Taariikhda Hoogii laga soo marey Hogaanxumada!

Sooyaal kastaaba wuxuu leeyahay warintiisa iyo wacaalkiisa, haddaan dib u milicsano maalmo la soo dhaafay, bal aan ka billaabe

27 Janaayo 1991 ayaa waxaa dhacdey inuu dalka isaga baxo Madax weyne Maxamad Siyaad Barre, sababtuna ay ahayd, ka dib dhibaato iyo fadqalalo dalka ka taagneyd, ilaa dabayaqaadii 70neeyadii fashilkii ka yimid dagaalkii 1977, oo ay abuurmeey, Mucaaradyo hubeysan oo ka soo horjeeda Hoggaankii dowladdii Kacaanka ee Barre horkacayey.

Waxaana taladii maroorsiga ku dhisneyd si rasmi ah ula wareegay oo ay gacantu u gashay, Jabhado isugu jira, Ciidamadii gadoodey ee qalabka siday, dad reer miyi ah oo lagu soo kiciyey hab beeleed, iyo dadweyne xanaaqsan oo dhibaatooyin ka soo gaareen waxyeelooyinkii kacaanka.

Xaalada waddanka waxay noqotey fawdo iyo qalalaase dhinac walb ah mid dhaqaale, mid nabadgelyo iyo mid siyaasadeed, waxaana guud ahaan dalka ka oogmay dagaallo ujeedo la’aan ah oo wejiyo badan. waxa meesha ka baxay magacii iyo muuqii siyaasigga ahaa ee Soomaalidu ku lahayd adduunka, dalkuna wuxuu noqday meel aan lahayn hannaan dowladeed iyo nidaam wax kala haga, waxaana burburey dhammaan haykalkii iyo hay’adihii dowliga ahaa.

Isla sanadkaas 1991 waxaa si rasmi ah u bilaawday dagaalkii u dhexeeyay qabqablayaashii kala qoqobtey gobolladii iyo deegaamadi dalka oo idil, Dagaalladani waxay sababeen, burbur iyo dhimasho laxaad leh.

Waxaana halkaas ku dhintay kumanaan iyo kumanaan shacab ah,oo aan loogu aaba yeelin dagaalkii u dhexeeyay qabqablayaashii gudaha joogay iyo kuwii daaha gadaashisa ka hagayay sida waddamada shisheeye, waddamada deriska iyo hay,adhii kale waxa lagu sheegu beesha caalamka.

Sanadkii 1992 ayaa waxaa loogu baaqay heshiis xabad joojin ah labadii dhinac ee dagaalamayay, waxaana soo abaabulay heshiikaas hay,adii ammaanka ee qaramada midoobay hase yeeshee waxay qabqablayaashii ku heshiin waayeen sidii loo maarayn lahaa heshiiskaas, dhibaatadii waqtigaas ku billaabatay umadda soomaaliyeed ilaa hadda waa ay ku socotaa ayadoo aan la arag wax soo Hagaagay in lasii hungoobo maahini

Marka loo eego nabad gelyada aminiga iyo dhismaha waddanka.

Dalka iyo dadkuba waxa ay dhibaato ku soo jiraanba waqtiba waqtiga ka dambeeya waxaa soo baxa hoggaan cusub oo hindisihiisa wata, kaasina wuxuu u horseeda dalka iyo dadkana geliyaa colaad hor leh, waxaana ay somaaliya yeelatay in ka badan 2500 oo qof oo Hogaamiya yaal ah.

Hasa yeeshee bishii may ee sanadii 2000 ayaa waxaa furmay shirkii carta ee ay martigelisay dowladda d,jabuuti waxaana kaso qeyb galay ku dhawaad 2000 oo oo isugu jira, ergooyin bulshada u qaybsan, aqoonyahan,indheergarad, Oday dhaqameed, Siyaasi iyo culumo waxaana isla sanadkii 2000kii dhidibada loo aasay dowladii kumeel gaarka ahayd ee ee uu madaxda ka haa, Madax weynaha looga dhigay mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan, ra’iisal wasaarena waxaa ka laga dhigay, mudane Cali Qaliif Galayr.

