Taariikhda Soomaaliya

Culimada wax ka qorta taariikhaha caalamka waxay yiraahdeen ereyga soomaali wuxuu ka yimid labo erey oo la isku daray,oo kala ah (soo-maal )
Kaas oo ka koobaan ( soo ) oo ah soco iyo ( maal ) oo ah lis taas oo markaas noqonaysa ( soco lis ) waayo bay leeyihiin ereyga

( soco ) wuxuu isu bedelay ( soo ) waxay kaloo leeyihiin qaarkood ereyga
( soco ) waa sac magaciis, ( maalna ) waa lis, markaas magacu wuxuu noqonayaa ( maal saca ) dadka sidan aaminsan waxay leeyihiin ereyga soomaali waxaa bixiyey dadkii u soo ganacsi tagi jiray dalka soomaaliya waayo markasta waxay maqli jireen ( soo-maal ) kuwo kale oo wax baara waxay iyaguna leeyihiin magaca soomaali wuxuu ka soo jeedaa ereyga carabiga ah ee ( Duu-maal ) kaas oo micnihiisu yahay:

( shacab xoolo badan leh ) qaar kalena waxay ku doodayaan ereyga kale ee ah in uu magacu ka yimid ereyga kale ee ah ( samaa-la ) oo micnaheedu yahay ninkii waranka dheeraa, si kastaba ha ahaatee qaar kale ayaa baaritaankoodii ku soo hooriyey magaca ( soomaal ) in uu ahaa Ab iyo wasiirkii ay ka soo farcameen dadka soomaaliyeed ee ( aw-samaanle )
dalka soomaaliya Dunidu waxay u taqaan ama u aqoon jirtay magacyo badan sida :-

1 .Dhulkii udgoonaa.
2 . Dhulkii Eebbe.
3 .Geeska Africa. IWM
Dadka soomaaliyeed waxaa loo kala qeybiyaa afar qeybood oo kala ah :-

1 .60% in ay yihiin dad reer miyi ah .
2 .15% in ay yihiin dad beeraley ah,
3 .20% in ay yihiin dad reer magaal ah .
4 .5% in ay yihiin dad kaluumaysato ah

DALKA SOOMAALIYA

– Bedka Dalka waa 637.657 Km iskuweer

– Tirada Dadka waa 10.000.000

– Magaalo Madaxda waa Mogadishu

– Diinta waa Islam

Dalka la magac baxay jamhuuriyadd soomaaliya waxay dhacdaa joqoraafi ahaan qorax ka soo baxa Geeska Africa Bari waxaa
Ka xiga bad weyn ta Hindiya, Galbeedna waxaa ka xiga Dalka Itoobiya.

Koonfur galbeedna waxaa ka xiga dalka Dalka kiiniya.

waqooyina waxaa ka xiga Dalka Jabuuti. Dalku wuxuu leeyahay xeeb dhererkeeda yahay 3333 Km. afrikana soomaaliya ayaa ugu xeeb dheer

marka laga reebo dalka koonfur afrika.

waxay la dherer egtahay marka la isku daro xeebaha dalalka faransiiska iyo talyaaniga.

Caasimadiisu waa Mogadishu
tan labaadna waa hargeysa.
Halka tan sadaxaadna ay tahay Kismaayo.

Dalku wuxuu xornimadiisa qaatay 26kii Juun 1960
( Gobalada waqooyi ee Ingiriisku Gumaysan jiray.)

1.dii luulyo 1960 waxaa xornimada qaatay gobolada koonfureed ee talyaaniga gumaysan jiray.
1.dii luuliyo 1960 waxaa midoobay labadii gobo lee waqooyi iyo koonfur.

shirkii gumaystayaasha afrika ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay baar-liin 1884.kii ayaa dalka soomaaliya loogu qeybiyey 5 qeybood oo kala ah :-

Gobolada waqooyi oo loo dhiibay gumaysigii Ingiriiska .

Gobolada Koonfureed oo loo dhiibay gumaysigii Talyaaniga
Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay Gumaysigii Faransiiska.

