Taariikh Nololeedki Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

hadraawi-2Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxa uu ku dhashay magaalada Burco  ee gobolka Togdheer . hadraawi waa abwaan aad u caana oo soomaali oo dhami ay si fiican u taqaano . hadraawi suugaanta somalida e casrigan waxa uu ku leeyahay dawr aad u wayn.waxa uu yahay .abwaankii uguwayna .abwaanada somalida inta somalida suuganteeda laqoray.hatraawi.waxa uu wax barashadiisuu ku qaatay wadanka Yemangaar ahaan magaalada Cadan

Taariikhdii maxamed ibraahim warsame wxaa qoray maxamed axmed maxamuud tuuryare Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) wuxu ku dhashay miyiga magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee wadanka somaliland, taariikhdu markay ahayd 1943. Halkaas oo uu ababay sanadihii hore ee caruurnimadiisii, isla sanadahaas oo ay xijaabtey hooyadiis Kaaha Jaamac dhuux, ka dibna adeerkii Axmed Warsame Siciid(Niibsan) oo degenaa magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa loo geeyey isagoo mudadaasi 9 jir ahaa, halkaas ayaa aayooyinkiis Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis Xasan Nuur Qaaje ay ku gacan qabteen oo ku hanteen una galeen halkii hooyadiis.

Hadraawi waxbarashadiisi aasaasiga ahayd illaa dugsiga sare wuxuu ku qaatay Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964.

Markii uu dhameeyey dugsigaa ayuu xamarkaga shaqeeyey macallinimo, mudo laba sanadood an. 1967 ayuu Cadan ka soo guurey una soo kicitimey xagga Somalia. Waxa uu cagaha soo dhigay magaalada Muqdisho, halkaas ayuu ka billaabey shaqadii ugu horeysey, wuxuuna boos ka qabtey Wasaarada Warfaafinta sanadku markuu ahaa 1969kii, kumase raagin. 1971-kii ayuu shaqadiisi ugu horeysay ee rasmiga ahayd ka billaabay Wasaarada Waxbarashada, isagoo macallin ka noqday Dugsiga Hoose/Dhexe/Sare oo ku dhex yaaley Dugsiga Hoyga Nolosha ee Lafoole(Afgooye), isla wakhtigaas oo uu ku qaadanayey daraasada tababarka macallinimada machadkakii Macallinimada ee Lafoole(N.T.E.C).

Kartidiisa Hal-abuurnimo markii ugu horeysey ee uu soo shaac baxo, waxay ahayd intii aanu Cadan ka soo tegin. 1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday “Hadimo” hase yeeshee wuxuu si fiican ugu doob dillaacsaday, maansadiisuna caan baxday intii uu u soo wareegey Soomaaliya. Gaar ahaana intii ku sinayd 1970-nadii. Wakhtigaas oo ay soo shaac baxeen heesaha tirada badan ee aadna looga helay soona jiitey dhegaha dadka Somaliyeed, kiciyeyna dareenka dadka. Wuxu noqday nin suugaantiisu si gaar ah u taabato dadka dhegahooda, muranna ka dhex dhalisa dadka dhexdooda si gooniyana oo dhadhansado, had iyo jeerna laga soo daayo Idaacadaha heesihiisa iyo maansooyinkiisa ayna ka heleen bahda warfaafintu.

Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii “Aqoon iyo Afgarad” oo ay u jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen “Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed”.

Suugaantiisa waxay noqotay tu si gaar ahaaneed ugu nixisa oo ku abuurta werwer xukuumadii kacaankii barakaysnaa ee Siyaad Barre, sidaas darteed ayaa ha’adaha cadaadiska iyo cabbudhinta uu u daba dhigay oo ay had iyo jeer daba taagnaayeen, Ka dib maansadii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” iyo sababa kale oo maansooyinkiisa la xidhiidha ayaa 11.Novenber.1973-gii loo taxaabay xabsiga, waxaa la geeyey Qansax Dheere (Gobolka Bay) halkaas oo ku xidhnaa illaa iyo 09.April.1978-kii.

Wakhtigaas ka dib, illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e “Deelley” kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.

1dii May 1982-kii ayuu tegey goobaha uu ka socdey halganka Mucaaradka Soomaliyeed ee ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee la odhan jirey SNM .oo loo soo gaabiyey (Somali National Movement). Wuxu halkaas ka galay halgan siyaasadeed, suugaaneed, wadaniyeed iyo mid xoriyadeedba. Allena wuu ku guuleeyey kaas, haddana wuxu ku jiraa halgan kale oo nabad, caddaalad iyo midnimo doon ah.

 

Gudgude

Gudgude waa mid ka mida gabayada Abwaan hadraawi tiriyey,akhriste dhuux micnaha uu gabaygu ku qotomo.

  • Gedgedoonka maankiyo qalbiga, gocasho soo boodka,
  • Xaajada garlayliga jartiyo, Gun u saluugayga
  • Gibladiyo mashxaraddayda iyo, farax la goohayga
  • Gandoodkayga taahayga iyo, goobo xaradhkayga
  • Gurmadkiyo haloosiga taxmiyo, guluf alooskayga
  • Gama’li’ida reenkayga iyo, jiif galgaladkayga
  • Goobyaalka caga-jiidka iyo, Meel-ka-gabargaalka
  • Gucla orodka seeraarka iyo, geyllan dirirkayga
  • Haddaan geestan eegana cabsida, gaarkay igu raaran
  • Gabranaanta qoollaalligiyo, mala gorfayntayda
  • Gadoobnaanta yeelkayga iyo, kala gantoobnaanta
  • Garab lida soodhkayga iyo, gooninnimadayda
  • Goofkiyo xabaalaha shixnadan, godadka buuxbuuxa
  • Cagta go’an lugaa iyo gacmaha, gabawar duugoobey
  • Naafada garbaha kaashatee, sumucu gaagaabshey
  • Geerida shinkeed dhaaftay iyo, Guri dambayskayga
  • Goodaadsigaygiyo hiyiga, garar tallawgiisa
  • Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye
  • Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe
  • Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto
  • Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye
  • Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
  • Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
  • Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.
  • Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo
  • Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka
  • Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban
  • Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso
  • Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso
  • Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo
  • Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo
  • Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho,
  • Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye
  • Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye
  • Way kala guddaa amase way, kala go’doontaaye
  • Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye
  • Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye.
  • Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey
  • Inkastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diiddey.

 

La soco qaybaha danbe…

 

Hussein Osman ( Khuburo )

Leave a Reply