Dowladaasoo la siiyay muddo saddex sano ah in ay dalka iyo dadka hashiis waara ka dhax dhaliso, hase ahaatee, nabadii la filaayay ayaa waxay isu baddashay dagaal iyo bara kac hor leh, mana iman iney suuragasho iney dowladii Cabdiqaasim hormuudka ka ahaa, gaarto guud ahaan gobollada dalka.

Umadii somaliyeedna waxay ku dhacay niyad jab laxaadleh, waayo aad baa loogu hanweynaa in isbeddel imanayo, mase dhicin, duruufo iyo sababo badan oo ku xeernaa awgeed. Waxaana mar kale bishii September 2003dii ka furmey shir loogu magacdarey nabadeynta Soomaaliya magalada Eldoret ee dalka Kenya.

Shirkan oo ay hormuud ka ahaayeen hoggaamiye kooxeedyada dalka badankoodu, waxaana lagu heshiiyay in axdi kumeel gaar ah iyo in dowladda la dhisayo cod bixin qof iyo cod ah ku gaarsiin doonto muddo 5sano ah la moode noqonse weyday.

Taasoo ka dambeeysa dhammaadkii 3dii sano ee dowladii hore ee carta,

Waxaana dowladdaan dambe loogu wanqalay magac aysan umadda Soomaaliyeed hore u aqoon una adeegsan oo ah, Dowladda federalka ku meelgaarka ah,halkaas maxaa kaaga baxay?? shalay kumeelgaar isku meelgaar ah, maantana federal ku meelgaarka oo yaa ku meel gaaraya ma inagga? mase iyaga? jawaabta aqristayaasha ayaan u Deynayaa!

Waxaana madaxweyne looga dhigay mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmad waxaana ra’iisul wasaare looga dhigay Mudane Cali Maxamed Geedi

Waxaana halkaas fursad qaali ah ka helay cadawgii soomaaliya oo ahaa Itoobiya iyo tacbanashaayii muuqa soomaali ka ahaa maankana xabashi oo xiligaas tageersanaa madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmad waxaana halkaa Ka bilLoowday is qabqabsigii dowladda dhexdeeda ahaa kaa soo ku aadanaa ansixinta keenista ciidamo nabad ilaalineed mayee nabad aasideed oo safka hore ah.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xiligaa ahaa gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG ah,ayaa waxaa uu shir ku qabtay caasimadda Kenya ee nairobi Golahii baarlamaanka ee xiligaa jirray ayaa isku raacay in aan la keenin ciidamo shisheeye dalka iyadoo ay soo xaadireen (217) xildhibaan waxaana diiday 156 xildhibaan in la keeno ciidamo shisheeye dalka, sidoo kale waxaa ogolaaday 55 xildhibaan

waxaana ka gaabsaday(6) Xildhibaan.

Sidaas ayaana lagu ansixiyay in barlamaanku diiday ciidamada safka hore iyo guud ahaan kuwa shisheeye Intaa kadib maxaa dhacay?

Waxaa halkaas ka dhashay dagaal baarlamaanka dhaxdooda ah iyagoo gacanta isula tagay, iskuna garaacay wax kasta oo yeelay xaruntii eey ku shirsanaayeen waa tii loo wada joogay waxii kala gaara, waxaa qaarkood soo gaarey dhaawacyo iyo dhibaabe.

Wixii intaas ka dambeeyay midowga afrika ayaa adis ababa isugu tegay kuna ansixiyay in ilaa 1,700 askari la geeyo Soomaaliya,si ay uga qayb qaataan so celinta amniga una taageeraan dhinaca amniga dowladda cusub ee lagu soo dhisay Kenya.

Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dowladda soomaaliya oggolaatay keenista ciidamo shisheeye,Ra’iisul wasaarihii dowladda itoobiya Males zenawi ayaa sheegay in muqdisho ay joogaan argagixiso tira badan isla markaana aan xusin qadiyada ka dhexeysa itoobiya iyo soomaaliya, sida dhabta ah itoobiya waxa ay rabtaa dhul iyo dad ay gumeysato wixii intaas ka dambeeyay dalku waxaa uu galay loolan gumeysi oo aan sahlaneyn sidi looga samata bixi lahaa.

In Dowladii DFKMG ahayd ay oggolaatay in ciidamo shisheeye dalka la keeno ayaa waxaa sababay oo soo dhaweeyey, hoggaamiya kooxeedyadii Caasimaddu u kala qoqobneyd, iyo tabcanayaashii kale ee itoobiya usoo dirsatay hirgelinta mashruuca faragelinta ciidamo shisheeye ee dalka Soomaaliya yimaada.

Hoggaamiye kooxeedyadii ayaa billaabey, abaabulkii koowaad ee suuragelinta ciidamo shisheeye iyagoo soo qaatey qandaraas ujeedadiisu ahayd, sidii dalka dagaal diimeed loo gelin lahaa, waxayna kaga dhawaaqeen magaalada caasimadda Muqdisho, Xisbi ay ugu magacdareen “Isbahaysiga dagaalanka argagixisada” Sanadkii 2006dii.

Hoggaamiyayaashan ayaa iyagoo qaarkood xildhibaano ahaayeen kuwana wasiiro, waxa ay diideen in ay ka qayb galaan kalfadhigii ugu horreeyay ee baarlamanka, oo ka dhacayay magaalada baydhabo ee xarunta gobalka bay.

Diidmadoodii ka dib waxaa muqdisho looga dhawaqay kacdoon lagu difaacayo dalka iyo diinta, oo isaga ay soo abaabuleen, kooxo wadaado ah oo kala ujeedo ahaa. Kacdoonkan oo loogu magacdaray dhawrida iyo difaaca diinta iyo dalka.

Dalku wuxuu galay marxalad ka duwan tii shalay ee ahayd, dagaal beeleedka iyo dagaal siyaasadeedka, iyadoo uu billowday oo la dhagax dhigay dagaal diimeed, ” Ka dar oo dibi dhal” isbahaysiga wadaada ayaa ahaa mid looga soo horjeedo isbaheysiga ladagaalanka argagixisada.

Isla sanadkii 2006 waxaana muqdisho mar kale ka billaawday dagaalkii u dhexeeyay maxkamadihii islaamiga, mayee (Wadaadadii waalida waday) iyo ururkii isbahaysiga ladagaalanka argagixisada(mashruucii qawlaysatada) dagaalkan waxaa ku naf waayey dad tiradoodu kor u dhaafeyso 500 kun oo Soomaliyeed haba ugu darnaadeen dadkii heer Muqdisho, oo korkooda lagu dirirayey in ka badan 5 sanno, 2006-2010

kuna bara keceen in ka badan 1,500, 000 oo qoys dagaalkaas oo muddo socday ayaa ay midowga maxaakiimta kula wareegeen inta badan koofurta soomaaliya.

Waxaa Midowga maxaakiimta islaamiga ah(MMI) hoggaaminayey guddoomiyana u ahaa Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmad, kooxdii maxaakiimta ayaa ka awood roonaday isbaheysiigii ladagaalanka argagixisada si kastaba ahaatee waxaa soomaaliya ka soconaayay dagaalo iyo colaado dhan kasta ah.

Muddo dhawr billood ah, markay maxaakiimtu isku ballaariyey deegaamo iyo gobollo badan ayay duulaan ku qaadeen, xaruntii dowladda Federaalka ku meelgaarka ahayd ee baydhab.

Tanina waxay sababtey iney si toos ah gudaha dalka soomaaliya usoo galaan ciidamadii xabashida ethopia sanadkii 2006dii, iyagoo garabsiinaya, kooxihii danleeyda ahaa ee markii horreba u ololeynayay ciidamada shisheeye, si ay u gaaraan ujeedooyinkoodii badnaa ee guracnaa.