N.F.D. oo gacanta loo geliyey Dalka kiiniya.
Iyo gobolada soomaali Galbeed oo gacanta loo geliyey Dawlada Ethiopia
shantaan Gobol waxaa la isku yiraahdaa 5.ta soomaaliya
27.kii Juun 1977.kii ayey Jabuutina xornimadeeda qaadatay.

soomaali galbeed iyo N.F.D. weli waxay ku jiraan gacanta gumaystayaasha .

KORODHKA GOBOLADA DALKA
markii ay xornimada qaateen gobolada koonfureed 1960.kii waxay ahaayeen 6 gobol. oo kala ahaa gobolka

Gobolka Banaadir
Gobolka Jubada sare
Gobolka Jubada Dhexe
Gobolka Hiiraan
Gobolka Mudug
Gobolka Bari

waxaa iyana ku soo darsamay Gobolka waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay. waxayna ku soo darsadeen koonfurta labadii gobo lee xiligaas gobolada waqooyi la isku oran jiray.

Gobolka Waqooyi galbeed

Gobolka togdheer.

halkaas waxay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda 8 gobol.

markii uu kacaankii militariga ahaa dalka qabsaday ee la qaaday ololahii horumarinta reer miyiga ee 1973.kii ilaa 1974.kii ayey timid baahi ah in la magacaabo gobolo kale oo dheeraad ah. markaas waxaa 8.dii gobol lagu kordhiyey 7.gobol oo kale markaas waxay tirade gobolada Dalka noqdeen 15.gobol.

bilowgii 1980.kii waxaa lagu kordhiyey gobolka Jubada Dhexe.
dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa misana la magacaabay Gobolada Sool iyo Awdal markaas tirada Gobolada Dalku waxay noqdeen
18.ka Gobo lee aan halkan kaga hadalnay.

GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA DALKA SOOMAALIYA GOBOLADA WAQOOYI ( SOOMAALI- LAND )
1. GOBOLKA AWDAL
Baki (magaalo madax gobol)
Boorame
Saylac
Lug-haye

2. GOBOLKA WAQOOYI GALBEED
Hargeyso (magaalo madax gobal)
Berbera
Gibiley

3. GOBOLKA TOG DHEER
Burco (magaalo madax gobol)
Ood weyne
Sheekh
Buuhoodle

4. GOBOLKA SANAAD
Ceeri Gaabo (magaalo madax gobal)
Laas qoray
Cceel afweyn
Baran
Buraan
5. GOBOLKA SOOL
Laas caanood (magaalo madax gobol)
Xudun
Caynabo
Teleex
GOBOLADA WAQOOYI BARI.

6. GOBOLKA BARI
Boosaaso (magaalo madax gobal)
Qandala
Iskushuban
Bandarbeyla
Caluula
Qardho

7. GOBOLKA NUGAAL
garoowe (magaalo madax gobol)
Eyl
Sin ujiif
Boocane
Rabaale
GOBOLADA DHEXE

8. GOBOLKA MUDUG
Gaalkacyo (magaalo madax gobal)
Hobyo
Jariiban
Xarar dheere
Gal-dogob
Burtinle

9. GOBOLKA GALGADUUD
Dh/mareeb (magaalo madax gobol)
Caabudwaaq
Ceelbuur
Ceeldheer
Cadaado

10. GOBOLKA HIIRAAN
Beledweyne (magaalo madax gobol)
Buuloburte
Jalalaqsi
Matabaan

GOBOLADA KOONFUREED

11. GOBOLKA SHABEELADA DHEXE
Jowhar (magaalo madax gobol)
Balcad
Cadale
Aadanyabaal

12. GOBOLKA BANAADIR
Mogadishu (magaalo madax Dal)
Hodan
Howlwadaag
Shibis
Boondheere
Yaaqshiid
Kaaraan
Xamarjajab
Xamarweyne
Cabdi Casiis
Wadajir
Waaberi
Wardhiigley
Heliwaa
Dharkenley

