Taariikh nololeedkii Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil oo kooban

cabdulle-raage-taraawiil-1Abwaan Soomaaliyeed oo dadka si weyn u yaqaanaan oo aan u maleyneynin in cid loo sheegayo aysan jirin, balse Jiilka cusub ee soo koraya mudan in la xasuusiyo Taarikhdiisa faneed Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil oo bishii Maarso sanadkii 2000 geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdulle Raage Warsame Taraawiil, waxa uu ku dhashay duleedka Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sanadku markuu ahaa 1934-kii. Cabdulle Raage Warsame aabihiis Raage waxa uu ahaa afmaal deegaankii uu ku dhaqnaa nabadoon u ah, tirinta ereyo suugaaneedkana aad ayaa loogu texgelin jiray.

Intii uu yaraa Cabdulle Raage Warsame waxa uu isa saar saari jiray tixo suugaan ah, laakiin markii uu soo hano qaadey ayuu si weyn isugu taxaluujiyay suugaan tirinstiisa,waxaana lagu tiriyaa dadka fara ku tiriska ah ee iyadoo da’doodu ka hooseyso 15-jirka sida yaabka leh uga soo baxay goobaha la isugu yimaado.

cabdulle-raage-taraawiil-9

cabdulle-raage-taraawiil-3

cabdulle-raage-taraawiil-4

cabdulle-raage-taraawiil-5

cabdulle-raage-taraawiil-6

cabdulle-raage-taraawiil-7

cabdulle-raage-taraawiil-8

cabdulle-raage-taraawiil-2

Sanadkii 1943-kii ayuu Abwaan C/lle Raage si muuqata ugu soo biiray fanka, sidoo kale 1956-kii ayuu guursaday xaaskii ugu horeeyay markii ay mudo is qabeen kaddibna waxaa lagu xiray Degmada Ceelbuur ee isla Gobolka Galgaduud dabadeedna waxaa loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho si halkaasi Maxkamad loogu saaro, hase yeeshee waa la sii daayay kadib markii lagu waayay dembigii lagu soo eedeeyay.

Allaha u naxariistee Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil waxa uu ku biiray Xisbigii Libaraale ee uu Guddoomiyaha u ahaa Allaha u naxariistee Xaaji Maxamuud Maxamed Boraako, isagoo gubaabin jiray taageerayaasha Xisbiga, sidoo kale wuxuu Abwaanku ku biiray Idaacadda Raadiyo Muqdisho, waxaana lala yaabay kaalintii uu ka qaatay munaasabadihii loo sameeyay Xorriyaddii iyo Calan-saarkii Soomaalida 1960-kii taas ayaana u sahashay inuu ka mid noqdo shaqaalaha ugu firfircoon ee Radio Muqdisho, inkastoo ay jireen caqabado yaryar oo ka hor yimid.

Abwaan C/lle Raage wuxuu ahaa Mu’alif Riwaayadaha qora, Gabyaa caan ah, jilaa si aad ah loo jecleystay, waxaana ka mid ahaa Riwaayadihii lagu xasuusto (Shabeel Naagood) oo uu isagu Aktar ka ahaa uuna lahaa Abwaan Xasan Sh.Muumin, (Yaxaas Dhegaduub) oo uu lahaa Sangub, (Dhagax iyo dab) oo uu lahaa Cali Sugulle iyo Riwaayado kale oo aad u fara badan.

Marxuum Abwaan C/lle waxaa sanadkii 1968-kii loo magacaabay “Radio Artiste” oo kulminayay Madaxa Raadiyaha Walaalaha Hargeysa iyo Radio Muqdisho, sanadihii 1964-kii waxa uu kaalin mug leh ka qaatay dagaalkii lagula jiray dalweynihii Xabashida isagoo ku muteystay Bilado dhowr ah.

Sanadkii 1974-kii waxaa loo bedelay Radio Hargeysa, isagoo loo magacaabay Guddoomiyaha Fanka W/Galbeed, wuxuuna bedelkaasi ka tiriyay ilaa Toddobo Gabay, sanad kaddibna wuxuu ku soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, kaddibna wuu iska casilay markii ay is qabsadeen isaga iyo Abwaan Shareeco.

Allaha u naxariistee Abwaan C/lle waxay Soomaalidu ku xusuusataa Gabayadiisii u badnaa Gobanimadoonka iyo la dagaalanka Gumeysiga madow gaar ahaan dagaalkii dhex maray Soomaalida iyo Itoobiya sanadihii 1977 ilaa 1978-kii. wuxuu kaloo ka qeyb galay Bandhig faneedyo caalami ah, sida kii lagu qabtay magaalada Lagos ee dalka Nayjeriya 1978-kii kaasoo ay ka soo qeyb galeen 37-Dowladood oo Afrikaan ah, wuxuuna ka galay kaalinta Koowaad taasoo uu ku muteystay abaalmarin caalami ah iyo Billad, Gabaygii uu halkaas uga qeyb galayna waxaa lagu magacaabaa Dhambaal.

Abwaanka waxaa lagu xusuustaa Gabayadii Wadaniga ahaa, wuxuuna gabaygan uu kaga hadlayaa qiimaha farta Soomaaliga oo xiligii la soo saaray qorista far Soomaaliga uu tiriyay, lagana sii deyn jiray Radio Muqdisho.

Labaatan iyo labo aamustiyo, shaqal irmaaneeya

Amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge

isku dare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah

Ebyan iyo haddaan magac u yaal, ku arkay joornaalka

Mar haddii afkeygii la qoray, Aabe iyo Hooyo

Mar hadaan amaahsigii ka baxay, lagu ogoontoobay

Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye

Amiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene

Afafka qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibay

Anaa macallimoo raba dad loo furo iskuullaade.

