JOOQLE Shire oo Laga Faafiyay inuu Geeriyooday iyo Abwaan Xuseen Shire oo Arintaasi ka Hadlay

February 04, 2017 – Abwaan Xuseen Shire (Ciyaar Jecel) ayaa ka hadlay warar ay qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalidu Faafiyeen, kaasi oo aahaa inuu Geeriyooday Abwaan JOOQLE Shire Jaamac.

JOOQLE Shire ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku jiro Isbitaal kadib markii uu ku soo booday xanuun aan la garanayn.

Xuseen Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ay saaxiibo yihiin Jooqle ayaa warbaahinta u sheegay inay joojiyaan warka aan runta ku salaysneyn ee ay baafinayaan.

Ciyaar Jecel ayaa sheegay in saaxiibkiis uu weli noolyahay laakiin uu ku jiro Isbitaal lagu baarayo xanuunada haya.

Leave a Reply