13. GOBOLKA SHABEELADA HOOSE
marka (magaalo madax gobol)
Baraawe
Qoryooley
Afgooye
Wanlaweyn
Kurtunwaarey
Sablaale

14. GOBOLKA BAAY
Baydhabo (magaalo madax gobol)
Buurhakaba
Diinsoor
Qansaxdheere
Bardaale

15. GOBOLKA GEDO
Garbahaarey (magaalo madax gobol)
Luuq ganaane
Doolow
Beledxaawo
Ceelwaaq
Baardheere

16. GOBOLK BAKOOL
Xudur (magaalo madax gobol)
Waajid
Yeed
Ceelbarde
Tiyeeglow

17. GOBOLKA JUBADA DHEXE
Bu’aale (magaalo madax gobol)
Dajuumo
Baardheere
Saakoow
Jilib

18. GOBOLKA JUBADA HOOSE
Kismaanyo (magaalo madax gobol)
Jamaame
Afmadow
Badhaadhe

BADAHA MARA DALKEENA

DALKEENA SOOMAALIYA waxaa mara labo badood oo kala ah
Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Waana dal ay dhamaantiis ku dherersantahay Bad. Marka laga soo bilaabo cirifka koonfureed ee raaskaambooni ilaa cirifka waqooyi ee raascaseeyr.

magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan mogaddishu . kismaanyo.baraawe. marka. hobyo. bandarbayla. iskushuban. boosaaso. caluula. berbera. iyo saylac.

WEBIYADA MARA DALKEENA

DALKAN SOOMAALIYAwaxaa mara LABO WABI oo kala ah.
Juba iyo Shabeele. waxayna ka yimaadaan dalka itoobiya.

waxaana dhererkiisu uu gaarayo 500 Km waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaaraayo 800 Km.

magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabeelle wuxuu dalka ka soo gala xadka uu gobolka hiiraan la leeyahay dalka itoobiya.

meel udhow magaalada Feer-feer wuxuu soo maraa magaalooyinka Beledweyne.

Buuloburte. Jowhar. Balcad. Afgooye. Jannaale.

wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood. webiga Jubba isagu wuxuu dalka ka soo gala xuduuda uu gobolka gedo la leeyahay dalka itoobiya.

wuxuuna soo maraa magaalooyinka doolow. Luuq. Baardheere. Bu’aale Jilib. Mareerey. Kabsuuma. Jamaame. wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga daraa meesha la yiraahdo Goobweyn oo kismaayo u jirta 25 Km.

FOGAANTA U DHEXEYSA GOBOLADA DALKA.

Xamar iyo Baydhabo waxay isu jiraan 250 Km.
Xamar iyo marka waxay isu jiraan 1110 Km.
Xamar iyo Jowhar waxay isu jiraan 90 Km.
Xamar iyo Beledweyne waxay isu jiraan 360 Km.
Xamar iyo Bu’aale waxay isu jiraan 485 Km.
Xamar iyo Kismaayo waxay isu jiraan 500 Km.
Xamar iyo Xudur waxay isu jiraan 430 Km.
Xamar iyo Barbahaarey waxay isu jiraan 505 Km.
Xamar iyo Gaalkacyo waxay isu jiraan 750 Km.
Xamar iyo Dhuusomareeb waxay isu jiraan 550 Km.
Xamar iyo Hargaysa waxay isu jiraan 1600km.
Xamar iyo Laascaanood waxay isu jiraan 1220Km.
Xamar iyo Garoowe waxay isu jiraan 925 Km.
Xamar iyo Boosaaso waxay isu jiraan 1505Km.
Xamar iyo Bari waxay isu jiraan 1800Km.
Xamar iyo Burco waxay isu jiraan 1340Km.
Xamar iyo Ciiregaabo waxay isu jiraan 1450 Km.

XOOLAHA SOOMAALIDA.

Xoolaha ay soomaalidu dhaqaato waxaa loo qaybiyaa afar mees.
Geela iyo Lo’da waxaa la isku yiraahdaa Ishkin.
Idaha iyo Riyahana Ari.

Geela geela kan labwaxaa la yiraahdaa rati. kan dhadiga hal marka ay yar yaryihiin qurbac iyo nirig

LO’da lo’da neefka lab waxaa la yiraahdaa Dibi kan dhadiga na sac marka ay yaryihiin wayl iyo weyl ama aalo

RIYO riyaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Orgi kan dhadigana Ri marka ay yar yihiin waxar iyo waxar ama maqal
IDO idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa ( sumal ) kan dhadigana lax ( sabeen ) marka ay yar yar yihiin Neyl iyo nay lama Baraar.

DALAGYADA SOOMAALIDU BEERATO.