Halkaa waxaa ka billowday dagaal loogu magacdarey, sifeynta Argagixisada geeska afrika, iyo Jihaad ka dhan ah, cadowga islaamka iyo dalka Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa wuxuu noqday mid dab ka ooga guud ahaan, Gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo dabku wada gaarey,waxaan halkaas ku baaba,ay naf iyo maal aan loo meel dayin.

Ugu dambeeyntii waxaa magaalada Muqdisho isaga baxay midowga maxaakiimta waxaana arrintaa shaaca qaaday, Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmad isagoo ku tilmaamay ka bixitaanka magalaada Muqdisho, xeelad waa sidii looga bartay wadaadadii waalidda weday, eraygaas Shariif ka dhawaajiyey ayaa u noqday halkudheg, mar kasta oo goob laga qabsado, Gobol ama degmo, iyagoo ceebsanaya waa nalaga awood roonaaday.

Waxaana si toos ah ula wareegay guud ahaan koofurta soomaaliya ciidamada itoobiya iyo kuwa dowladda Imbagaati,ciidamadii itoobiya ayaa isku fidayey dhammaan dalka soomaaliya, waxaana isla markiiba Muqdisho si qarsodi ah ku tagay ra’iIsul wasaarihii itoobiya, ee Meles Zenawi,

Imaanshiiyaha Zanaawi, waxaa garab socday inuu Kulamo uu la qaatay Madaxweynaha iyo ra’iIsul wasaaraha, intaa wixii ka dambeeyay dowladdu ma aysan howl galin oo waxaan qilaaf soo kala dhax galay ra’isul wasaare Geedi iyo Maxadweyne Yuusuf, iyadoo ugu dambeyntii sababtey inuu ra’iisul wasaare Geedi Xilka iska casilay taariikhdu markay ahayd, 29ki octobar 2007, intaa ka dib waxaa xilkii ra’iisul wasaaranimo loo magacaabay Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) .

Hasa ahaatee waxaa muqdisho ka dhacay xasuuqii ugu darnaa abid oo ay geysteen ciidamada itoobiya ayagoo u qabay Cadaawad hore oo kala dhexeeysay dadka soomaaliyeed, gumaad iyo xasuuq aan cidina kala xisaabtamin, Bulshada caalamkuna waxba ka oran.

Waxaana xiligaas ay sheegtay hay,ada xuquuqul insaanka u dooda (HRW)sanadkii 2007 in soomaaliya lagu dilay oo ay ku dhinteen ku dhawaad 6000 oo qof kuna dhaawacmeen in ka badan 7.980 kuna bara keceen 717.784 ayna Diiwaanka gashay.

29 december 2008,waxaa xilka iska casilay madaxweynihii DFKMG Cabdulaahi Yuusuf Axmed,Xaaladiina wey kasii dartay dhibaato aan kala joogsi leheyn ayaa wadankii sii galay, Bishii jan 2009 kulan ay baarlamaanku ku heshiinayeen oo lagu qabtay D,jabuuti ayaa waxaa lagu soo doortay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmad

Shariifna wuxuu u magacaabay xafiiska ra’iisul wasaareha mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, doorashadii ka dib waxa ay kuso laabteen magaalada Muqdisho ayagoo misna isku dayayay in ay sameeyaan is beddel cusub.

Mana dhicin isbeddel, ee sidii kuwii horre, ayaa waxaa soo dhexgalay is fahmi waa iyo khilaaf, is qab qabsi dheer ka dib halkaas waxaa xilka looga qaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Hayeeshee waxaa 31 OKtobar 2010 kii lo magacaabay xilka ra’iisul wasaaranimo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Asagana is fahandaro iyo khilaaf soo dhexgalay isaga iyo gudoomiyaha Baarlaamaanka Shariif Xasan aysaa sababey in 8deed bilood ka dib uu iska casilay xilka kadib markii ay isla jaan qaadiwaayeen, hogaankii siyaasadda iyo qaybo ka mid ah, bulshada Caalamka dusha ka hageysa Soomaaliya, is jiidjiid ka dib waxaa june 2011 ayaa ciidamadii shisheeye qoorta qabteen waa sida laynoo sheegaye isagoo kistiisii xaqa maslaxaada iyo raaligelinta hore u sii qaatay.