Waxaa kaloo xusuus mudan Gabagii caan baxay ee Duqa haloo sheego ee uu ka tiriyay Caddaalad daradii Dowladdii Kacaanka ee Maxamed Siyaad hoggaamin jiray Allaha u naxariistee.

Doontaa Waqooyi iyo degmada Laascaano

Ganacsigu waa nin iyo Dooqiise

Dulmi Xamar ku siman baa jiree, duqa haloo sheego

Dan-wadaagaha ineynaan ku jirin, lagu dul noolaaday

Roobna gaar noogu di’in duqa haloo sheego

Dad kale in loo raro qamadi, lagu daryeelaayo

Iyadoo warqado lagu dabaqay daaya ku hor taalo

aniguna midkaan suuqa duwan degel ku soo iibshay

Gaariga inay kala degaan, duqa haloo sheego

Dugsiyada xaggoodiina ardaydii deyro laga keenaye

Imtixaankii diblomad daacad laga dhowrye

Deymo iyo eeg baa xarfihii laga dersaayaa’e

Dee iyo waryaa nimaan laheyn diintase aan caayin

Dad uma yaqaaniine, duqa haloo sheego

Horaantii 1980-kii waxa uu si aad ah u duray hab dhaqankii Kacaanka, isagoo si toos ah uga hor yimid qorshihiisii guracnaa taas ayaana sababtay in xabsiga la dhigo, dabadeedna lagu sameeyo jirdil gaarsiiyay inuu xabsiga ku dhameysto Isbitaal Digfeer.

Abwaan C/lle Raage Allaha u naxariistee Gabayada sida weyn loogu xusuusto waxaa ka mi ah: Duqa haloo sheego, Arrin walaacday, Marmarsiimo hadal, Saaqid, Qof u yaal iyo kuwo kale oo tiro badan, waxa uu si aad ah uga hor yimid sidii bahalnimada lahayd ee ay u dhaqmeen Jabhadihii Hubka qaatay, kuwaasoo ka daray Xukuumadii kali taliska ahayd ee uu horayba uga qeyliyay Abwaanku.

Taariikhdu waa dhaxal ma dhammaato weligeed, qof kastaana wuu dhiman, Abwaanku waxa uu geeriyooday bishii Maarso sanadkii 2000, wuxuuna ifka uga tegay Laba Caruur ah iyo xaas.

Qaar ka mid ah Gabayadiisa xusuusta Mudan, Gabaygan oo uu tiriyay Abwaanka ayaa wuxuu jawaab u ahaa Gabay kale oo uu tiriyay Khaliif Sheekh Muxumad.
Marmarsiinyo hadalkaagi, iyo meel ka dhicidaadi Gabayadi macluusha u badnaa, maqallay Jaalloowe Anigoon middaa iyo mid hore, kala micnayneynin Haddaad meherad leeday waqtigu, waa ku soo maraye Mindida daabka adigaa qabsaday, maalintii hore’e Gobannimo mudnaanteed haddii, lagu mihiibsiiyey Halkaan maamul loo siman yahay, ee mida ka dhawranay Maandeeqdi noo curatay baad, maashay keligaaye Annagoo minja-caddaadnay, ee nalagu maadeysto Meleg baas adinkoo nagu hayee, meydku tira dhaafay Milliterigu waatuu saq-dhexe, kaa maroorsadaye Macbuudkii na kiin dhaafiyaan, mahadinaynaaye Mus ka soo dhac iyo caydu, waa meheraddiinniiye Idinkoo marsaday xeeryaha, een marax idiin oollin Haddana inaad maxlalo doontahaan, maanka ka arkaaye Maansada masala-gaabka, iyo mala carruureedka Malxiiskaan mashxaradda u tumeen, marin abaalkeedi Adigoo muruxsan oo qaawan, aa meel lagaa helaye Maraay aa lagaa soo dejiyey, maalin duhurkiiye Markhaatina waxaa lagu hayaa, maqalya taariikh Adigoo maqaar bahal eh, iyo aadmi madixiisa Markaan ku arkayaan kaa samray, oo kaa mural jabay

Allaha u naxariistee Abwaan Cabdulle Raage waxaa uu jeclaa Nabadda, waxaana uu ka qeyb qaatay dadaalo badan oo dalka nabad loogu raadinayay xiliyadii burburka ee uu uu noolaa isagoo ka qeybgalay shirirkii dib u heshiisiinta ee Ethiopia iyo kuwo kale, waxaa xusuus mudan in Abwaanka wiil uu dhalay oo laga soo sheegtay in uu gacantiisa uu tolkiisa ugu dhiibay amrayna in la dilo.
Gabagabadii, Abwaan Hadraawi oo aqoon durugsan u lahaa Cabdulle Raage ayaa waxaa uu sharxay shaqsiyadii Abwaanka, wuxuuna ku tilmaamay Hobol isaga isbaray dadka Soomaaliyeed, hobol qalbigiisa buuxiyay Wadaninimo, Hobol caan ku ah meexaalaha, madadaalada iyo Qaran baalwinnimada, wuxuuna ku sifeeyay Cabdulle Raage nin dadnimada gob ka ah, laguna soo hirto, wuxuuna kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaataan tilmaamaha dadnimada dhisa ee uu lahaa Abwaan Cabdulle Raage, Suugaantii uu ka tegayna dadka baahiyaan oo ay xafidaan una duceeyaan.

Leave a Reply