1. Galeyda. Waxay ku bislaataa 90 beri
2. Mesegada waxay ku bislaataa 90 beri
3. Sisinta waxay ku bislaataa 90 beri
4. Muuska wuxuu ku bislaadaa 180 beri
5. Digirta waxay ku bislaataa 80 beri
6. Yaanyada waxay ku bislaataa 90 beri
7. Babaayga wuxuu ku bislaadaa 180 beri
8. Bataatigu wuxuu ku bislaadaa 120 beri
9. Lowska wuxuu ku bislaadaa 100 beri
10. Canbaha wuxuu ku bislaadaa 6 sano

MAGACYADA GEED MIROODKA KA BAXA DALKEENA
Hohob 10. Miracas
Mareer 11. Tuke lalmi
Gud 12. Murcood
Dhafaruur 13. Kobash
Dhuwan 14. Askax
Ontoro 15. Shanfarood
Deegaan 16. Barde
Dhebi (Mircaanyo) 17. Dhamaag
Gob 18. Qoone

TAARIIKHO LA XUSUUSTO

26Kii. Juun 1960 xornimadii gobolada waqooyi
1dii. luulyo 1960 xornimadii gobolada koonfureed
1dii. luulyo 1960 midoobidii gobladii waqooyi iyo koofur
12ka. abriil aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka soomaaliyeed
8da. maarso maalinta haweenka soomaaliyeed
5tii. oktoobar 1949.kii dagaalkii dhagax tuur ee hanoolaato
27kii. juun 1977.kii Xornimadii Dalka Jabuuti
15kii. Maajo 1943.kii aasaaskii ururkii S . Y . L .

Bishii jun 1974 waxaa Mogadisho lagu qabtay shirkii midowga Africa

20.kii bishii 12.naad 1950.kii aasaaskii booliiska soomaaliyeed
21.kii oktober 1972.kii qoraalka Farta Soomaaliga
16.kii Febraayo 1974.kii Soomaaliya waxey ku birtay Jaamacada Carabta.
1528-1542.kii Halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska
1900-1921.kii Halgankii Sayid Maxamed C/lle Xasan ee Ingiriiska
1da.Abriil 1950.kii Heshiiskii qaramada midooobay iyo talyaaniga ee Xornimo Gaarsiinta soomaaliya.

Madaxweenayaashii dalka soo maray :-

Bishii Luulyo 1960.kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.

Bishii Juun 1967.kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday Cabdirashiid Cali Sharmaake
Bishii Okto 1969.kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday Maxamed Siyaad Barre.

Bishii Jan 1991.kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday Cali Mahdi Maxamed.

Bishii Agosto 2000. kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday Cabdi Qaasim Salaad Xassan.

Bishii Okt 2004. kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday Cabdullhi Yuusuf Axmed.

Bishii Jan 2009.kii waxaa Dalka madaxweyne u noqday Shafiir Sheekh Axmed.

Warshadda:-

Warshadda kaluunka laasqorey waxaa la dhisay 1970.kii
Warshadda Dharka baldac waxaa la dhisay 1968.kii
Warshadda Sonkorta Jowhar waxaa la Dhisay 1962.kii
Warshadda Caanaha Xamar waxaa la dhisay 1966.kii
Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973.kii

MAAHMAAHYADA KU QALDAN DIINTA

Nin laga adagyahay laga Alle Roon
Cishe iyo Naag xunba waa la dedejiyaa
Meel uu caalin taabtay cadaab ma gaarto
Meel il laga la’yahay hadaad tagto ilbaa la isku ridaa
Meeliba siday u taal ayaa loola yaal
Rag iska celi iyo Rabi ka cabso Meel ma wada galaan
Wacdi wadaad wax I sii baa u dambeysa
Wiil ninkii korsan lahaa Ilaahey ma siinin
Caado la gooyey caro Alle ayey leedhay
Aduunyo waa Hawle salaadana ha lagu daro
Fiqi tolkii kama janno tago
Maahmaahdu waa Diin shanaad
Carab intey ku nabto ayey nebigana kaaga hormartaa
Waxaan ku cuninba waa la cunaa
Intii Ilaahey laga barto waan hoos joogay
Nimaan Ilaahey aheyn usha way ka dhacdaa
Masladadaada maqaar ey baa loogu seexdaa
Rag ciil cadaab buu ka doortay
Nimaan shantaada kaa reebin sharci kaama reebo
Kheyr ha sameyn shari kuuma timaadee
Wadar iyo waaxid yaa waalan
Walaa Xowla Walax baa ku hoos jira
Ilaahey nin uu deystay ayaa Dagaala