Waxaa haddana si toos ah loogu magacabay 23 june 2011 xafiiska ra’iisul wasare Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo isla xukuumadii mudane farmajo wasiir ka ahaa, Iyadoo waqtigii dowladuba geba gebo yahay.

Intaa ka dib waxaa dhammaaday waqtigii dowladii mudane Shariif taasoo ku guuleeysatay in magaalada muqdisho si nabadgelya ah loogu qabto shir weyne, mayee shir kooxeed lagu heshisiinayo Soomaalida, In kastoo ay jireen caqabado badan oo hortaagnaa howlaha dowladda si kastaba ha ahaatee,wali umadda soomaaliyeed ee daashay xal uma muuqdo

10 sep 2012, waxaa si rasmi ah, loo doortay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Asagoo muddo ka dib magacaabay ra’iisulwasarihii ugu horeeyay dowladiisa Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Hase ahaate, markii uu muddo joogay ayeey is qilaafeen xukuumadihii sanadlaha ahaa iga dheh.

Qilaaf kama dhammaado dowlad soomaaliyeede waxaa kalsoonidii kala noqdeen golaha Baarlamaanka, intaa ka dib waxaa uu mar labaad Mudane Xasan Shiikh Maxamuud magacaabay 23 decembar 2013 Ra’iisul wasaare Cabdweli Shiikh Axmad dowladii ilma siikh shacabku ugu magacdareen.

Meeshii cirkii laga filayay ayaa caad kayimide, muddo sanad kadib waxaa soo dhex galay iyana waa Ilma sheekhe, qilaaf xoogan, kaasoo sababay in

Xaaladdi iyo higsigii dowladnimo mar kale banjarto, waxaana halkaas ku baxay, oo xilkii looga qaaday is jiid jiid ka dib, Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha waxaa uu markii saddexaad magacaabay, Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashii Cali Sharma’arke,oo ilaa hadda xilka haaya.

Waxyaabaha la yaabka leh aya ah, nin waliba oo xildoona ama xoola doon ah waa inuu shacabka dhibaateeyaa oo uu madaxda hadda Joogta warbaahinta ka eedeeyaa iyo xafladaha beeluhu ku qabsadaan waddamada dibadda, raga ku caan baxay,Aflagaadada iyo belo hurinta , ujeedkoodu waa ama aan xil helo, ama xaalku ha xumaado.

Haddana kaba darane waaba dhaqaala raadis xilalkii dowladda waxay noqdeen ganacsi, ama dukaan marka aad xilka qabato, waa guri dhiso, gabadhyar guurso, tolkana u gacan togaalee, hantida qaranka, maxaa yeelay ninkastoo xil loo magacaabayaa waxa uu fiirsanayaa daqliga ka imaan kara xilkiisa kaso billaaw madaxweyne ilaa guddomiye Degmo mana fiirinayaa dhibaatada shacabka soomaaliyeed

Gunaannad iyo gebogebo.

Waxaan qormada ku soo afjaraya, alloow u gargaar umadda soomaaliyeed, kana dul qaad dhibaatada iyo colaada baahsan ee ay nagu hayaan cadawga gudaha kan deriska iyo kan dunidaba

FG.

Haddii gef ama gulcub aad ka dareento qormadan, haw qaaddan mid aan cid ku beegsanayo ee waa tebinta Sooyaalkii 26da sanno ee la soo dhaafay.

W/Q isaaq garaad xasan siicoow

isaaqgaraad@hotmail.com

Leave a Reply