalaameeyeen, oo ay taagan tahay wali , ayaa waxa u soo gashay gabadh ay saaxiib ahaayeen oo fanaaniintii hore ka mid ahayd oo la odhan jiray Saafi Muxumed, markii ay isbariidiyeen, Magool oo aad daalan oo indhihii xalay ku soo jeeday,ayey ixtiraam awgii ay la hadashay gabadhii. Gabadhii Saafina waxay tidhi, ‘waynagii ku ballansanayn carruurta agoomaha ee lafoole inaynu iiddan dhar u iibino, oo aynu ka farxin doono, ee lacag fiican baan soo ururiyey, dhinaca kale, gabadhii walaasheen ahayd, ee fanaanada ahayd, ayey hooyadood dhimatay iyadana lacagbaa loo ururinayey waxbaana lagugu soo qoray.’ intay gudaha gashay Magool, oo ay shalmadii dhigatay sariirteeda, ayaa ay shidatay maraxawadii, markaasay kuus lacag ah soo qaadday, intay dhabta u saartay, ayey ku tidhi labada lacagyoow ee layga doonayo u kala qaybi. sidaas iyo maalin wanaagsan.

Intaa ka dib Magool waxay timi balantii qadada, ee casuumadda ahayd, oo hal-saac iyo badh lagu balansanaa, casuumaddaas oo ay wada yimaadeen fanaaniintii ruwaayaddii xalay metelay, waxaana ku jiray afar qof oo fanaaniintii waaweynaa ah. Halkaas oo aad ka arkaysay, fanaaniintii xalayto soo jeeday, oo wajigooda nuur ka muuqdo. Markii qadadii laga yimid, ee gurigii Magool la fadhiistay, oo aan aniguna ku dhex jiray, ayaa ilmo-gaar ahi ay ka timi Magool, ilmadaasoo aad moodaysay inay indhaha igu mudayso, maalintaasna indheheedu waxay ii turjumeen in anaan dib isku arkay, arrintaasi oo sidaas u dhacday.

Markii ay maraysay ilaa 5:00PM galabnimo, ayuu noo soo galay Maxamed Mooge, oo ay wada socdeen nin dhalinyaro ah, waxaanu la hadlay Magool waxaanu ku yidhi ”inankan ila socdaa wuxuu ka yimid waddanka Maraykanka, waxaanu soo bartay saxaafadda (Journalism), waxaanu doonayaa inuu wax ka qoro taariikhdaada iyo fankaaga, markaasay soo dhowaysay oo ay si farxad leh u soo dhowaysay, islamarkaana ay qaaday heesta midhahani ay ka mid yihiin iyadoon is ogayn, oo ay tidhi ‘taariikhdu waa buug, badi maydhi karinoo, beryo lama ilaawee’ sidaasay kula balantay in maadaama uu laba bilood joogayo ay is arki doonaan.

Wareeggaa ayuunbay ku jireen fanaaniintu, noloshooduna waxay ku dhex wareegaysay, soo jeed-habeen, xasad-gudahooda ah, kayd la’aan dhaqaale, aqoon kororsi la’aan, balwad, kanaa ruwaayad laga reebay, kanaa garan waayey sadarkiisii, kanaa soo kici waayey habeenkii ruwaayada,, tanaa laga reebay ruwaayadda, kii muusiga tumaayey, oo inantii heesaysay ay isla qabsan waayeen sidaasay noloshoodu ahayd, inkasta oo ku hawlnaayeen danaha dadka Soomaalida, oo ay wacyigalin la garab taagneeyeen, iyagoo door muuqda ku lahaa baraarujinta bulshada soona bandhigi jiray wax dhaxal-gal ah.

Maaha wax la iloobi karo Magool, maxaayeelay waxay saamayn xoog leh ku yeelatay Soomaalida dhexdeeda. Maaha wax halkan aynu ku tixi karno ama aynu tiraab kaga sheekayn karno inta ruwaayadood ee ay ka qeyb gashay iyo inta heesood ee ay qaadday ama fannaan kale la qaadday.

Dhinaca kale, markaan u kuurgalay Magool iyo Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye sooyaalka wada-shaqayneed ee dhexmaray, ayaa waxa iiga baxay in Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye iyo Magool ay abaal badan isku leeyihiin. Waxaanan wax ka waydiiyey abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye dhaqankii Magool iyo inta heesood ee uu xasuusto, ee uu u dhiibay magool iyo siday isku barteen. waxaanu ii sheegay abwaan jabiye inay magool mar ay Hargeysa timi 1963kii, iyagoo ruwaayad waday ay ka hadhay kooxdaa. ka dibna ay woxoogaa iska joogtay Hargeysa waxaanu ii sheegay inuu isagu soo kexeeyey, oo uu keenay Masraxii Murtida iyo Madadaalada, ee magaalada Hargeysa oo uu Jabiye madax ka ahaa.