SIDKA QAARKA MID AH DUUR JOOGTA IYO DAB JOOGTA

Xayawaanada duurjoogta iyo dabjoogta ee Dalkeena laga helo sidkooda waa kala duwanyahay oo kuligood isku xilli ma aha.
mid waliba wuxuu leeyahay xille go’an oo uu rimaayo kuna dhalaayo.
sidka lo’da waa 285.beri 6. sidk geela waa 390.beri
sidka idaha waa 150.beri 7. sidka riyaha waa 151.beri
sidka fardaha waa 340.beri 8. sidka damerada waa 370
sidka eyda waa 120.beri 9. sidka bisada waa 110.beri
s/maroodiga waa 630.beri 10. S/Digaaga waa 21.beri

CAANAHA IYO WAXYAABAHA LA XIRIIRA

Culin. cadaadid. Haruub. Gaawe. Ameel. Haan. Catir. Lingax. Ruxid.
(Lulid) caano-lule. saab. dhiil. lisid. dabar. xagayn. maraq. igar.
sidig. cusub. (gandaal) dacay. godal. gaagax. toojo. madi. baaqin. dambar. dhay. (mac) dhanaan. karuur. fadhi. kalbaa. ciir. (garoor) miyac. suusac. waraabe-qandhis. barax xoor labeen bur-cad. subag. sixin. xanto. teexaan (kala tasho sharaxa ereyadaan dad aqoon u leh.)

DHAQANKA IYO GUURKA SOOMAALIDA
sooryo. yarad. gabaati. gaari. marwo. hadiiqo. maakhiido. areedo. baali. basari. araajo. dhibaad. meher. heerin. Geesxir. guumeys duub. godadle. gashaanti. galbis. manxiis. mansiisad. dhicis. dhameys. shindhalad. guudgoyn. xilogube. naagshudo. raaliyo. garoob. carmal. curad. guradambeys. mataano. roorsi. dhabargaraac. nindiid. marasho. xigsiisin. dumaal. carocelin. siismo. xodxodasho. yabash. iyo kaalo,gol maran. uur ku har (kala tasho sharaxa ereyadan qof aqoon u leh)

MAGACYADA DHALINYARADII URURKA S . Y . L .

C/qaadir saqaawe diin
Maxamed xirsi nuur
Yaasiin xaaji cismaan
Xaaji maxamed xuseen
Cusmaan geedi raage
Dheere xaaji dheere
Daahir xaaji cusmaan
Cali xasan maxamuud
maxamed cali nuur
maxamed faarax hilowle
xaaji maxamed c/laahi
Hhuudow macalin cabdulle
Maxamed cusmaan baarbe

BILAHA SANADKA IYO SOOMAALIDA

Seko
Safar
Mowliid
Maalma-doone
Milli-hore
Milli-dhexe
Milli-dambe
Soon-dheere
Soon
Soon-fur
Sidataal
Carafo

GOBOLADA IYO WARSHADAHA DALKA

1.GOBOLKA BANAADIR

warshadda caanaha

warshadda birta
warshadda baastada
warshadda sifeenta badroolka

2. GOBOLKA SH/HOOSE
warshadda labanka
warshadda yaanyada. (itop)

3. GOBOLKA BARI.
warshadda kaluunka xaabo warshadda kaluunka qandala
warshadda kaluunka laasqoray

4. GOBOLKA TOGDHEER
warshadda hargaha

5. GOBOLKA W/GALBEED
warshadda shamiintada
warshadda galleyda
warshadda jypsinka iyo tabaashiirta
warshadda eterenigga
warshadda hargaha

6. GOBOLKA J/HOOSE
warshadda caaga. (inkas)
warshadda hilibka
warshadda hargaha
warshadda sokorta (mareerey)

7. GOBOLKA SH/DHEXE
warshadda sokorta jowhar
warshadda dharka balcad
warshadda rassaasta

8. GOBOLKA MUDUG
warshadda gallayda…

W D:- MAXAMED XUSEEN XAJİ.

Leave a Reply