Mar aan waydiiyey akhlaaqdeeda iyo shaqadeeda, wuxuu abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye ii sheegay inaanu garanayn cid kale, oo uu ka saraysiiyo akhlaaq wanaageeda iyo ixtiraamkeeda, wuxuuna ii sheegay inay ahayd gabadh dhowrsan, oo aan ku dhex milmin ragga fannaaniinta ah laakiin shaqadeeda uun ka adkayd, wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay ahayd fanaanad nadiifa, oo aan ka habsaamin shaqadeeda, waxaanu yidhi ‘ waxaan aad u jeclaa luuqdeeda, matalkeeda, anshaxeeda, ixtiraamkeeda iyo hufnaanteeda shaqo, manay iloobi jirin wax la xafidsiiyey.’ waxa kale oo uu sheegay inay isaga gaar u ixtiraami jirtay, islamarkaana uu u dhiibay heeso badan oo inta uu ka xasuusto uu ii sheegay. heesahaas uu abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi Jabiye u dhiibay magool waxa ka mid ahaa, oo uu ii sheegay:

• Ubax la moodyeey ana abaartiyo agab la’aanta igu ogow. waxaanay la qaadaa Shimbir

• kal caano galeen kas malaha.

• Hablo waa rag u joog.

• Raggu magaca guud giddi waa ka siman yahay.

• Gedmedoo sidiinaa gibil layga saaraaye.

• Daahir aramidaadii waxay uurka jiiftaba, afka aan ka dhowraba soo aroorsan maaha.

• Dandoodooy hal kaa gudhan gorof looma qaadoo, kuma gaajo beeshide.

• labadii duugga eegaa, kolkay dayrtu hoorto, xareed wada durduurtee, waxaanay wada qaadaan cismaan gacanlow.

• Waxa i helay huq raagtay, oo in dooraba i haysay.

• Diif waa la reebaa laakiin doqonimo lama reebo.

• labadii laysku dooraba, haddii laysku daayo, dagoo wada yagleelee.

• Muuniso aqoonlaa, shaydaan afuufaa. waxay wada qaadaan cismaan gacanlow.

• Adoo guri barwaawo ah geel dhalay ku haysta, geedi lama lalabo, abaar looma guuree, anigaa isku gaystoo galabsaday xumaantaa, wixii ila garaadow gobonimo ha tuurina.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa anigoo ilaahay u baryaya inuu u dambi dhaafo, oo uu raali ka noqdo Magool, hees waddani ah, oo beydkeeda hore ka sheekaynayo Soomaali dhaqankeeda iyo heesta dambe, oo uu beyd ka mid ah ka sheekaynayo kacaanka waxaanay yidhaahdaan.

• Sixir lagama waayaay, Saxariir ku faanaay, Seefo isku qaataay, Seedaha is goysaay, Sababteeda doonaay, Malageeda sidatooy, Soomaali dhooylaay, Horay maydun socotaan, Mise sabo xumaaniyo, Silic baad ku noolaan.

• jeerood saafi noqotaan, faro siman lahaataan, inaad seermo waydiyo iyo inaad guryo samo ka baaqdaan, sacabka ha u garaacina, sidan waan naqaanaa sidana waanu garanaa, hadday sidan gacantu tahay sirbay cidhib ku leedahay.

haddaba, Waxaan ku soo koobi lahaa qormadan inay magool ahayd shaqsiyad aan la malayn karayn oo dhaqan wanaag iyo luuq wanaag iyo fan-wanaag isku darsatay, islamarkaana mudan in la xusuusnaado. waxaana igu dhalisay inaan tilmaamo wax taariikhdeeda ku saabsan inta aan ka aqaanay inaan sheego oo aan jeclaystay. Waxa kale oo aan dhammaan inta dhimatay fanaaniinta Soomaalida leeyahay Ilaahay ha u naxariisto.

Fiiro gaara h: waxaan soo dhowaynayaa ciddii haysa wax qodobkan khuseeya

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email: sulub2007@yahoo.com

24 saacad gudahood oo ay Magool ku kulmeen saddex qodob oo hore loogu saadaaliyey

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email: fatxisulub@gmail.comTel: 0634426781

Leave a Reply